Berbera(ANN)Maxkamadda gobolka Saaxil ayaa maanta Xoriyadiisa u soo celisay Tafatiraha Shabakada wararka ee Berberanews Maxamed Siciid Cabdilaahi (Xarago), kadib markii uu Muddo afar maalmood ah ku xidhnaa magaalada Berbera, isla markaana  dacwadii lagu soo oogay  lagu waayay. Iyadoo

dacawada lagu
soo oogay  isugu jirtay laba qaybood oo ay kala wateen Maayarka magaalada berbera iyo Ciidanka CID-da, kuwaas oo  ay Maxkamaddu maanta dhegeysatay, isla markaana ku dhawaaqday inuu Fasax yahay Tafatiraha Shabakada wararka ee Berberanews, kadib markii uu Guddoomiyaha Maxkamaddu sheegay in Dacwadaha lagu soo oogay ay mid ka mid ahi ay Maxkamaddu burisay wakhti hore, isla markaana dacwadii labaad ee Maayarku ku soo oogay Tafatiraha shabakada wararka ee Berberanews uu caddaymo Maxkamadda horkeenay, iyadoo markii ay Maxkamaddu garowsatay Markhaatiyadana ay xoriyadiisii u celisay Wariye Maxamed Siciid Cabdilaahi Xorrago

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil Cismaan Ibraahin Daahir oo markii uu akhriyey dacwadaha kala duwan ee loo haystay Weriyaha waxa uu sheegay in dacwadda labaad ee xukunka saddexda sanno hore loogu riday Titatiraha Shabakedda Maxamed Siciid Cabdillaahi ay maxkamaddu burisay oo aan hadda waxba looga haysan, isagoo u gudo-galay eeda koobaad oo uu Tifatiraha wax ka weydiiyay inuu qirto ama diido inuu isagu qoray warka ku saabsan saaqiyadaha dawladda hoose ka wado Berbera iyo inuu caddayn u hayo gabadh goob joog ka ahayd shilka dhacay saaqiyadaha oo shebekadda Berberanews u sheegtay inay jiraan dad wax ku noqday.

Tifatiraha Berberanews, Maxamed Xarrago, ayaa isagu qirtay inuu gacantiisa ku qoray warka lagu soo eedeeyay, isla markaana uu haysto markhaatiyaashii goob-jooga ka ahaa goobtii uu Shilkaasi ka dhacay, isagoo Maxkamadda uu ka markhaati furay mid ka mid ah Dadkii goobjooga ka ahaa Shilkaas, isaga oo tifatiruhu maxkamadda ka codsaday in xoriyaddiisa u soo celiso.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil Cismaan Ibraahin Daahir, ayaa intaa ka dib ku dhawaaqay inuu xoriyadiisii u soo celiyay Maxkamadu Tifatiraha Shabakedda wararka ee Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail. info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *