Hargeysa(ANN)Madaweyne Ku Xigeenka Somaliland C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray dhismaha cusub ee xabsiga weyn ee magaalada hargeysa oo dhismihiisu qaatay dhawr sannadood. Munaasibad si weyn loo abaabulay

oo lagu qabtay xarunta Ha’yada shaqaalaha dawlada ee magaalada Hargeysa waxa kale oo kasoo qeyb galay wasiirradda cadaaladda, Gaashaandhiga, kalluumaysiga, xeer ilaalliyaha guud ee qaranka, saraakiil ka socotay Hay’adda UNDP  iyo Madaxda ciidanka Asluubta Somaliland.
Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo  ka hadlay furitaankii xaflada loo qabtay xabsiga Hargeysa  ayaa waxa sheegay inay xukuumad ahaan ay wax weyn ka qaban doonaan xaalada xabsiyada oo ay maxaabiistu kala kulmaan dhibaatooyin badan oo aan xad lahayn, isaga oo sheegay in mustaqbalka uu heerka xuquuqul insaanka Somaliland la mid noqon doonaa wadamada horumaray.”Waaan ummadda reer Somaliland ugu bushaaraynaynaa in aad loo casriyeeyay loona qalabeeyay Jeelkii weynaa ee Hargeysa ee aynu furayno, isagoo leh dhammaan baahiyihii maxbuusku u baahnaa oo dhan ee ay leeyihiin jeelasha adduunka oo dhammi.”
Md. Saylici wuxuu ammaanay fanaaniinta Ciidanka Asluubta oo xafladaasi ku soo bandhigay riwaayad aad loo jeclaystay oo ku saabsanayd waajibaadka ciidanka asluubta iyo waxqabadkooda. “Waxaan hambalyeynayaa dhalinyarada sharafta leh ee hobolada ah [Kooxda ciidanka Asluubta ee Samotalis] ee ay sameeyeen maamulkan cusub ee asluubtu,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku Xigeenku.
waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Wasiirka Cadaaladda Somaliland Ismaaciil Muumin Aare waxaanu yidhi “Xabsigu xal maahee waa laga maari waayey, Cadaaladu waxay u baahan tahay oo ay u jeedada cadaaladu tahay in la yareeyo danbiyada, in la yareeyo xabsiyada Markaa xabsigu xal maaha ee waan ka maari-weynay ilaa Nebi Yuusuf waakuwii soo qaaday, waxa loo baahan yahay inaynu wax ka bedelno xabsiga laftigiisa, gaar ahaan dhaqankiisa iyo aragtidiisa, waxaana la adeegsanayaa aqoonta Aqoon ayaa wax lagu bedeli karaa sidaa daradeed ayaanu doonayna, Xabsiga Hargeysa muxuu kaga duwan yahay xabsiyadii hore Waxa uu kaga duwan yahay dhaqaalaha xabsiyada ku baxa caalamka oo dhan ayaa ka soo horjeestay.Sidaa daradeed xabsiyada waxa la doonayaa saami ahaan dadka xidhan iyo askarta ilaalinayaa way kala badan yihiin, 2000 oo qof ayaa xidhan ciidankeenina waa 2000-qof, markaa arrinta waxaanu doonaynaa inay soo yaraato oo ay noqoto 10-qof ama 100-kii qof waa inuu qof ilaaliyo, waa in dhaqaalahooda la yareeyo.”
Dhinaca kale, Taliyaha ciidanka asluubta Somaliland Gen. Maxamed Faarax Xuseen (Xiirane)
ayaa xafladaasi ka jeediyay warbixin uu kaga hadlayay xaalada jeelka waxaanu yidhi “Xabsigii Hargeysa waxa la dumiyey 25-kii bishii December 2006-kii waxa uu dhismihiisu socday afar sanadood, waxa xabsigaasi qaadi karaa 562-maxbuus, run ahaanti xabsigu ma dhameystirna waagi dhaweyd markii ay tuugtu badatay boolisku olole ayey ku qaadeen, taasi waxay keentay inay xabsiyadii buuxsamaan, dabadeed isaga oo dhameystiran inaanu maxaabiista geyno. Labada hay’adood dhismaha xabsiga weyn ee Hargeysa isaga kala danbeeyey waxay kala yihiin Dhismaha Xabsigan bilowgiisi waxa bilaabay hay’asda UNDP, markii danbena waxa dhameystiray UNDOPOS oo hada gcanta ku haysa.”
Araweelonews Mobile
\Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *