Hargeysa(ANN)Shirkadda wadaniga ah ee Dahabshiil ayaa ballanqaaday in kaalin muhiim ah ka qaadan doonto wax kasta oo lagu horumarinayo da’yarta Somaliland ee u baahan in laga qayb qaato mustaqbalkooda. Maamulaha guud ee shirkadda

Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid oo hadal kooban ka jeediyey maanta xaflad ballaadhan oo lagu furayey tartan kubadda cagta ah oo ay ka qaybgalayaan 80 kooxood ka dhisan magaalada Hargeysa looga furay garoonka ciyaaraha ee Hargeysa Studuim, waxa uu kaga dhawaaqay in shirkadiisu diyaar u tahay inay kaalin buuxda ka qaadato barmaamujyada kala duwan ee lagu horumarinayo da’yarta dalka.
Shirkadda Dahabshiil oo iyadu maalgelisay inta badan kharashka ku baxaya tartankan, isla markaana bixisay 300 kubbadood oo kuwa cagta ah, ayaa waxa kale oo shirkaddu ballanqaaday in dib-u-habaynta Hargeysa Staduim kafaala qaadayso iyada oo lala kaashanayo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Ugu horreyn Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid waxa uu yidhi, “Waxaan halkan ka hambalyada Xidhiidhka Kubbadda Cagta ee i siiyey fursadan qaaliga ah ee lagu furayo tartanka kubadda cagta ee dhallinyaradu kaga qaybqaadanayso wareeggan isreebreebka ah ee kubbadda cagta.
Waxa kale oo aan hambalyeynayaa dhallinyarada tartankan ka qaybqaadanaysa ee isugu timi inay tartan caafimaad qaba ku loollamaan.”
Maamulaha guud ee Dahabshiil waxa uu tilmaamay in sida ay uga go’an tahay dhallinyarada ka qaybqaadashada tartankaasi uu muujinayo hankooda mustaqbalka, kaas oo uu ballanqaaday inay ka qaybqaadanayaan.
“Isu imaatinkiinnan baaxadda lihi waxa uu muujinayaa sida aad diyaarka ugu tihiin ka qaybqaadashada barnaamijyada horumarineed ee naftiinna, qoysaskiinna iyo ummaddiinnaba wax taraya, iyada oo ay muuqato inaad u baahan tihiin in barnaamijyo iyo mashaariic shaqo-abuuris ah la idiinku talogalo si aad uga midho dhalisaan himiladiinna, waxbarashadiinna iyo tacabka waalidkiinna si dedaalladaas wadartoodu u noqoto mid loo aayo.
Shirkadda Dahabshiil waa wax ka go’aan oo aanay Ilaahay mooyaane cid kale abaal kaga doonayn inay kaalin kasta oo ay buuxin karto ku taageerto horumarinta bulshada qaybaheeda kala duwan gaar ahaan barnaamijyada ku abbaaran da’yarteeda ee mustaqbalkooda dhisaya,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid.
Gebogabadii waxa uu maamuluhu soo jeediyey in la sii wado tartannada noocan ah ee dhiirigelinaya dhallinyarada, “Ugu dambayn waxaan bogaadin kal iyo laab ah mar kale u soo jeedinayaa guddiyada kala duwan ee hawshan agaasimay, kooxaha dhallinyarada ah iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay ama dhiirrigelisay barnaamijkan, waxannuna leenahay dedaalkaa muuqda ha kala goynina ee halkaa ka sii wada, Allena ha idinku guuleeyo Aamiin.” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil.
Waxa kale oo uu xusay in Shirkadda Dahabshiil ka qaybqaadato horumarinta ciyaaraha ee da’yarta ee meelo ay ka mid yihiin dalalka Yurub, Sucuudiga, Jabuuti, kanadda iyo New zealand.
Dhinaca kale, masuuliyiin ka tirsan dawladda oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex oo ka qaybgalay xafladaasi ayaa iyaguna hadalo ka jeediyey.
Badhasaabka Maroodi-jeex Mr. Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamarje) ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in dhallinyarada gobolkiisu fursad u helaan tartan noocan ah, isagoo tilmaamay ay muhiim tahay dhallinyarada la dhiirigeliyo.
Ugu dambayn Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Ibraahim Madar oo si rasmi u furay tartankaasi, ayaa ballanqaaday in wasaaraddiisu dib u soo noolayn doonto tartamadii ciyaaraha ee dalka, isla markaana ay tayeyn doonto.

By, Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Mobile    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *