Breda(ANN) Maxkamad ku taalla magaalada Breda ee dalka Holland ayaa markii ugu horreysay go’aamisay in maxkamaddaha ku yaalla dalka Holland ay qaadi karaan dacwadaha  ka dhanka ah warbaahinta Soomaalida ee caadeystay inay faafiyaan dacaayado lagu dhaleecaynayo qaar ka mid ah

shirkadaha Ganacsiga ee laga leeyahay dhulalka Soomaalidu degto. Go’aankan ayay maxkamaddu gaadhay kaddib markii Shirkadda Caalamiga ah ee Dahabshiil ay dacwad  ku soo oogtay Daahir Calasow, oo dhaqan ka dhigtay baahinta war-hunguri lagu xagxaganayo sumcadda Ganacsatada Soomaaliyeed, hore-na shirkadda uga baahiyay eedaymo liddi ku ah sumcaddeeda ganacsi.

Maxkamadda Breda oo dabayaaqadii bishii Janaury 2011 bilowday ka-gar-naqa Dacwadda u dhexeysa shirkadda Dahabshiil iyo Daahir Calasow, waxay arrintan shaacisay mar ay dhowaan soo gebogebaysay wejigii koowaad ee dacwadda, iyada oo xukunka kama-dambaysta ahna ku xidhay caddaymo kale oo lagu soo lifaaqo dacwadda eedaysanaha. Iyada oo qodobkan tix-raacaysa, maxkamaddu waxay go’aamisay in caddaymo looga baahan yahay xidhiidhka ka dhexeeya Calasow iyo Website-yada been-abuurka ah ee baahiyay qoraallada shirkadda lagu af-legaadaynayo. Sidoo kale waxay maxkamaddu oggolaatay in maxkamadaha Holland ay dacwaddan oo kale qaadi karaan, iyada oo lagu dabbaqayo sharciga dalka Holland.

Maxkamaddu waxay hoosta ka xarriiqday in shirkadda Dahabshiil xaq u leedahay inuu daneeyo in degdeg arrinta loo geeyo maxkamadda, iyada oo dhinaca kalena shirkaddu muujisay in qoraalladaasi horseedi karaan dhaawac ku yimaadda sumcadda iyo magaca shirkadda. Af-hayeen u hadlay shirkadda Dahabshiil, wax yar kaddib markii ay maxkamaddu shaacisay go’aannadaas, ayaa isaga oo ka hadlaya dareenka dhiniciisa, waxa uu yidhi: “Dahabshiil waxa uu soo dhowaynayaa in maxkamaddu arrinta degdeg u aragto, iyada oo qoraalladaasi been-abuurka ahi ay sumcad xumo u keeni karaan shirkadda.”

Af-hayeenku waxa uu la-yaab ka muujiyay sida fuleynimada leh ee uu Daahir Calasow ugu dhiirran kari waayay inuu sheegto lahaanshaha masuuliyadda faafinta qoraalladaas ceebaynta ah iyo sida uu u dafiray inuu ku adkaysto mawqifkiisii uu arrimahan ka taagnaa. “Dahabshiil waxa kale oo uu la yaab u arkaa in Calasow maxkamadda ka dafiray in uu ahaa ninka qoraalladaas beenta ah lahaa ee faafiyey iyo sida uu ugu andacoodey in aanu lahayn ama ku xidhanayn Website-yada kale ee qoraalladaas daabacay.”  Ayuu yidhi Af-hayeenku.

Af hayeenku wuxuu xusay in aanu Calasow marnaba maxkamadda hor keenin wax caddaymo ah oo kaabaya ama qiil u noqonaya qoraalladaasi been-abuurka ah ee uu ka faafiyey shirkadda Dahabshiil.
Afhayeenka oo ka hadlaya sida shirkaddiisu ugu tabaabushaysanayso Wejiga 2aad ee dacwadda, waxa uu yidhi: “Dahabshiil wuxuu iminka diyaarinayaa caddaynta dheeraadka ah ee ay maxkamaddu codsatay, maxkamaddana si dhakhso ayaannu ugu soo laaban doonnaa, si aannu u dalbanno in la tirtiro qoraalladaas aan salka iyo raadka lahayn ee aflagaaddada iyo been-abuurka ah.”

“Dahabshiil waxa uu u xaqiijinayaa dhammaan macmiishiisa in ay sharaf u tahay in ay noqoto shirkad furfuran oo si sharciga waafaqsan u shaqaysa, una fidinaysa macmiisheeda adeegga ugu habboon ee suurtogal ah” ayuu af-hayeenku hadalkiisa ku soo af-meeray.

Go’aammada ay maxkamaddu gaadhay ayaa u muuqda kuwo u quus-goynaya war fidiyeennada uu Calasow ka mid yahay ee mihnaddii saxaafadda u rogtay aalad ay ku ceebeeyaan cid kasta oo ummadda horumar ku soo kordhisay, kuwaas oo gabbood ka dhiganaya waddamada qurbaha ee ay qaxoontiga ku joogaan. Wejiga labaad ee dacwadda ayaa la filayaa inuu dhaco maalmaha soo socda, waxaana la rajaynayaa in Maxkamaddu ka soo saarto xukun-ciqaabeed lagu abaalmarinayo dhaqan-xumada Calasow iyo kuwa la midka ah ee saxaafada u adeegsada hubka .
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *