ABWAANKA TIRIYAY :-  DACAR IBRAHIM GULEED
TAARIIKHDA UU TIRIYEY :- 1988

MEESHA KA TIRIYEY :- DULCAD
Waxaanu yidhi sidan soo socota :-
v    Waa deris awaadhku iyo duco,  waana kala diin’e
v    Goortaan damqado, xumo markaan anigu diidaayo
v    Malaa’iig ajalo duubta ,yuunbaygu   soo degaye
v    Meeshaan ku dayo  iyo  buurlaydaba waan  ku dumiyaaye
v    Waa dawlad xoogbadan , markaan diro  hadraawow’e
v    Kacaankaba Hadraawa dilay oo loogu dawgalay’e
v    Wuxu yidhi dad iyo xoola dhaca oo dihaal baxa ‘e .
v    Iyaguna dardaarkii mare iyo kaartadu degaye.
v    Ana miinadaan daadiyaan  daabul rarayaaye’e.
v    Ina macalin iyo baan duldhigay daartii golihii’e.
§    Dib u noqo baalayoy afweynaa kusoo diray’e
§    Dalkayaga ka dhoof , koonfurba manta ku dihin’e.
§    Hawiye dabayl mari dheguhu uma daloolaane.
§    Iyagana majeerteen daa , diif horu qabaye
Ø    Ogaadeen dalkiisi labixi duudina maayaane
Ø    Markay toban  duul wada kacaan haysku duuleene
Ø    Nin    siyaad u diririyo   ,aar nin daba jooga
Ø    Hawkale dayamaan intay dab isla boobaane
Ø    Dabaabaduhu ha isku hirdiyaan daarihii xamare
v    Afartaa awaadh aan diriyo , duulimaad baxay dheh
v    Sida weliba kuma daynine , dood kalaan celine
o    Dib unoqo balaayay afweyne ku soo diraye
o    Dalkayaga ka dhoof , koonfurbaa manta ku dihine
o    Hawiye dabayl mari dheguhu uma daloolaane
o    Sacadka iyo caydhku ha didaan hana diriirane
o    Abgaalkuna dameerkiyo buquulkii ha ku duulene
o    Maantida hawada daadah shaan daadka webigiye
o    Ufo daba, hub darandooriyo, fooqyo wada dumay
o    Dadkoo yaacay maydaan la dihin dumarka oyaaya
o    Dulcad waxa nadhigay xamarna waa lagu dabayn siine
o    Afartaa awaadh aan diriyo ,dulimaad baxay dheh
ü    Waatay hargaisaba dunsheen , duhur dharaareede
ü    Dib unoqo baalayaw afweyne ku soo diriye
ü    Dalkayaga ka dhoof , koonfurbaa manta ku dihine
ü    Hawiye dabayl mari dheguhu uma daloolaane
ü    Sida karan diraacdii galay , doolo iyo faafan
ü    Oo dhibida soo daylay oo doobta kari naaya
ü    Oo baarqab dawsari heleyo dacayda laalaadshay
ü    Weligiiba dib wuu ukaaji jiray boqorka daaroode
ü    Baribaabuu kazoo dari sidii kii dabay shadeye
ü    Cigaal oo nasriga daadahshay oo laba dabaylood leh
ü    Oo midi dadkii raacisayo , daramalka  uqaaday
ü    Oo ay midina wixii diidinaa iyo duubtay cadawgiisa
ü    Oo dawlad nimadii qabtoo loo dabaal dageyoo
ü    Oo inuu   dibnaha uun ka hadloo ,uumiyihuu wada doonaayo.
ü    Rabiga deeqda bixiyaw , adaan kaa duraansadaye
ü    Allahayow dad lama uu  aha   ee hadyad noosoo dir

PREPARED BY : C/QAADIR XAAJI JAAMAC .
Tell :-                   4441190
E-mail :- Qaadiro_1m@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
1
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *