Hargeysa(ANN)La Taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha caalamiga ah iyo aqoonsi raadiska Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ugu baaqay  ummadda reer Somaliland in  laga wada shaqeeyo horumarinta dalka iyo sidii qarankanka

Somaliland uu aqoonsi uga heli lahaa beesha caalamka.
Sidaana wuxuu ku sheegay qoraal uu soo saaray  maanta oo saxaafada loogu talo galay, kaas oo u dhignaa sidan:- “Illaa maalintii Somaliland ay dib ula soo noqotay xoriyadeeda iyo dawladnimadeeda 199-kii, Somaliland waxay si aada uga shaqaynaysay si ay caalamka ugu muujiso awooda ay u leedahay inay sameeyso nidaam dawladeed oo casri ah, oo ay u dhan yihiin dhinacyadiisii oo dhan.
Somaliland waxay siisay  mudnaanta koowaad nabad galyada iyo xasiloonida. Mudnaantaas iyo xasiloonindaas waxay siisay ummada Reer Somaliland inay ku noolaaddan xasilooni iyo deganaansho.
Waxay qaaday talaabooyin lagu xoojjinayo dimuqraadiyada wadanka si loo adkeeyo – dhaqanka dimuqraadiyada (democratic culture ) taas oo soo jiidatay indhaha caalamka, siisayna kalsooni dadka  Somaliland
Somaliland waxay samaysay hab dawladeed oo ku dhisan qaabka madaxtooyada oo leh   dhinacii xukuumada iyo sharci dejinta. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee astamaha dawladnimada waxaa ka mid ah waa rabida dadka (self determination of the people ) , si ay taa u xaqiijiso Somaliland waxay samaysay doorasho xor  iyo Xalaal ah 2001 , dadka reer Somaliland waxay fursad u heleen inay mar kale codkooda ku xoojiyaan sida ay raalida uga yihiin dawladnimadii iyo xornimadii  ay la soo noqdeen 1991.
97%  ayaana taageeray fikradaasi waxaa taasi ka danbaysay doorashooyin isdaba jooga oo lagu adkaynayo tayada dawladnimada Somaliland iyo dhaqanka dimuqraadiyada.
Waxaa la dhaqan galiyey 2002 dooroshooyinkii dawladaha hoose , 2003 waxaa la qabtay doorashadii madaxtooyada ,2005 waxaa la qabtay doorshadii barlamaanka, 2010 waxaa la qabtay doorashadiii labaad ee madaxtooyada , talaabooyinkaas oo dhami waxaa loola jeeday in dhidibada loogu aaso tayeynta dawladnimada iyo dimuqraadiyada; dhinaca kalena taasi waxay hoos u dhigtay  fikradaha qabiilka ka imanaya ee aan Jaan qaadi karin fikrada dawladnimada
Waxyaabaha kale ee sii xoojinaya tayeynta dawlada casriga ah ee Somaliland waa bulshada rayidka ah , qurbe jooga oo iyaguna dhammaan door weyn ka ciyaara horumarinta dimuqraadiyada iyo dhaqaalaha dalka.

Wada shaqayntasi iyo wada jirkaasiba waxay Somaliland u suurto galiysay inay ka hortagto caqabaddo faro badan . caqabadaha ugu waa-wayn ee ay Somaliland ka hor tagtay kuna guulaysatay waxaa ka mid ahaa qabashadii doorashadii madaxtoyada ugu danbaysay june 2010 . sidii dorashada loo qabtay iyo sidii dadku uga qayb galeen waxay tustay caalamka bisaylka siyaasiga ah iyo aragtida dheer ee ay u leedahay Somaliland garashada dawladnimada iyo habka dimoqraadiyada.

Ka soo qayb galayshii calamiga ahaa ee ka soo qayb galay doorashadii 2010 waxa ay markaati ka noqdeen natiijadii doorashada kuna amaneen Somaliland iyo commisionka qaranka sidii ay hawshaas u mamuleen oo la socota sida ugu wanagsan ee doorasho loo qabto. ( international standard)
Waxaa doorashadaas ku soo baxay madax waynaha hada Mudane AHMED MOHAMUD SIILANYO oo ahaa musharaxa xisibiga KULMIYE ahna siyaasiyiinta ugu khibrada badan Africa; 40 kii sanno ee ugu danbeyey ku lug lahaa siyaasada, dhaqaalaha adduun waynaha Africa iyo Somali-da, waxa kale uu ahaa mujaahid  gudoomiye u ahaa markii xaaladuhu ugu adkayeen xorayntii Somaliland iyo jabhadii SNM .
Marka la tix raaco umuuraha xaga sare aynu ku soo sheegnay Somaliland waxay xaq u leedahay inay ictraaf deg-dega hesho kuna fadhiisato kursigii xaqa ay u lahayd iyada oo la mida dawladaha kale ee calamka
Dhinaca kale markaad eegto Somaliland waxay leedahay cadow faro badan oo doonaya inuu xornimada iyo horusocodkeeda caqabada ku abuuro . taas waxaa ka mid ah, shaqaaqada   maalmaha u danbeeyey ka socda gobolada bariga. Waxaan hubaa inay taasina si deg-deg ah u dhaman doonto insha Allah.
Waxaa  hubala  dadka walaaha ah ee wada dhashay waligoodna wada daganaa inay ka wada shaqayn donaan nabada iyo xasiloonida  iyaga oo baqii madaxwaynaha tixgalinaya aqbalayana.
Waxaa kale oo jira siyaasiyiin  xaalad abuur samaynaya  kuna hadlaya hadalo lagu jahwareerinayo shacbiga,
Siyasiyiintaasi waxaanu odhan lahayn Madaxwayanahan lagu soo doortay  dimuqraadiyada iyo dawladiisu waxay sameeyeen aragti hiraal( vision) , hadaf (goal) iyo barnamijkii (objective) hiraalkaasi lagu xaqiijin lahaa. Waxaanu Madaxwaynu arrintaasi si mug leh ugaga hadlay khudbadii uu u jeediyey baarlaamanka 07 FEB 2011, waxaanu jecelnahay inaanu siyaasiyinta ku nidhaahno aynu ka wada shaqayno horumarka iyo mustaqbalka Somaliland
Madaxtooyada Somaliland  dhawaan iyadoo la kaashanaysa bulshada rayidka ah (Non-State Actors) iyo qurbe jooga, saaxiibada Somaliland, waxaa la qabanayaa bisha July sanadkan shir caalamiya oo lagaga hadlayo, staratejiyada aqoonsi raadiska Somaliland ( a workable strategic recognition road-map.) .” ayuu yidhi Dr. Maxamed Rashiid
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *