Waxaan jecel ahay in aan ka hadlo inyar oo tala xumayaal ah oo goor walba abuura qas iyo qalaanqal iyo waliba fidno dalka aan ku haboonayan oo ay ugu danbeeysay tii bishan ka dhacaday xerada Soodaanta iyo kuwii ka horeeyay ee  Ceelbardaale,  Saameel iyo kuwa ka socda gaobolada Barriga,

gaar ahaan Sool iyo Degmada Buuhoodle. Dhamaan arrimahaasi  waxay wax yeelayaaan xukuumaddan jirta oo inta taageedu tahay dadaal fiican muujisay,hase ahaatee ay had iyo goor  jalaafaynayaan dadka Somaliland diidka ah, kuwaas  haday bari tahay iyo haday galbeed tahay intaba wixii ku kaca xumaantaasi iyo dilalka foosha xun waxay ka tarjumayaan Somaliland diidnimo.
Dadka deeagaanada  dhexe  ka mid ka ah ee ku kacay waxayaalahaasi oo dhan waa dad qaran dumis ah oo loo baahan yahay in la mariyo abaalkooda wax naxariis ahana aan loo yeelan,  sabata oo ah waxay  ka sii meeqaam liitaan dadka iyagu somaliland diidka ah oo cadaw shisheeye dabada ka wado,  ama Soomaali-weyn ay taakulayso.
Hadaba aniga oo dib u jaleecaya  dadaalka xukuumaddu gashay intii yarayd  ee ay xilka haysey oo ah sannad iyo kow iyo toban bilood(11),  runtii waa wax lagu amaano mudadaa oo ay qabatay wax wax tar ah, tusaale ahaan  siyaasada Arrimaha dibada oo u dhaw in la aqoonsado Somaliland, Arrimaha nabadgeliyada dalka oo sare u kacaday,  mashaariic wax ku ool ah oo socda Wasaaraddaha iyo Dawladaha Hoose, Cashuuraha oo si wanaagsan loo ururriyo,  isla markaana ku dhacada gacanta Bankiga dhexe  ee Somaliland, Wadooyin badan oo ka hirgalay wadanka oo dhan oo aan tusaale u soo qaadan karo Burco iyo Oodweyne oo socda Dila iyo Boorama oo ku dhaw dhamaad, dawga Hargeysa,  ama Woqooyiga Hargeysa oo isna ku dhaw dhamaad, Baligubadle iyo Hargeysa oo isna lawado, Salaxley iyo Hargeysa oo isna si wanaagsan u socda hantidii dawlada ee la leexsan jiray oo aan jirin iyaduna ninkasta oo wax lagu tuhmana markaaba la xidho,wixii mucaawino ah oo si fiican loo qaybiyo lagana ilaaliyo inay gacan
kale ku dhacdo.
Dhinca Biyaha oo iyana aad looga shaqeeyey dhawaana laga yaabo in dalka oo dhami wada oon baxo iyo dawlada oo dadaal xoogan ugu jirta sidii Somaliland u noqon lahayd qaran  taabo gal ah,  isla markaana ay caalamka uga mid noqon lahayd.
Iyada sida aan la socono Xukuumadu ay ku talisay in meel kasta oo Somaliland dani ugu jirto ay  u geli doonto,  isla markaana ay ka qayb gashay shirkii ugu qiimaha badnaa  ee London,  kaas  oo sumcad badan u soo hooyay reer Somaliland.  sidoo kale wadamadii Carabta oo inoo soo joogsaday oo ina dhegaystay,  waxna inagu taray,  taas  oo aan hore loo arag.
Sidoo kale  waxa  xusid mudan Idaacadii weyneyd oo dhawaan timi dalka,  hawdana si dhakhso ah u soo geli doonta iyo waliba tviiga qaranka oo isaguna kaalin libaax ka qaatay houmarka dalka dibad iyo gudaba.

Sidaa  awgeed muddaii uu xilka la wareegay mudane A.M.Siilaanyo illaahay cimrigiisa hadaayo ‘e , waxa aynu ka mid noqonay dawladaha caalamka wax aynu qarka u saaranahay in somaliland aqoonsigeedu  uu ku guulaysto halgamaagii weynaa ee ururkii S.N.M oo ah shakhsi  nin waliba ka dheregsan yahay geesinimadiisa,  islamarkaana cidina aanay dafiri karin taariikhdiisa.
Sikastaba ha ahaato mudadan yar ee uu hogaaminayey madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo,  waxaynu  ka mid noqonay caalamka jira waxaa si cad u muuqda waxtarka ay samysay xukuumadda somaliland , waxaa markhaati ma doon  ah in isbedelkii ugu qiimaha badanaa ka muuqdo madaarada Somaliland oo ay caruurtu oon ugu dhiman jirtay marka ay fasax u soo baxaan Somaliland,  isla markaan aan lagu kari jirin in caruurtu doorka danbe tagaan,  balse hada ay jeclaadeen fasax kasta in ay tagaan Hargeysa,  ama Berbera.
Waxaa intaasi soo raaca geesinimadii uu sameeyey madaxweyne siiraanyo oo ah in uu siyaasintii u fasaxay in ay furan karaan ururo siyaasadeed tasina ay ka soo baxeen lix urur iyo seddexdii hore oo ku tartimi doona saaxda in ay u soo baxaan seddex xisbi qaran intaasi iyo kuwa kale oo aanaan soo qaadin oo ah horumarka ay gaadhay xukuumadan jirta ee uu hogaaminayo Axmed Maxamed Siiraanyo ayaa ah kuwa la xusi karo iyada oo waliba aanay hore u dhicin waxaasi oo waxtar ah ayaa hadana waxaa loo geystaa  xukuumadan horjoogsi badan oo kaga imanaya dadka somaliland diidka ah iyo kuwa ay soo adeegsanayaan hadana waxtarkeedu waa kaa muuqda ee waxaan leeyahay dadka reer somalandow dawlada ka wanaagsan hore inoomay soo marin dibna inoo soo mari mayso ee halaga faa’iidaysto ruug cadaaga siyaasadeed ee aynu dooranaay hana lagu kalsoonaada xukuumada iyo hawlaheed iskana daaya hagardaamada aad kaga farxinaysaan cadwga somaliland.

Ururada hadhay ee ku guulaysan waayay inay buuxiyaan shuruudihii looga baahnaa waxaan u soo jeedin lahaa in ay ogaadaan in aan gari laba nin ka wada qoslin haddii rag tartamo cid baa soo baxada cidina way hadhaa haddii aad hadheen iska daayo gunuuska gudiga diwaan gelinta awalba waxaad siiseen kalsoonidii wixii ka soo baxayna waa khasab in aad qaadataan kuna kalasoonaataan
Guntii iyo gabagabadii waxaan u soo jeedinayaa dadka ku abtirsada somaliland in ay ku kalsoonadaan xukuumadooda oo durba aan dareenay waxa badan oo ay qabatay in badan oo kalana way qaban doontaa ee ha la  ilaaliyo midnimada somaliland.
Cabdi. D.camuud (Cabdi Dheere)
Uk adamuud@hotmail.co.uk

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *