Djibouti (ANN) Alle Ha U Naxariistee Waxa maanta  Magaalada Djibouti, ee dalka Jamhuuriyadda Djabouti Ku geeriyooday Alle Ha U naxariistee Marxuum Cismaan Geelle Arab oo ahaa ganacsade Somaliland iyo Djibouiti caan ka ahaa. Marxuum Cismaan Geelle Arab ayaa sida ay sheegayaan

wararka la xidhiidha geeridiisu   mudooyinkii u danbeeyay xaalad caafimaad u joogay dalka Djabouti, taas oo sabab u noqotay  geeridiisa.
Alle ha naxariistee Marxuum Cismaan Geelle Arab, waxa uu ka mid  ahaa haldoorka ganacsatada somaliland,  isaga oo ku dhex jiray hawlaha ganacsi muddo ku siman nus qarni, isla maraakana ka mid ahaa ganacsatada waaweyn ee asalkooda kasoo jeeda Somaliland, balse ganacsigooda kasoo bilaabay dhinaca dalka Djibouti.
Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee marxuumka ayaa sida la qiyaasayo dhashay sanadkii 1923-kii iyada oo uu ifka kaga tagay 9 ubad ah  oo isugu jira wiilal iyo gabdho.
Marxuum Cismaan Geele arab ayaa lagu aasi doonaa magaaladda Djabouti ee xarunta dalka Jamhuuriyadda Djabouti, waxaana la filayaa inay Aaskiisa ka soo qayb galaan madax badan oo ka tirsan dawlada Djabouti iyo waliba ganacsato iyo masuuliyiin ka taga dhinaca Somaliland.

Shebekada Araweelonews waxay tacsi  u diraysaa qoyskii, qaraabadii iyo ehelkii uu ka baxay Marxuum Cismaan Geele arab , waxayna Illaahay uga baryayaan inuu janadii ka waraabiyo marxuumka. Aamiin Aamiin Aamiin.
INAA ILLAAHI WA INNAA ILLAAHI RAAJUCUUN
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *