-
Published On: Fri, Apr 15th, 2011

Xukuumadda Somaliland Oo Qoraal Kusoo Bandhigatay Waxqabadkeeda Saddexdii Bilood Ee U Danbeeyay Q.Afraad

Smiley face
Share This
Tags

Normal 0 false false false EN-US X-NONE AR-SA MicrosoftInternetExplorer4 /* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:”Table Normal”; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:””; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin:0in; mso-para-margin-bottom:.0001pt; mso-pagination:widow-orphan; font-size:10.0pt; font-family:”Calibri”,”sans-serif”;}

Hargeysa(ANN) Xukuumadda Somaliland ayaa soo bandhigatay qoraal ka kooban afar iyo sodon bog oo ay ku sharaxayso  waxqabadkeedii saddexdii bilood ee u danbeeyay, iyadoo qoraalkaa oo saxaafada loo qaybiyay lagu soo bandhigay waxyaabaha ay mudadaa sadexda bilood ah ka

qabatay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dhinacyada dhaqaallaha, Caafimaadka waxbarashada, nabadgelyada, tayaynta shaqaalaha, mushahar kordhinata, gurmadkii abaaraha iyo dhaamiska   iyo gebi ahaanba adeegyada aasaasiga ah ee   arrimaha bulshada.
Qoraaalka oo kasoo baxay madaxtooyada Somaliland, wuxuu isagoo dhamaystiran u qornaa sidan:-    
W. Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga:
–    Iyada oo laga duulayo Balan-qaadkii Madaxweynaha waxa gobollada iyo degmooyinka dalka loo kala diray 30 kooxood oo ka tirsan Dhakhaatiirta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Dhakhaatiir madaxbanaan oo iska kaashanaya daawaynta iyo daryeelka xoolaha, kooxahaas oo ka kala hawl-galay Afar gobol ee xuduudka la leeyahay Itoobiya (Sool, Togdheer, Maroodi-jeex, Awdal iyo  Gobolka Saaxil oo ah marinka Xoolaha ee ugu wayn Geeska Afrika. Kooxahaas gurmadku waxay u kala hawl-galeen Saddex weji oo kala duwan, iyada oo weji kastana ay goboladaasi uga hawl-galayeen min 10 kooxood.
–    Dawooyinka ay kooxuhu ku hawl-galeen ka sokow waxa gobolka Sanaag loo diray dawooyin badan si loola tacaalo cudurada ka dhashay abaaraha, iyada oo ay u qorshaysan tahay weliba in laba kooxood xarunta lagaga daro si loo xoojiyo hawlaha gobolkaasi.
–    Intii lagu guda-jiray gurmadka iyo daawaynta xoolaha Somaliland, waxa lagu guulaystay inay ka soo baxdo natiijo wax ku ool ah,kuwaasoo u kala dhignaa sidan hoos ku xusan:

D. Natiijada Mashruuca Gurmadka Deg dega ah ee Daaweynta

No     Wajiga     Mudada     Gobolka     Adhi     Geel     Lo     Dameero     H/H
1    1AAD     25 Dec -12 Jan (17 days)    Sool, Saxil, Awdal, tog, M/jeex     270025    8831    1285     285   
2    2aad     24 Feb – 10 March (15 days)    Sool, Saxil, Awdal, tog, M/jeex    204805    9337    1225    126   
3    3 aad     15march -31 March(15days)    Sool, Saxil, Awdal, tog, M/jeex    203915    9045    1263    182    12374
TOTAL     418745    27213    3773    593   

–    3 bilood ee sanadkan waxa Dekedda Berbera ka dhoofay xoolo caafimaadkooda Xukuumadu hubisay oo tiradoodu dhan tahay Geel, 22274, Adhi 227670, Lo 22857.

–    iyada oo la ogsoon muhiimada ay xooluhu bulshadeena u leeyihiin oo ah laf-dhabarta dhaqaalaheena waxa ilaa hada lagu guulaystay in xoolaha laga daweeyo cuduradan hoos ku xusan:-
–    – Caalka, Dhukatada Geela, Raaf-dilaaca, Dhukaanka Geela, Cadhada, Sangaalaha, Sanbabka Riyaha, Hiinkaarka iyo furuqa adhiga.
–    Sidoo kale iyada oo la fulinayo balanqaadkii Madaxweynaha ee daryeelka deegaanka, waxa la abuuray deegaan ilaaliyaal si loo badbaadiyo deegaanka, loona ilaaliyo seerayaasha.
–    Deegaan ilaaliyaasha iyo dhiryaqaanada shaqaaleysan:-
–   
–    1. Gobolka Awdal                7 xubnood
–    2. Gobolka Maroodi jeex     25 xubnood
–    3. Gobolka Saaxil             4 xubnood
–    4. Gobolka Togdheer        11 xubnood
–    5. Gobolka Sool            13 xubnood
–    6. Gobolka Sanaag         41 xubnood

W. Waxbarashada iyo Tacliinta Sare:

•    Dal kasta oo Caalamka ka tirsan waxa umadiisa lagu qiimeeyaa heerkooda aqooneed, hadaba si loo kobciyo heerka aqooneed ee bulshadeena ayaa waxa lagu talaabsaday sidii loo horumarin lahaa waxbarashada iyo tacliinta Sare ee umadeena. Hadaba 3-bilood ee u dambeeyay waxa la shaqaaleeyay 2233 macalin oo 1500 oo ka mid ah ay dawladu bixinayso mushaharkooda, halka ay 733 ka mid ahna ay naga caawisay dawlada Denmark.
•    Iyada oo la fulinayo balanqaadkii Madaxweynaha ee la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo maamul-wanaaga, waxay Wasaarada Waxbarashadu ku guulaystay in la sameeyo Sanduuqyo (Accounts) u gaar ah macalin kasta oo mushaharkiisa loogu shubo, taasoo meesha ka saaraysa caaglihii iyo lacagihii la lunsan jiray.
•    Wasaaradda Waxbarashadu waxay 300 oo Arday oo ka baxay Dugsiyada Sare ee dalka u fidisay deeq-waxbarasho (Scholarships).
•    Waxa markii u horaysay la dhisay Studio loogu talo-galay in lagu duubo barnaamijyo loo diyaarayo waxbarashada Radio-ga.
•    Waxa la dhamaystiray.
•    Madbacadii Buugaagta ee Wasaarada Waxbarashada oo la keenay 2008 ayaa markii u horaysay laga shaqaysiiyay oo hawl-gashay.
•    Waxa la dhisay Hool wayn oo lagu saxo Imtixaanada laguna kaydiyo.

Wasaaradda Warfaafinta:
– Warfaafintu waxay door muhiim ah ka qaadataa isku-xidhka xukuumada iyo dadweynaha, barbaarinta dareenka wadaniga ah, kobcinta dimuqraadiyada, xoojinta amniga iyo horumarka bulshada. Inkasta oo aanay jirin idaacad wayn oo dalka oo dhan wada gaadha, hadana waxa ay xukuumada cusubi xooga saartay sidii looga bixi lahaa baahida umadu u qabto helitaanka Idaacad ku filan oo dalka oo dhan wada gaadha, hadaba iyada oo laga duuliyo balanqaadkii Madaxweynaha ee uu ku soo qaatay khudbad-sanadeedkii Goleyaasha Qaranka, ee uu ku sheegay in sanadkan gudihiisa la keenayo Idaacad awood leh, waxay ku jirtaa miisaaniyada sanadkan, iyada oo lagu rajo-wayn yahay in sida ugu dhakhsaha badani Idaacadaasi u soo gaadho dalkeena.
– Warfaafintu waxay la gashay Heshiis sanad iyo badh mudadiisu tahay Hay’ada BBC World Trust Service, taasoo lagu tababari doono shaqaalaha barnaamijyada Idaacada, iyada oo sidoo kalena qalab ku soo kordhin doonta Studio-yada Idaacada.

Wasaaradda Beeraha:

•    Waxa markii ugu horaysay laga hir-geliyay Somaliland in la beero Bariis, kaasoo soo go’ay lagana isticmaalo qaar ka mid ah gobolada dalka cunitaankiisa.
•    Wasaarada Beeraha ayaa waxay haatan ku hawlan tahay xaqiijinta iyo dhiiri-gelinta heerka ugu sareeya wax soo saarka beeraha, si ay taasi gacan uga gaysato horumarka dhaqaale ee qaranka iyo xaqiijinta isku filaanshaha dhinaca cuntada ee bulshada Somaliland.
•    Waxa la xoojiyay dhiiri-gelinta iyo gacansiinta beeralayda, haday noqoto dhinacyada aqoonta beeraha, qalabka, farsamada iyo midho-beerista si loo xoojiyo awoodooda waxsoosaar,loolana dagaalamo saboolnimada iyo shaqo la’aanta.
Wsaaradda Caafimaadka :
Wasaaradda caafimaadku iyadoo ka duulaysa Nidaam tayo leh oo ay u dhigtay ha’yadaha samafalka ee caawimada ka gaysta adeegyada caafimaadka waxay heshiisyo ay ku kafaala-qaadayan cisbitaalada waaweyn ee xrumaha caafimaadka bobolada,iyo magaalooyinka bueco,oodweyne,saaxil.
Wasaaraddu iyadoo ka duulaysa siyaasada qaran oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka waxay dib-u habayn balaadhan  ku samaysay nidaamka xogta caafimaadka ee dalka(Health Management information system) kaas oo suuta galinaya in la helo xog sugan  oo wax ka tarta adeegyada caafimaad ee bulshada.
• Wasaaraddu waxa dalbatay khabiiro ku takhakhusay siyaasadda
caafimaadka, qorshaynta adeegyada caafimaadka iyo tababaradakhuburadaas
oo farsamo ahaan wasaaradda ka caawin doona sidii
loo heli lahaa siyaasad hufan iyo qorshe sugan oo haga hawl-galada
caafiamadka dalka. Khabiiradan waxay dalka imanayaan bisha May
2011. Waxaa khabiiradan ku caawiyay wasaaradda hay’adda DfID.

    MAAL-GELINTA IYO BAAHINTA ADEEGYADA CAAFIMAADKA:
Waxaa Wasaaradda Caafimaadka Somaliland hirgelisay saddex-biloodkan
baahinta adeegyada caafimaad ee hoos ku qoran:
• Waxaa la ballaadhiyay barnaamijka xakamaynta cudurka qaaxada oo
lagu kordhiyay 2 xarumood oo cusub oo ka dhigaysa tirade guud ee
xarumaha lagu daaweeyo cudurka qaaxada 14 dhamaan waddankoo
dhan.
• Waxaa wasaaraddu heshiis la gashay hay’adaha MSF Belgium oo
gabi ahaanba kafaalaqaaday baahida cusbitaalka Burco
• Wasaaraddu waxay heshiis la-gashay hay’adda UNDP kaas oo lagu
qalabaynayo cusbitaalka Oodweyne.
• Wasaaraddu waxay heshiis la gashay hay’adda Health-un-limited oo
gabi ahaanba la wareegaysa adeegyada caafimaadka ee gobolka
Saaxil oo ka kooban 12 rugo caafimaad, 6 xannaano, 2 xarun
caafimaad ama cusbitaal degmo (Goda iyo Sheikh Abdaal) iyo
cubitaalka guud ee Berbera. Mashruucan wuxuu socon doonaa
muddo 30 bilood ah waxaana maal-gelisay DfI

    DAAWADA IYO QALABKA CAAFIMAADKA
Si loo daboolo baahida daawo ee dalka, isla markaa loo xakameeyo soo
dejinta iyo iibka daawada, wasaaraddu waxay soo saartay siyaasad qaran
oo ku wajahan daawada oo wadata dhamaan xeerarka aasaasiga ee
nidaaminta, isticmaalka, soo-dejinta, keydinta iyo ka-ganacsiga
daawooyinka iyo agabka caafimaadka sida hoos ku cad:
1. (Somaliland National Drug Policy Document) oo qeexaysa habka
daawo keenista, keydinta, qaybinta iyo isticmaalka. Siyaasadda
waxaa ku qeexan hirgelinta shirkad u xilsaaran daawo keenista,
keydinta iyo qaybinta
2. National Pharmacy Regulatory Authority, hay’addaas oo u
xilsaarnaan doonta xakamaynta suuqa daawada, hay’addaas oo
xeerkeedii la dhamaystiray lana horkeeni doono golaha.
3. Liiska Daawada Muhiimka ah ee Qaranka (National Essential Drug
List). Siyaasaddu waxay sidoo kale qeexaysaa liiska daawada
muhiimka ah ee qaranka oo wadanka la keeni karo daawada ku
qeexan liiskan oo cilmiyan ku salaysan daaweynta curudarada ka jira
Somaliland.
4. Xeerka daawooyinka deeqaha loo keeno
5. Xeerka diiwaan-gelinta daawooyinka
Dhamaan xeerarkan, waxaa la horkeeni doonaa golayaasha si loo
ansixiyo.
• Wasaaraddu waxay wadaa tiro koobka iyo tayaynta goobaha
caafimaad ee gaarka loo leeyahay
• Wasaaraddu waxay heshii la gashay ururka soo dejiyayaasha
daawada, heshiiskaas oo si wada jir ah layskaga kaashanayo sidii loo
ilaalin lahaa tayada daawada dalka soo galaysa.
• Wasaaradda caafimaadku waxay si rasmi ah uga mamnuucday iibka
daawada qaaxada ee goobaha gaarka loo leeyahay, taas oo ka hortegaysa
adkeysiga jeermiska qaaxada.
    TABABARKA HAWL-WADEENADA CAAFIMAADKA
Shaqada caafimaadku waa mid ku xidhan farsamda dad (Labour based
technology), waxaana hawsha caafimaadka wada 90% xirfadlayaasha
caafimaadka ee kala duwan. Lix iyo tobankii sano ee u dambeeyey ma soo
bixin xirfadlayaal caafimaad oo tababaran, waxaana machadyadii
tababarka caafimaadka intooda badani ku yaaleen koonfur. Dugsiyadii
tababarka caafimaadka ee Hargeysa iyo Burco iyo goobihii ay ardaydu
seexanaysay waxay ku burbureen dagaalkii dib-u-xoreynta Somaliland.
Haddaba:
• Wasaaraddu waxay dadaal u u gashay sidii loo heli lahaa xoog cusub
oo u tababaran xirfadaha caafimaadka ee kala duwan. Waxaana
sannadkan la shaqaaleeyey 443 hawl-wadeen oo isugu jira
dhakhatiir, kalkaaliyaal caafimaad iyo farsamayaqaanada kala duwan
ee caafimaadka, kuwaas oo isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal
cusub oo ka soo qalin jabiyay dugsiyada caafimaadka iyo jaamadaha
dalka iyo shaqaale hore oo caafimaad oon ku jirin liiska shaqaalaha .
• Wasaaraddu waxay heshiis la gashay hay’adda UNFPA kaas oo lagu
tababri doono 80 umulisooyin muddo 18 bilood ah kuwaas oo laga
soo xulay tuulooyinka lixda gobol ee Somaliland.
• Waxaa bishan March ka qalin jabiyay machadka tababrka
caafimaadka ee Hargeysa sodon gabdhood oo ah umuliso sare oo
wax weyn ka tari doona adeegyada caafimaad ee loo qabto hooyada
uurka leh iyo ilmaheeda. Umulisooyinka sare waxay leeyihiin aqoon
kalkaaliso iyo mid umuliso.
• Wasaaraddu waxay ku dadaashay 3 bilood ee u dambeeyey sidii kor
loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadda hawl-wadeenada caafimaad
ee kala duwan sida koorsooyin wax-barasho dibadda ah, seminaro
joogto, iyo dhiiri-gelinta cilmi-baadhista caafimaadka.
    BARNAAMIJYADA XAKAMAYNTA CUDURADA FAAFA

• Wasaaraddu iyadoo ka duuliyasa Siyaasadda Caafimaadka Qaranka
oo xoogga saaraysa ka hortagga iyo xakamaynta cudurada faafa,
waxay hirgeliyasay barnaamijyada hoos ku qoran si loo yareeyo
khatarta cudur dilaaca iyo saameynta ay cudurada faafaa ku leeyihiin
mujtamaca Somaliland.
• Wasaaraddu waxay heshiis la gashay IGAD oo inaga caawinaysa
mashruuc lagu xakamaynayo isugudubka cudurka HIV/AIDS ee
wadamada aynu jaarka nahay ee Ethiopia iyo Djibouti. Mashruucan
oo socon doona shan sanno waxaa maal-gelisay World Bank waana
markii u horeysay sannadkan aynu heshiis iskaashi oo toos ah aynu
la galno IGAD.
• Waxaa taageero caalami ah loo helay xakamaynta cudurka duumada
faafa (Global Fund round 10)
• Waxaa Somaliland ku guulaysatay cidhib-tirka cudurka dabaysha oo
aan afartii sanno ee u dambeeyey lagu arag dalkeena. Waxaanay
bishan March 2011 la soo gebo-gebeeyey wareegii kowaad oo lagu
tallaalay caruur ka badan nus milyan. Olalahan qaran sannadkii laba
jeer ayaa la qabtaa si looga hortago khatar ka iman karta wadama
jaarka sida Ethiopia iyo Yemen.
• Wasaardu waxay go,aansatey in la sameeyo kormeer xoogan, si
adeega caafimaad loo dardar geliyo. Goob-kasta oo caafimaad oo
dalku leeyahay waxay xarunta dhexe kormeertaa ugu yaraan
sadexdii bilood ba hal mar.Isuduwayaasha goboladuna waxay
kormeeraan goobaha caafimaad ee goboladooda ugu yaraan bishiiba
hal mar.Goob kastoo caafimaad waxa yaala diiwaanka kormeerka
(Visitors register) oo uu saxeexo kormeere kastaa
Wasaaradda Qorshaynta:
Waxa maanta la dhamaystiray qorshaha 5 sanadood ee nuqulka koowaad. Kaasoo noqonaya kii ugu horeeyay ee Somaliland yeelato intii ay jirtay.
Waxa bilaw ah qorshe cadna loo sameeyay gudiyada horumarinta gobollada.
Waxa la dhamaystiray tira-koobka iyo diiwaan-gelinta Hay’adaha iyo Ururada ka shaqeeya Sama-falka ee maxaliga iyo kuwa caalamiga ahba. Waxa la sameeyay xeerka lagu dhaqayo Hay’adahaas.
Waxa la diyaariyay oo la dhamaystiray siyaasada lagu maamulayo deeqaha iyo kaalmada uu dalku helo. Kuwaas oo aan hore u jirin.
Wasaaradda Qorshaynta ayaa markii u horaysay loo sahamiyay qorshe loogu daadajinayo gobolada dalka.
Iyada oo kor loo qaadayo tayada wasaarada qorshaynta Qaranka oo muhiim u ah siyaasada cusub ee horumarinta ee xukuumada waxa laga shaqaalaysiiyay 34 xirfadlayaal ah, 12 qof oo isugu jira 3 khabiir iyo 9 ka mid ah Ardayda Jaamacadaha dalka ka qalin-jebisay.

W. Cadaalada iyo garsoorka

Sida laga wada warqabo cadaaladu waa saldhiga koowaad ee mushtamac  doonaya inuu unko ama dhidibka u taago dawladnimo uu dadkeedu haakah yidhaahdo ,xukuumadu iyadoo taa ka duulaysa horena u soo bandhigtay siyaasada cad ee ay ka leedahay cadaadalada iyo garsoorka waxaa muuqtay baahida loo qabo in daraasad mug leh laga sameeyo xudunya yabashada garsoorka ee shacabka isla markaana la miisaamo kaalinta ay hay’adaha garsoorku kaga jiraan qarinamdeena iyo duruufaha ay ku soo shaqyanayeen mudadadii ay 20-sanoadood ahay ee ay Somaliland jirtay.

Waxaa dalka ka qabsoomi doona shir qaran oo lagu naaqishayo cadaalada iyo garsoorka kaasi oo noqon doona kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dalka ka qabsooma waxaana laga filayaa in ay shirakaa ka soo bixi doonaan talooyin dhaxal gal ah oo ku dhisan aqoon iyo waayo aragnimo iyo qiimayn dhaba oo run ku dhisan lagana amba qaadi karo talooyin dawo u noqda tabashada jirta.
Waxa la bilaabay, haatana dhamaad ku dhow qorshihii istiraatijiyada cadaalada iyo garsoorka 2011-2015, kaasoo qeexaya jidka mustaqbalka dhow loo qaadayo  isbedelka iyo horumarinta  cadaalada iyo garsoorka.
Waxa boodhka laga tumay oo la nooleeyay shuruuc ay hore u ansixiyeen goleyaasha sharci-dejintu loona baahnaa balse aan hawl-gelin. Sida sharciga qareenada iyo xeer-nimiyeyaashiisa, sharciga caruurta.
Waxa la diyaariyay shuruucdii lagu dhaqi lahaa xarumaha caruuraha Somaliland, kaasoo wax ka taraya nolosha caruurta ku nool xarumaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn.
Si loo dardar-geliyo, loona sugo xogta Hay’adaha Garsoorka iyo Cadaalada, waxa ay guddiga cadaaladu dhamaystireen warbixin ay ka diyaariyeen kormeer muddo bil ku dhow qaatay oo ay ku soo mareen gobollada iyo degmooyinka oo dhan., iyaga oo u kuur-galayay  duruufta hay’adaha garsoorka ee degmooyinka, magaalooyinka iyo gobollada dalka oo dhan, islamarkaana aan ku koobnayn garsoorayaasha iyo shaqaalaha kale ee Maxkamada oo kaliya, balse shacbiga deegaamadaasna waraysanayay.
Wasaardda Gaashaandhigga:
Waxa la dhamaystiray Dhisme 2 dabaq ah oo ay leedahay Wasaaradda Gaashaan-dhiggu.
Waxa la dhamaystiray dugsiga tababarada ciidamada Dararweyne iyo guryihiisa. Waxa dayactir lagu sameeyay cisbitaalka ciidanka Qaranka ee Caasimada Hargeysa
    Abaabul-ka-saarka iyo Jihaynta Qaranka:
–    Waxa lagu guulaystay in la diiwaan-geliyo ciidamada kala duwan ee dalka, sida Ciidanka Qaranka, Ciidanka Booliska, Ciidanka Asluubta.
_- Tirakoobkaas ayaa ujeedadiisu ahayd sidii Askari kasta oo ka tirsan ciidamada dalku uu u yeelan lahaa aqoonsi u gaar ah iyo File lagu ururiyo macluumaadkiisa, si ay u fududaato tirada saxda ah ee ciidamadu, waxaana arrintaas iska kaashaday Gudiga abaabul ka saarka iyo JIhaynta Qaranka (NDRC), Wasaaradaha Maaliyada, Arrimaha Gudaha, Gaashaan-dhiga iyo Saddexda Ciidan Qaranka

Wasaaradda Kalluumaysiga:
Dhaqaalaha, maamulka iyo Qorshaynta:
Wasaaradda Kalluumaysiga ayaa markii u horaysay ku guulaysatay in ay soo xarayso dakhli Saddex laab ka badan kii hore looga qaadi jiray shirkadaha ajanebiga ah iyo muwaadiniinta ka kalluumaysata xeebaheena.
Kalluumaysato 80 qof ah ayaa qaatay tababar la xidhiidha xirfadaha kaluumaysigam dabaasha, badbaada iyo daryeelka kalluunka, waxaana 80kaas qof la siiyay shabaag ay ku jilaabtaan iyo dawooyin ay u isticmaalaan xaaladaha deg deg ah.
Waxa la dhamaystiray tira-koob iyo xog laga soo ururiyay deegaanka xeebta u dhaxeeya Saylac iyo Berbera. Waxa la dhamaystiray Dayr 100M oo lagu xakamaynayo tuugada, kootarabaanka iyo tahriibta xeebta Berbera.
Waxa la diyaariyay barnaamij horumarineed oo uu dhinac kayahay Baanka Adduunku.

W. Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka:

Somaliland waxay markii u horaysay ka qayb-gashay tartan heer caalamiya oo orodada ah, kaasoo 14 march sanadkan ka qabsoomay Jamhuuriyada Jabuuti.
Sidoo kale, waxa ay Somaliland markii ugu horaysay ka qayb-galaysaa tartanka ciyaaraha kubada kolayga ee bariga iyo badhtamaha afrika oo bishan gudaheeda ka dhici doona magaalada Nairobi ee wadanka Kiiniya.
Waxa kale oo ay  Somaliland ka qayb-gashay bandhig-faneedkii Bariga Afrika ee sanadkan oo isna lagu qabtay Jabuuti.
3-dan bilood ee sanadkan waxa ka dhacan magaalada Hargeysa lagu qabtay tartanka ciyaaraha fudud gaar ahaan orodada oo lagu magacaabo Hargeisa Half Maraton, tartankaas oo ahaa mid aad u xiiso badan.
Inkasta oo Wasaaradani ka mid ahayd kuwii hore u jiray, hadana waxa la dhamaystiray dhismaha xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha.
Gobolada Togdheer iyo Saaxil waxaanu ka qabanay tartanada ciyaaraha kubada cagta ee naadiyada heerka koowaad iyo heerka labaad.
Sidoo kale, waxa hada socda tartan kubada cagta ah oo loo qabtay kuliyadaha kala duwan ee jaamacada Hargeysa, kaasoo ka socda garoonka labaad ee caasimada, waxaana loo yaqaanaa The Cultural Week of the Hargeisa University.
Waxay Wasaaradu diyaarisay warbixin mug leh oo laga soo minguuriyay daraasad laga sameeyay dhalinyarada oo bar-bilaw u noqon doonta hawlaha loo qaban doono dhalinyarada sida awoodooda shaqo, xirafadeed IWM.
Daraasadan waxa Wasaaradu la kaashatay Dhalinyarada Somaliland ee SONYO.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada:-

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu waxay u xil-saaran tahay, masuuliyad qiimo wayn ugu fadhida nolosha mujtamaca.
Wasaaradu waxay ka kooban tahay;-
Wasaaradii hore ee Qoyska oo lagu daray agaasinkii shaqaalaha ee hore u hoos iman jirtay Wasaarada Caafimaadka.
Sida muuqatana xilkaa culus ee ay wasaaradu haysaa wuxuu u baahan yahay dhaqan-gelin cidhiidhyoon, maadaama aanay bulshadeenu u bislayn imkaaniyaad badan oo ay hawshaasi u baahan tahayna gacanta lagu hayn.
3-dii bilood ee u dambeeyay Wasaaradan oo ka mid ah wasaaradaha cusub marka dhinac laga eego waxa ay door-biday inay hawsha ka bilawdo diyaarinta siyaasada, xeerarka iyo qawaaniinta kale ee kaabaya xilkeeda, nolosha qoyskeeda iyo ta shaqada iyo shaqaalahaba, sidaa awgeed 3-dii bilood ee u dambeeyay waxay Wasaaradu qabatay;-
1-    Dhamaystirka nuqulka 1-aad ee xeerka Qoyska oo gebi ahaanba laga soo dheegay shareecada Islaamka.
2-    Siyaasada Qaranka ee ku wajahan gudniinka fircooniga ah, diiwaan-gelinta shaqaalaha aan dawliga ahayn oo bilaw ah.
3-    Hir-gelinta xarunta lagu dhaqan-celinayo laguna xanaanaynayo caruurta darbi-jiifka ah, taas oo dhismaheeda oo ay Wasaaradu gacan ka gaysatay, lana kaashatay ganacsatada Somaliland iyo Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ahba gacanta lagu hayo.
4-    Wasaaradu waxay bilawday fulinta siyaasada Qaran ee lamaanaha (National Gender Policy)
5-    Hubinta u sinaanshaha muwaadiniinta ee fursadaha shaqo;
Wasaaradu waxay 3-dii bilood ka qayb-gashay xulashada 39 jago oo ka banaanaaday hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah oo ahaa fursado shaqo oo banaanaaday loona qaatay muwaadiniin reer Somaliland.
Wasaarada waxa ilaa iminka ku adag ka qayb-galka nidaamka shaqaalaynta ee goobaha ganacsiga, taasoo ay sabab u yihiin ganacsatada meheradaas iyo shirkadaha iska leh oo aad moodo in aanay fahmin ama ay ka dhego-adaygayaan muhiimada ay leedahay in lala ogaado muwaadinka ay shaqaalaysanayaan habka ay u shaqaalaysanayaan.
6-    Hogaaminta iyo garab-siinta farsamo-baradka;
Wasaaradu iyadu oo maanka ku haysa heerka shaqo-la’aaneed ee dalka waxay xooga saartaa sidii farsamo baradka loogu xidhi lahaa goobaha shaqo ee ku haboon, si ay tababar-shaqo ugu qaataan shaqaalayna ugu noqoto.
3-dii bilood ee u dambeeyay waxa goobaha shaqada lagu xidhay 475 muwaadiniin ah oo bartay xirfado kala duwan, magaalooyina Hargeysa, Berbera iyo Boorama.
Waxa la aasaasay qaybta badbaada shaqaalaha ee waaxda shaqada, iyada oo loo go’leeyahay in la kormeero goobaha shaqo si loo xaqiijiyo xaalada shaqo ee shaqaalaha.
    Qorshaha 3-da Bilood ee soo socda:-
1-    Dhamaystirka waxyaabaha hada socda ee kor ku xusan.
2-    Dib-u-eegis iyo wax ka bedelida xeerka shaqaalaha rayidka ah, si loo suurto-geliyo jawi ku haboon shaqaalaha ajaanibka ah iyo kuwa wadaniga ah,lana jaanqaadi kara diinta Islaamka, dhaqanka dalka iyo xeerarka caalamiga ah. Iyada oo la xayaysiinayo qof khabiir oo hawsha qabta, dhawaana hawsha bilaabi doono.
3-    Isku-duba-ridka, xidhiidhinta iyo hogaaminta Hay’adaha iyo ururada ka shaqeeya arrimaha hoos yimaada masuuliyada hawlaha arrimaha bulshada iyo shaqada.
4-    Meelaynta 150 arday oo ka baxay Jaamacada Hargeysa, qaatayna tababar xirfadeed, kuwaasoo lagu xidhi doono Wasaaradaha iyo hay’adaha dawliga ah Somaliland si ay waayo-aragnimo shaqo uga helaan, dawladuna aqoontooda uga faa’iidaysato.
5-    U abuurida fursado shaqo 160 arday oo ka baxay jaamacadaha kala duwan ee dalka iyada oo loo abuurayo ganacsiyo yar-yar (youth entrepreneurship program).                                                                                                        

Wasaaradda Isgaadhsiinta Boosaha

    Isku-xidhka shirkadaha Isgaadhsiintu waa ahmiyada ugu wayn ee ay xukuumadani ku taamayso, si loogu adeego dadweynaha macaamiisha shirkadaha, loogana baxo kala qoqobnaanta shirkadaha, isla-markaana looga maarmo adeegsiga telefoonada kala duwan, si uu qof kastaaba ugu koobnaado Hal Telefoon, isla-markaana uu kula xidhiidhi karo dhamaan shirkadaha kala duwan ee Telefoonada, ayaa waxa lagu dhaqaaqay sidii loo meel-marin lahaa isku xidhka adeegsida isgaadhsiin tayo leh oo qiimo jaban.

    Hawl-galka isku-xidhkaas oo bilaabmay 21-kii December 2010-kii, xililgaas oo qalabka la rakibay, tijaabadaasi la sameeyay waxay soo jarantay 25 March 2011 markii si mug leh loogu guulaystay isku xidhka shirkadaha Telesom iyo Somtel, waxaana haatan lagu guda jiraa sidii loo dhamaystiri lahaa shirkadaha hadhsan iyagana in lagu soo xidhiidhiyo isku xidhkaa hore ee tijaabada ku fulay.
    Xeerka Isgaadhsiinta ee imika Horyaala Golaha Wakiilada oo ay doodiisu socoto waxa loo qabaa Baahi badan waayo Xeerkani Muhiimada uu leeyahay ka sakow wuxuu qayb ka yahay misaaniyada Sanadka oo ay isgaadhsiintu ka mid tahay Illaha ugu mudan ee Dakhliga lag Sugaayo sidaa awgeed anaga oo ixtiraam u hayna Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Xil gudashadooda distuuriga ah ee ay ka gudanayaan Xeerka waxa aanu ku dhiiri gelinaynaa oo aanu ka Codsanaynaa in ay Xeerka hore u sii daayaan.
Waxa ay xukuumadu u hawl-gashay sidii looga baraan-degi lahaa qalab lagu fulin karo xal u helida dakhliga cashuuraha isgaadhsiinta, sugidda ammaanka iyo kobcinta awoodda Qaranka ee isgaadhsiineed.

Waasaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka
Jidadka iyo Biriijyada: –

Wadooyinku, gaar ahaan kuwa xidhiidhiya deegaamada kala durugsan ee dalka gudihiisa waxay muhiimad wayn u leeyihiin dhaqaalaha, nabadgelyada, iyo xidhiidhka bulshada.
Hadaba, 3-dii bilood waxqabadka dhinacyada jidadka iyo biriijyada ee balanqaadkii Madaxweynuhu ee ku jiray khudbadii uu ka jeediyay labada gole sanadkan waxa uu fulay 90%,
Madaxweynaha Somaliland ayaa xadhiga ka jiray 7-dii bisha 3-aad ee sanadkan Biriijka Maroodi-jeex ee caasimada Hargeysa, kaasoo bulshadu ay baahi wayn u qabtay, in badana naawilaysay.
Waxa meel wanaagsan maraysay oo haatan gebo-gabo ku dhaw, wadada Dila ilaa Boorama. Waxa kale oo la dhamaystiray dayactirka wadada isku xidha Dila ilaa Hargeysa oo dadku dhibaato badan kala kulmi jireen.
Sidoo kale, waxa dayactir laba qaybood ah, laba shirkadood lagu kala siiyay, haatana socda wadada Laascaanood, Gambadha iyo Laascaanood iyo Oog 75% ayaana dhamaystirmay.
Waxa socota oo gacanta lagu hayaa adkaynta Bariijka Burco oo dhismihiisa lagu ladhayo derbiyo iyo kaabado lagaga xidhayo daadka iyo weliba derbi ciid-celiye ah oo laga dhisayo bariijka agtiisa, dhinaca ay biyuhu u socdaan, si wanaagsan ayay hawshaasi u socotaa, waxaana lagu wadaa inay dhamaato bishan.

Waxqabadka Berbera
•    Sadexdii Bilood ee waxqabadka waxay Dawladda Hoose ee Berbera samaysay  8 wado oo Cusub, kuwaasi oo Halbawle u ah Magaalada Berbera.
•    Waxa kale oo ay Olole wayn ku qaaday Bilicda iyo Wadooyinka Suuqyada Magaalada Berbera oo si wayn looga Dareemay Muuqaalka Quruxda badan ee  ay hada leedahay.
•    Dekedu waxay samaysay Waax Cusub oo la yidhaahdo Waaxda Doonyaha si ay ugu Fududaato Ganacsatada isticmaasha Doonyaha Raristooda iyo Dejintoodaba.
•    Dekedu waxay Banaysay Meheradihii ka Agdhawaa Afaafka laga Galo dekada  waxaanay Dayactir ku samaysay Dayrka weyn ee  dekada  iyo Nawaaxigiisa ee banaanka ku yaalay iyada oo ka Duulasya Ilaalinta Amaanka.
•    Waxa  Afar Mashquur oo Biyo Gelina laga Sameeyey Magaalooyinka Sheekh, Xagal iyo Beeyo Dhaadheer.

Hay’ada Shaqaalaha Dawlada:
Hay’adaha Shaqaalaha Dawladu waxay u xil-saaran tahay dhamaan shaqaalaha kala duwan iyo jaan-gooynta qaab-dhismeedka Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawlada.
–    Hay’ada Shaqaaluhu waxay ku guulaysatay dedaalkii ay ugu jirtay mushaharka shaqaalaha dawlada oo loo kordhiyay 100%.
–    Waxa la diyaariyay dib-u-eegista iyo wax-ka-bedelka sharciga shaqaalaha dawlada.
–    A-  Waxa la sameeyay sharciga shaqaalaha dawlada (Civil Service law),
–    B- Sharciga Shaqaalaha hawl-gabka ah (Pension law)
–    C- habka iyo hanaanka qorista shaqaalaha (Requitment procedure).
–    D- habka iyo hanaanka imtixaan iyo qiimaynta (Examination/Evaluation procedure)
–    Waxa la fuliyay qiimaynta shaqaalaha iyada oo loo eegayo
–    Waxa la imtixaamay shaqaalaha 4 Wasaaradood oo kala ah, Maaliyada, Cadaalada, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Qorshayta iyo Horumarinta Qaranka.
–    Shaqaalihii imtixaanka laga qaaday aan gudbin waxa loo bilaabay waxbarasho Machadka tababarka shaqaalaha Dawlada (Civil Service Institute), iyada oo ay wakhtigan ku guda jiraan waxbarashadooda 63 qof oo qaadanaya waxbarasho 6 bilood ah, iyada oo magaalada Boorama ee gobolka Awdalna waxbarasho Hay’adaha Shaqaaluhu u furtay 16 qof, kuwaasoo dhamaantood mushaharkoodii qaadanaya iyada oo waxbarashaduna u socoto.
–    Waxa la xulay 120 shaqaale oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawlada ee madaxabanaan oo ka qayb-qaadanaya tababarada gaagaban iyo kuwa heer Diploma ah ee Machadka tababarka shaqaalaha dawladu bixiyo oo kala ah;
–    A- Budgeting Course
–    B- Supervision and Communication
–    C- English Course
–    D- ICT Course.
–    Waxa la hir-geliyay saacada shaqada ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawlada.
–    Waxa la qaybiyay, lana faafiyay nuqulka sharciga shaqaalaha dawlada Law No. 7, loona qaybiyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha, Xoghayayaasha, Gudoomiyeyaasha Hay’adaha Dawlada ee madaxabanaan.
–    Hay’ada Shaqaaluhu waxa ay 20 ka mid ah shaqaalaha Dawlada u dirtay waxbarasho wadanka Itoobiya inoogu deeqday Machadka tababarka shaqaalaha dawlada ee dalkaasi, kuwaasoo ah koorsooyin isugu jira Degree iyo Masters.
–    Waxa la diyaariyay istiraatijiyada dib u habaynta arrimaha maamulka shaqaalaha dawlada (Somaliland Civil Service Reform Strategy).

Guddida Maamul-wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa:

Xukuumada Somaliland iyada oo ka duulaysa rabitaanka shacbiga ee ku aadan helitaanka dawlad tayo leh, oo ka caagan musuq-maasuq iyo wax isdaba marin, waxay go’aansatay in la abuuro Ha’yada maamul-wanaaga iyo la-dagaalanka Musuqmaasuqa, taasi oo jiritaankeeda iyo habsami u shaqaynteedu ay door muhiim ah ka qaadanayso toosinta maamulka.
Waxqabadka Hay’adan ugubka ah ee saddexdii bilood ee u danbaysay waxa uu koobanyahay dhismiha xafiiska guddiga iyo qorshaynta sidii loo taabo gallin lahaa waxqabad samayn ku yeesha nidaamka dawladeed ee xukumadeena.

    Waxqabadka:

    Diyaarinta siyaasada Gudidda oo aanu ugu magac darnay Documentiga bilaabista gudidda “Establishment Document”
    Diyaarinta sharciga lagu aasaasayo gudidda oo qeexaya ujeedooyinka gudidda, charciyada loo cuskaday, awoodaha, qaab dhismeedka iwm – waxa soo diyaariyay sharci yaqaan madaxbanaan, waxa loo qabtay kulano talo urursi laba jeer cidaha ay khusayso oo dhan si ay uga talo bixiyaan.
    Diyaarinta  qorshaha shanta sano ee gudidda.

    Daraasad cilmi baadhis ah.
Guddigu waxay  daraasad cilmi baadhis ah  oo ku saabsan maamulwanaaga iyo sababaha keena ama dhaliya musuqmaasuqa ka samayn doonaa dhamaan gobolada dalka, waxaana kala qayb qaadan doona jamacadaha wadaniga ah sida Hargeisa, Camuud, iyo Burco. Waxaanu filaynaa in dhaqaali ahaana ay naga caawin doonto ha’yada UNDP oo naga dalbatay in aanu u gudbino  mashruuc qeexaya qaabka iyo hanaanka aay u qabsoomayaan daraasadaha cilmi-baadhiseed. 

Intii guddigani uu jiray, waxa uu kulamo la yeeshay haayadaha daawliga ah khaasatan kuwa shaqooyinku ka dhexeeyaan xafiiska guddiga sida, guddiga qandaraasyada qaranka, guddiga shaaqalah qarank iyo wassaaradda qorshaynta qaranka. Waxa kale oo kulano aanu la yeelanay haayadaha caalamiga ah ee IOM, UNDP and CARE. Dhamaan haayadani waxa aanu ka wada hadlnay sidii loo midayn lahaa dadaalada lagu dhisayo haayadaha dawliga.

Guddida ka soo talo Bixinta Furashada ururada.

Waxa la Bilaabay Furdaaminta Waxa alle wixii Caqabad ku noqon kara inay Doorashada Golayaasha Deegaanadu qabsoonto Sannadkan  Gaar ahaan Suaasha ka Taagan Furashada Ururada Siyaasada.

Madaxweynuhu, Isaga oo Tixgelinaaya Rabitaanka inta Badan ee Shacbiga waxa uu Magacaabay Guddi 20 xubnood ka kooban oo ka kala yimid Qaybaha Bulshada Sida aqoon yahanada, Dhaqanka, ururada Bulshada, Culimada, haweenka Dhalinyarada iyo Xisbiyada Siyaasada iyo Golayaasha Guurtida iyo Baarlamaanka.
Guddidaaas waxa uu madaxweynuhu u xilsaaray inay Rayi ururin buuxda ka soo qaadaan Qaybaha Bulashada oo Dhan Gobolada Dalka ooo Dhan.

Gudidaasina waxay ku guda Jirtaa Hawshii loo Igmada iyada oo imika in badan aragtay waxaana la sugayaa talada ka soo baxda Gudidaas iyo Codbixinta ay Qaadeen oo uu Madaxweynuhu Tixgelinaayo kuna go’aan qaadanaayo markaa Ka dibna uu gudbin doono Golaha Sharci dejinta.

Xukuumadu waxay ay Shacabiga Somaliland uga mahad-naqaysaa taageerada ay la Garab jooogan waxaany u baaln qaadaysaa Hogaamin Daacada  iyo Waxa qabad Dhaba.

Sidan oo kale ayaanay xukuumadu Saddexdii Biloodba mar u soo ban dhigaysaa Waxay qabatay.

Abaaraha

Waxaynu ognahay inay Dalka ka Dheceen Abaaro Baahsan iyo biyo la’aan Saamaysay Dadka iyo Xooolahaba Xukuumadu waxay samaysay Dedaal balaadhan oo ay Ganacsatada iyo Qaybaha Qaybaha kale ee Bulshada ku abaabushay inay Gacan ka gaystaan Samata Bixinta Dadkeeda iyo Xoolaha ay abaartu saamaysay waxa aanu uga maahd celinaynaa intii gacan ka gaystay, Xukuumaduna waxay bixsay in ka badan 700 oo lawdh oo biyo ah, waxa dadka loo qaybiyey Raashin Kaalmadaas abaaraha laga gaysanaayey oo gaadhay Gobolada oo dhan waxa loogu qaybinaayey sida ay u kala Daran yihiin.

ALLAA MAAHD LEH.

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>