https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/1650/4?uidval=1268568853https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/1650/4?uidval=1268568853https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/1650/4?uidval=1268568853https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/1650/4?uidval=1268568853Hargeysa (ANN )- Dalladda Ururada Dhallinyaradda Somaliland ee SONYO,  ayaa deeq qalab Ciyaaraha  ah ku wareejisay xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland, taas oo munaasibad xaflad loo sameeyay lagu qabtay maanta xafiiska Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee

 

Somaliland Cali Siciid Raygal.


Deeqdan qalabka ciyaareed ah oo ka timid mashruuc ay iska kaashanayaan dalladda Ururada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO iyo Hay’adda Caalamiga ah ee DRC, mashruucan oo la xidhiidha is dhex- galka dhallinyarada iyo sidii  tababaro  loogu siin lahaa dhallinyarada Ciyaarta Kubadda Cagta, Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka iyo waliba Barnaamijka xallinta khilaafaadka.

Xafladda wareejinta deeqda qalabka ciyaareed waxa ka soo qayb galay guddoomiyaha dalladda SONYO Md. Axmed Cabdi Wacays, Agaasimaha SONYO. Siciid Maxamed Axmed, madaxa mashruucan TTT. Mr. Ismaaciil Cumar Ibraahim, guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland, Agaasimaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha Mustafe Maxamed Qodax iyo wasiirka wasaaradda dhallinyarada ciyaaraha iyo dhaqanka Cali Siciid Raygal.
Madaxa mashruuca dhallinyarada Ciyaaraha iyo dhaqanka Mr. Ismaaciil Cumar Ibraahim oo ka hadlay munaasibadaa, ayaa ka sheekeeyey sidii uu mashruucani ku bilaabmay iyo sida uu uga hir gelay labada gobol ee Maroodi jeex iyo Saraar oo uu si habsami leh uga socdo, wuxuuna  xusay  in mashruucani ka kooban yahay saddex qaybood oo kala ah tababarka ciyaarta kubadda cagta, ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo qaybta saddexaad oo ah tababar la xidhiidha xallinta khilaafaadka. https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/1650/4?uidval=1268568853
“Wajigii labaad ee mashruucan ayaa noo bilaabmay sidaa darteed waxaanu maanta u fadhinaa in aanu qalabkii ciyaareed ee ay ku ciyaari lahaayeen shanta kooxood ee kala matali doona shanta degmo ee ay ka kooban tahay caasimadda Hargeysa idinku wareejino” ayuu yidhi Md. Ismaaciil. Madaxa mashrucan ee dalladda SONYO Md. Ismaaciil waxa uu faahfaahiyay is badalka uu mashruucani ku keenay dhallinyarada iyo si dhex galkooda. Intaa kadib waxa hadalka qaatay guddoomiyaha dalladda SONYO Md. Axmed Cabdi Wacays oo ku dheeraaday ujeedada SONYO u taagan tahay iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya wasaaradda dhallinyarada ciyaaraha iyo dhaqanka.
Guddoomiyaha SONYO, waxa uu faahfaahin ka bixiyay sida mashruucani u noqday mid dhaxal gal ah isaga oo u mahad naqay dhammaanba hawlwadeenada SONYO gaar ahaan xubnaha mashruucan ka hawl gala waxaanu wasaaradda ku booriyay in ay sii laban laabaan nidaamka wada shaqayneed ee u dhaxeeya SONYO. “SONYO iyo wasaaraddu waa laba gacmood oo mataano ah, isku hadaf ah oo u wada taagan horumarita dhallinyarada. Xidhiidhka wada shaqayneed ee SONYO iyo wasaaraddu waa mid loo baahan yahay si aynu u xaqiijino himiladeena isku midka ah oo ah in aynu soo saarno dhallinyaro diyaarsan oo akhlaaq, aqoon iyo wadaninimo leh si ay dalkooda ugu adeegaan. Waxqabad kasta oo SONYO samaysaa waxa uu wanaag iyo sharaf u yahay wasaaradda.
Dhinaca kale waxa hadalka qaatay wasiirka wasaaradda dhallinyarada ciyaaraha iyo dhaqanka Md. Cali Siciid Raygal oo aad ugu dheeraaday mahad naq uu u soo jeediyay dalladda SONYO, isaga oo ballan qaaday in uu sii laban laabi doono wada shaqaynta u dhaxeysa SONYO iyo wasaaradda. Wasiirku waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay mashruucam SONYO iyo DRC wadaan isaga oo sheegay in uu wax badan ka qaban doono is dhex galka dhallinyarada, la dagaalanka tahriibta, mukhaadaraadka, qabyaaladda iyo dib-jirnimada. Ugu dambayn guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland,   Axmed Maxamuud Muxumed (Dhegey) ayaa guddoomay qalabkii ciyaareed ee lagu wareejiyay waxaanu sheegay in qalabkan la siin doono shan kooxood oo ka kala socda shanta degmo ee caasimadda Hargeysa ka kooban tahay. Deeqdan qalabka ciyaareed ah ayaa ka koobanayd dhammaan sadka shanta kooxood ku ciyaarayaan sida kabaha, dirayska, dirayska garsoorayaasha, kabo iyo shabaagta garoomada lagu xidho.  
Dhinaca kale tartankii kooxahan shanta ah ee dirayska la siiyay ayaa tartankoodii waxa uu ka bilaabmay garoonka 31ka May ee xaafadda Jigjiga Yar, iyada oo lagu furay kooxaha degmooyinka Gacan Libaax iyo Axmed Dhagax. Furitaankii tartanka waxa ka soo qayb galay madaxa mashruuca dhallinyarada ee TtT ee SONYO,  Ismaaciil Cumar Ibraahim iyo guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Axmed Maxamuud Muxumed (Dhegey).   

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *