Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa la odhan karaa waxay qaaday talaabooyin muhiim ah dhinaca horumarka mudadii yarayd ee ay jirtay. Laakiin waxa muuqata mid ay ka taagan tahay mushkilad daruuri ah oo saamayn weyn ku leh nollosha bulshada, taas oo ah su,aasha ka taagan sida ay u kala fogaadeen  qiimaha sarifka dollarka,  maceeshada iyo ashcaarta kale. Waxay haddaba su’aashu tahay maxay xukuumaddu tallaabo uga qaadi weyday maceeshada cirka ku shareeran weli iyadoo ay xukuumaddu qaaday tallaabo ay ku kobcinayso dhaqaallaha dalka, taas oo ah kadib markii ay qaaday tallaabo lacagta Somaliland qiima ku yeelanay ee dollarkii la jebiyay si lacagta Somaliland qiime u yeelato.

Balse qorshahaa Xukuumadda ay ganacsatadu dagaal kula jiraan, iyagoo qiimaha maceeshada ku dalacay dadka, isla markaana sixir barar ka abuuray dalka, taas oo si weyn u taabatay nollosha bulshada Somaliland.
Tusaale ahaan xiligii Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku guulaystay todoba bilood ka hor, qiimaha sarifka dollarku ahaa $ 100 dollar waxa lagu sarifayay 650, 000 S/l sh. Oo  lacagta Somaliland ah, balse Xukuumaddu iyadoo doonaysa in lacagta Somaliland qiime yeelato ayay hoos u riday dollarka, si dhaqaallaha dalka loo kobciyo, waxayna tallaabadaa qaaday iyadoo malaayiin dollar oo deyn ah ka tagtay kooxdii ay xukunka kala wareegeen, isla markaana waxay 100% kordhisay mushaharooyinkii ciidamadda iyo shaqaalaha. Laakiin nasiibdaro ganacsatada ayaa dalka ka abuuray sixir barar, iyagoo maceeshada ku iibinaya qiimihii dollarka ee markuu 6500 S/l Sh. Ahaa, taas oo keentay inay qiimaha sarifka dollarka kaga qaataan sixirka xukuumaddu gaadhsiisay ee $ 1 dollar 5 000 (shan kun ) oo S/l sh. Ah, taas oo meesha ka saaray15 % dollar ka maqantahay qofka, iyagoo dhinaca kalena kordhiyay maceeshada halkii ay ahayd  inay dhimaan maadaama qiimaha dollarku hoos u dhacay.

Arrintani waxay si weyn u taabatay nollosha bulshada Somaliland, waana mid u baahan inay xukuumaddu tallaabo ficil ah ka qaado. Ganacsatadu waxay khalad ka fahmeen ganacsiga xorta ah. Laakiin ganacsiga xorta ahi waa inaad badeecad ka keeni karto meeshaa doonto, balse maaha inaad qiimaha aad doonto ku iibiso.
Qiimaha iibka waxa kaantaroolaya Xukuumadda, waxana muuqata in wasiirka Maaliyaddu kasoo baxay shaqadiisii laakiin wasiirka ganacsiga ayaa hawshiisa ay ahayd inay inuu arrintan kala hadlo ganacsatada oo loo sheego inay la jaanqaadaan sixirka qiimaha sarifka dollarka iyo maceshadu si ay wada socdaan, maaha ganacsatada aynu aragnaa kuwo ummada u naxariisiinaya oo ka naxaya ee Xukuumadda ayaa loo baahanyahay inay arrintaa wax ka qabato. Sidaa awgeed waxa waajib ah inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo aan rumaysan ahay inay dhaqaallaha aqoon u leedahay, maadaama madaxweynuhu yahay dhaqaalle yahan inay tallaabo ficil ah ka qaado ganacsatada sixir bararka ummada ku haya ee sida khaldan u fahmay ganacsiga xorta ah. 
Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tayuub)
Hargeysa Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *