-
Published On: Thu, Apr 21st, 2011

Munaasibad Lagu Xusay Marxmuum Mujaahid Haybe Laanbad Oo Ka Mid Ahaa Saraakiishii SNM Iyo Weedhaha Masuuliyiinta Ka Hadashay

Smiley face
Share This
Tags

Hargeysa(ANN)Munaasibada balaadhan oo lagu xusayay sannad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay geeridii Alle ha u naxariistee Mujaahid- Haybe Axmed Guurre (Haybe-laambad) oo ka mid ahaa saraakiishii Milatariga SNM ee xereeyay Soamliland, isla markaana ku geeriyooday

 

Hargeysa  21 bishii April ee 2010,  ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Xafladaa waxa ka soo qeyb galay Wasiirka Kalluumaysiga, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muj. Muuse Biixi Cabdi, Muj. Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhego-weyne), Xildhibaano, mujaahidiin iyo dadweyne tiro badan oo lagu soo marti qaaday xuskaasi oo marxuumka loogu ducaynayay isla markaana lagaga waramay taariikhdii uu ka soo qaatay halgankii dib u xoraynta dalka.
Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel Jire) oo ka hadlay xafladaasi ayaa Marxuum- Haybe Axmed Guurre ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, waxaanu xusay in mujaahidku ahaa dadkii u soo halgamay midhaha qaranimo iyo xoriyada ka jirta Somaliland.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in xukuumaddani ay ahmiyad weyn siinayo sidii loo daryeeli lahaa mujaahidiintii SNM, Naafadoodii iyo agoomahoodii.
Md. Cabdilaahi Geel Jire waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu wax ka qoro taariikhdii halgameed ee ururkii SNM iyo mujaahidiintiiba, waxaanu u soo jeediyay siyaasiyiintii SNM inay midoobaan si ay u daryeelaan naafadii iyo agoomihii ay ka tageen mujaahidiintii ku shihiiday halgankii hubaysnaa ee SNM.
Md. Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhego-weyne) oo ka mid ahaa saraakiishii sar sare ee garabkii milatariga ee ururkii SNM, oo ka hadlay xafladaasi ayaa si qoto dheer uga waramay taariikhdii uu halganka ka soo qaatay Marxuum- Haybe Axmed Guurre, waxaanu sheegay in uu SNM xiligii uu ku soo biiray baahi weyn Ururku u qabay saraakiil milatari, waxaanu ku tilmaamay mid ka mid ah halyeeyadii SNM.
Ibraahim Dhego-weyne waxa uu sheegay in Mujaahid Haybe Laambad uu ahaa Taliyihii guutadii 11-aad ee ururkii SNM ee ka hawl geli jiray dagaaladii ka dhacay jidka u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera, isla markaana uu ka qeyb galay dagaalo ka dhacay Berbera, Sheekh iyo Bulaxaar.
Ibraahim Dhego weyne waxa uu u soo jeediyay xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo inay mujaahidiintii ugu magac darto waddooyinka, dugsiyada waxbarashada iyo goobaha kale ee adeegyada dadweynaha.waxa kale oo uu sheegay in xukuumaddan cusub ay ka rajaynayaan inay noqoto mid u dhalatay SNM oo daryeesha mujaahidiintii, naafaddii iyo agoomihii ururkaasi.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxaanu ILAAHAY uga baryay marxuumka inuu naxariistii jano ka waraabiyo, waxaanu ku tilmaamay nin lixdan sanadood dalkiisa iyo dadkiisa u soo shaqaynayay oo u halgamayay.
Muuse Biixi waxa uu intaasi ku daray in xukuumaddan KULMIYE aanay waxba ka hagranayn daryeelka Mujaahidiinta, waxaanu mar kale baaq u diray siyaasiyiinta SNM oo uu u soo jeediyay inay u midoobaan danta dalka iyo dadka.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda iyo Marwo Faadumo Siciid oo ka mid ah masuuliyiinta ururada bulshada, waxaanay ka warameen taariikhdii Marxuumka iyo halgankii Somaliland ka dhalatay ee dhaqdhaqaaqii shacbiga ee ay SNM hoggaaminaysay.

taariikh Nololeedkii Mujaahid Haybe Laanbad
Alla Hawnaxariistee  Marxuum Haybe Laanbad oo ifka kaga tagay saddex xaas iyo 21 carruur ah, waxa uu ka mid ahaa saraakiishii sar sare ee ciidammadii milatariga dawladdii burburtay ee dalweynihii Soomaaliya la isku odhan jiray, isaga oo ka gaadhay darajada gaashaanle sare, hase yeeshee sannadihii siddeetamaadkii ayaa Haybe Laambad waxa uu mucaaradad kala horyimid nidaamkii keli teliska ahaa ee Siyaad Barre ee Soomaaliya, isaga oo u baxsaday dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga biiray ururkii SNM, kaas oo uu kaalin weyn ka soo qaatay isaga oo ka mid noqday saraakiishii sar sare ee SNM. Haybe Laambad intaa ka sokow waxa uu ka mid ahaa ciidankii Maxmiyadii Ingiriiska ee dalka Somaliland ee ka qayb galay dagaalkii Labaad ee Adduunka, isaga oo 18 jir ah, gaar ahaan dagaalkii Barma (Japan) sidoo kale Haybe waxa uu ka qayb galay dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya dhex maray sannadkii 1964 kaas oo uu ku qaatay darajada Captain (Sarkaal). 1977 ayuu haddana mar kale ka qayb galay dagaalkii Gobonimo doonka Soomaali Galbeed ee Itoobiya iyo Soomaaliya taas oo ka dhigaysa inuu ka qayb galay afar dagaal oo kala dambeeyay oo midba ka kale ka darnaa.
Haddaba, marxuum Haybe Axmed Guure oo dabayaaqadii sannadkii 2005 wargayska Jamhuuriya uga waramay taariikhdiisa iyo goortii ay ugu darnayd, waxa uu yidhi; “Waxaan ciidanka Ingiriiska ku biiray 1939.markaas oo la iiga qoray magaalada Berbera dabadeed waxa nala keenay Dacar Budhuq halkaas oo nalagu ciyaarsiiyay. Dabadeed Kenya ayaanu tagnay Mombasa ayaanu ka dhoofnay waxaanu tagnay Parma, anigoo laba Alifle ah, dagaalkii ayaanu sidaa ku galnay 1945, ayaana lanagu soo celiyay Berbera. 1964 ayaan haddana ka qayb galay dagaalkii Doolow, waxaanan ku qaatay Kabtan. 1977 ayaan haddana ka qayb galay dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya aar ahaan aagga Kumbusha. Intaas oo dagaal waxaan ka raali ahaa dagaalkii xaqa ahaa ee SNM ee lagu xoraynayay Somaliland oo aan u huray naftayda.
Waxa ay iigu darnayd anigoo u madax ah ciidankii 11aad ee deggenaa xeebta Bula-Xaar iyo Boolay anagoo tiradayadu ay ahayd 150 nin oo naftood hurayaal ah oo aan waxba cunin 4 caano maal oo ah 2 habeen iyo 2 maalmood ayaa nala ogaaday oo nala soo weeraray. Waxa na soo weeraray ciidan aan ku qiyaasay 500 nin iyo Tignikadoodii oo ka mid ahaa Faqashtii. Markii aanu ka war helnay in weerarku nagu soo maqan yahay ayaan fayliyay ciidankii dabadeed waxaan idhi, “Waa dalkeenii iyo dadkeenii waynu u dhimanaynaa ee difaaca”. Ninka ugu badani 50 midh oo rasaas ah ayuu sitaa, waxaan ku wargeliyay,oo ku idhi, “Rasaastii iyo cuntadiiba cadawga ayaa inoo sida ee sidaa ku ogaada”. Illaahay wuu noo rumeeyay oo waanu Is difaacnay, waxaanu dagaalanay 9 saacadood waanan jebinay. Aniga oo ciidankii Biyo u doonay ayaa haddana nalagu soo rogaal celiyay intii aan maqnaa ciidankii oo la jebiyay ayaan u soo galay faqashta dhexdoodii, waxaanu ahayn aniga iyo toban inan. Waa nalaga wareegay dabadeed 3 inan ayaa ku dhintay bartii. Siddeedayadii kale waanu ka baxnay. Maalintaa ayay iigu darnayd. Waa Illaahay mahadii dagaalkii aynu soo galnay ee aynu u soo halganay waynu ku guulaysanay. Wixii dhintay Alle ha u naxariisto kuwii naafoobay waxay innaga mudan yihiin in la dhowro oo mid shicib ah iyo mid dawlad ahba la daryeelo, lagana daayo Hatigaada iyo cago juglaynta.”
Haybe oo hadda ahaa nin waayeel ah oo da’diisu dhawr iyo toddobaatan sannadood kor u dhaaftay, isla markaana shalay si weyn loo aasay, ayaa isaga oo mar kale ka sheekaynaya maalintii maalmihii noloshiisa ugu naxdinta badnayd, waxa uu ku bilaabay, “Aniga oo jooga Bula-Xaar ayaa warqad lay keenay. Warqadaasi waxa ii soo diray wiil aan dhalay oo magaciisa la yidhaahdo Jaamac oo markaa joogay Sucuudiga, laakiin hadda deggen dalka Kanada, waxaanu igu yidhi Aabo waxa aan doonayaa inaad timaado Diridhaba. Markiibaan soo baxay Dul-Cad baan ka qaatay waraaqdii Fasaxa ee SNM bixin jirtay taas oo marka aad JigJiga joogto la bedeli jiray, kolkaan Jig-Jiga galay ayaan kaxaystay wiil af Itoobiyaanka yaqaana oo uu dhalay nin halkaa deggenaa oo Somaliland u dhashay, waxaan u tagay madaxdii Milatariga Jig-Jiga iyagiina waxay ii direen nabad sugida. Xafiiskii nabad sugida ayaan tagay iyada oo ay fadhiyaan laba nin oo madax ah. Kii taliyaha ahaa ayaan u dhiibay warqadiiyaan sitay. Markuu akhriyay ayuu igu yidhi “SNM-tii Diri-Dhaba waxay tidhi dadkiibaa nagu batee dadka aad soo daynaysaan yareeya”. Ninkii kale oo ahaa taliye ku xigeenkii nabad sugida ayaa markuu jawaabtii taliyihiisu siiyay ayaa yidhi, sii daa warqadii baa lay ogolaaday, ninkii taliye-ku-xigeenka ahaa oo Garaacaya warqadii, ayuu igu yidhi “Are You Haybe-Laambad” markaas baan ugu jawaabay Yes, Where are you recognized me (Xaggee igu baratay), wuu aamusay. Markii warqadii la ii dhammeeyay ee aan xafiiskii ka soo baxay ayuu iga daba yimid. Ninkaasi Afsoomaaliga inuu ku u dhashay ayaad moodaysaa wuxuu igu yidhi, “Hayboow ina ma i garanaysaa, maya ayaan ugu jawaabay, markaasuu yidhi 1967-kii markaad taliyaha ka ahayd adiga oo Kabtan ah Birjeex (Xero ciidankii Hargeysa) ayaa aniga dhiboo la igu kaa keenay Xamar ,wakhtigaana waxaan ahaa xidigle nabad sugid ah”.
Waxa kale oo uu yidhi, “Haddii aanad Taliye wanaagsan ahayn maanta maad badbaadeen waayo xafiiska aynu ka soo baxnay magacaagii iyo sawirkaagii ayaa yaalay, waxaan ku leeyahay xafiis dawladda Itoobiya leedahay oo magacaaga iyo sawirkaagu aanu oolin ma jiro. Sababta oo ah ah Dooloow, dagaalkii 1964, intaad ku dishay 120 askari oo Itoobiyaan ah, haddaan maanta kuu sheego ayuu yidhi, waxa laga yaabaa xabad lagugu dhufan maayee Baange ayaa lagugu jarjari, waxaana laga yaabaa Xabashida in ay qaar hilibkaaga cunaan, waan kula talinayaa ee I maqal ayuu yidhi, “Markaad naga tagto ee aad raacdo Baabuurka ee aad Kaaraamardha ka dhaadhacdaan ee aad wax badan socotaan magaalo ayaydun u tegi, Istab baa saaran, waxa baabuurka ku jira oo dhan waa la soo rogi, qof walba warqada uu sito ayaa laga qaadi oo la eegi. Meesha magacaaga iyo sawirkaaguba wuu yaalaa ee mar Allaale iyo markaad gaadhid istaag oo intaad ka degto carar iyada oo aan lagu arkayn oo xagga hore baabuurka isu taag. Haddii aad halkaas nabad gelyo ku dhaafto oo Diridhaba tagto meel xafiis ah oo Itoobiyaan leeyahay ha tegin. Wadnahaygu sidaas ayuu u gariirayaa maalintay iigu sii darnayd oo aan weliba xabadi jirin, maalintaas ayey ahayd”.
Inkasta oo Haybe-Laambad shalay la aasay isaga oo muddadii uu bukay aanu wax daryeel iyo taakulayn dhaqaale aanu ka helin dawladda Somaliland, mucaarid, muxaafid iyo hoggaamiyaayaashii ururka SNM, marka laga reebo masuuliyiin ka tirsan KULMIYE iyo wasiirka xannaanada xoolaha oo cusbitaalka ku booqday, maadaama uu ka mid ahaa ragga bogga hore kaga xardhan taariikhda halgankii SNM ee dalka lagaga xoreeyay keligi taliyihii Siyaad Barre, haddana waxa uu ku qanacsanaa inii uu noolaa nabad gelyada ka tisqaaday dalka Somaliland, “Waxaan ahaa Kornayl buuxa sidii aynu dagaalka u galnay dee laygama qaadin ee Kornaylkii uun baan ahaa. Dabadeedna waan iska fadhiistay waayo indhihii baan beelay. Waa Illaahay mahadii nabada Alle ina siiyay iyo cuqubooyinka ku dhacday nimankii (Faqashtii)” ayaa haybe Laadmbad ku soo koobay xogwarankii uu sannadkii 2005 Jamhuuriya siiyey.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>