Hargeysa(ANN) Madaxweyne Xigeenka Somaliland C/raxmaan C/llaahi Seylici oo ah ku simaha Madaxweynaha ayaa magcaabay guddi sagaal xubnood oo ka kooban, wasiiro,  saraakiil madaxtooyada ka tirsan iyo xubno kale oo qabanqaabinaya xuska maalinta qiimaha baddan ee 18 May.Sidaana


waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay qasriga madaxtooyada somaliland, kaas oo u qornaa sidan:-  “Madaxwayne ku xigeenka JSL ahna ku siamaha Madaxweynaha JSL Mudane, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta magacaabay guddi heer qaran ah, oo agaasinta u diyaar garowga sannad guurada 20 aad ee xuska maalinta qarranimada Somaliland ee 18 ka May.
madaxwayneku xigeenka  C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) guddidan heerka qaran ee uu u magacaabay, qaban qaabada xuska 18-ka May, oo uu gudoomiye u noqon doono Wasiirka arrimaha gudaha, ayaa waxa ay kala yihiin sidan:-
1.         Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
2.      Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda.                                                                         
3.      Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta.                                                      
4.      Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga
5.      Wasiirka Wasaaradda dhalinyradda,  Ciyaaraha, dhaqanka iyo Dalxiiska.         
6.      Chief Of Protoclka Madaxtooyadda      
7.       Agaasimaha Maamulka Madaxtooyadda                                             
8.      Badhasaabka Gobolka M/jeex                                                            
9.      Maayarka Caasimadda Hargeysa.

Madaxwayne ku xigeenka JSL, Mudane, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa waxa uu ku booriyey xubnahaa uu u magacaabay qaban qaabada xuska maalintaa, in ay muujiyaan taariikhda ku duugan munaasibada ay leedahay maalintan 18ka May,  waxaanu faray in ay hawshaasi xil mugleh ay iska saaraan, isla markaana ay si degdeg ah uga hawl galaan agaasinkeeda.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay xafiiska Af-hayeenka madaxtooyadda Somaliland.
Dhinaca kale qurba jooga Somaliland ee ku dhaqan qaarada Yurub, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Britain  ayaa wada qabanqabada bannaanbax balaadhan oo lagu beegay xuska maalinta 18 May, kaas oo lagu taageerayo xuska maalintaa si mujtamaca beesha caalamka loogu muujiyo qadiyada madaxbannaanida Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *