Your browser may not support display of this image.Haddana si ay u sababeeyaan, waxay sheegaan mowtal-qafle ama geeri lama-filaan ah. Bal is-diiddada eega. Hadda waa aynu hubnaa in la dhimanayo, haddana waxaynu ka hadallaa geeri lama-filaan ah. Ma is-tidhaahdeen sida aynu jecelnahay ayaa been ah.

Waxba yaan hadal-tirada idin ku daalin e’, markii aan ogaaday in Boorame lagu aasayo ayaan go’aansaday in aan aaska ka qayb-galo. Keligay go’aankaa ma aan qaadan ee saaxiibbaday ayaan la wadaagay. Markii ugu horreysayba Xildhibaannada Xaashi Xuseen Caabbi iyo Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan ayaanu batroollaha ama kaalinta indho-birta ku ballannay.

Waxa kale oo dadkii aanu halkaa 5.00tii saacadood ee subaxnimo ku ballannay ka mid ahaa Xasan Cumar Halas oo aanu Akaademiga ka wada hawl-geli jirnay, “iyo qaarkale oo badan,”  waa halkii Maxamed Mooge e’. Ilaahow idiin wada naxariiso.

Maalintaa Isniineed ee geerida naxdinta leh ee saaxiibkay Cabdishakuur la ii sheegay, maalin hawl badnayd ayay ahayd. Galabnimadii haddii aan Jaamicaddii ka imid, waxa ii qorshaysnayd in aan Imperial Hotel kaga qayb-galo Buug la gardaadinayay oo uu qoray Sayid oo reer Stockholm ahi. Maa daama aan aaska ku kallahayay, waan ka cudur-daartay. Gelin horeba sariirta ayaan is-daadshay, laakiin galgalashada iyo xusuustii Cabdishakuur ayaan xanaftii iyo xaradhaamadi ledi waayay. Sidii ayaan saladdii kuma toosin e’, ku kacay aniga oo madax-xanuun la liita. Ma saacadaha, maalmaha, bilaha, sannadaha iyo xilliyada maskaxdayda habeenkaas oo dhan miranayay baa! Dr. Cabdishakuur, mahadhooyinkiisii, maalmihiisi, maaddii, murtidii iyo maskaxdii uu daweyn jiray.

Kaalintii Indho-birta ayaanu isugu nimid. Guddoomiye Cirro ayaa isaguna ka mid ahaa dadkii aanu bartaa ku kulannay ee u jarmaadayay gelbinta shaksiyad ummaddan Somaliland iyo dadka Soomaaliyeedba guud ahaan qiimo aan la qiyaasi karin ku lahaa. Dhul aad u roobbanaa ayaanu sii jiidhnay. Gebilay ayaanu toddobadii subaxnimo oo wax la’ ka sii quraacannay. Beer ayaanu dalbannay. Qaar naga mid ahaa oo kelyo dalbaday, waxa loo sheegay in kelyaha hilbaha la soo raaciyo.

Af-jabhadeedkayagii aan u noqdo e’, Cidhib barako leh ayaanu ku dhufannay. Markaa waxaanu wada soconnaa baabuurkii uu watay Xasan Cumar Halas. Kantaroolka Dila ayaanu is-taagnay. Saa waxa dhinaca bidix oo koonfur ah ka yaallaay baabuurkii Cabdishakuur la qallibmay. Waa “Surf”. Midabku waa buluuki culus oo diillimo leh. Muraayadda hore waa digada oo inta ay jajabtay ayay isku daadatay. Waxaan hoos isu idhi  waa barta galaafatay Dr. Cabdishakuur. Illeyn hed shinkeedii galay lama baajiyo. Wuxu baabuurkan qallibmay u jeeday koonfur. Labada taayir ee danbe ka galbeed xigay wuu banjarsanaa. Inta aanu u ducaynay ruuxii Dr.  Cabdishakuur ayaanu dhaafnay. Baabuurkayaga ayaa ka Halas ka horreeyay. Halas ayaa markii aanu dhaqaaqnayba na joojiyay. Ku-ye: “Jidka garan meysaan e’, I soo daba gala.”  Illeyn baabuurkii Dr. Cabdishakuur ayaa noo muuqda e’, annaguna naxdintii qaadannay soo-jeedintii Halas.

Xasan Cumar Halas aayar ayuu baabuurka wadaa iyada oo uu laammi marayo. Axmed Cumar Toosh oo baabuurkayaga waday dhowr jeer ayuu u holladay in uu dhaafo, laakiin annaga ayaa ka diidnay. Godkii ugu horreeyay oo ahaa meel daadka loo banneeyay ayaanu ku dhacnay. Xasan Cumar Halas ayaa gacanta soo riday si uu noogu tilmaamo. Markaas ayaa caqligu nagu soo degay oo aanu garannay halista dariiqu leeyahay.

Dila ilaa Boorame inta badan waddo laammi ah ayaanu ku soconnay. Halkii mar laga wada samayn lahaa waddada, waxa laga door-biday in marba intii la karo la sameeyo. Wixii ku qabsoomi waayay labaatanka sannadood, ayaa ku qabsoomay waqti aan laba sannadoodba dhammayn.

Waqti 8.00 saacadood ee subaxnimo ku beegnaa ayaanu gallay magaaladii Boorame, oo aan ahaynba tii aan ogaa. Waa maxay laammiyada is-jiidhayaa. Malahayga waxaan is-idhi, magaalo kale oo dhismaha waddooyinka kula tartantaa ma jirto. Bajaajta ayaa ka darreyd oo aad moodaysay in ay aroos gelbinayaan sida ay isu dabo-yaacayeen.

Reys Hotel ayaanu cabbaar ku hakannay. Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaanu isagana ku kulannay.

(La soco……………………………….)

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *