Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa xoriyadoodii usoo celisay koox suxufiyiin ah oo shalay lagu xidhay saldhiga dhexe ee magaalada hargeysa. Kadib markii ay madaxtooyada la tageen mudaharaad ay ku dalbanayaan in xayiraada laga qaado xarumaha Telefishanka horn Cable ku leeyahay

magaalada hargeysa oo la xiyaray.
Iyadoo ay ciidanka bilayska somailand suxufiyiintaa oo intooda badani ka hawlgala telefishankaa saldhiga u taxaabeen, kuwaas oo maanta lasoo daayay marka laga reebo  Axmed C/raxmaan Xirsi (Heello)  oo isaga lagu eedeeyay inuu hubaysnaa oo sitay Bastoolad.
Suxufiyiintaa oo tiradooodu ahayd  20 Suxufi, waxa  maanta kulan qado-sharaf ugu sameeyay Huteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo Afhayeenka madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).
Iyadoo labada masuul kulankaa qadada ah ka dib ay Suxufiyiintaa ka dhegeysteen  cabashooyinka  ay  ka tirsanayaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, iyagoo ku dhaliilay xukuumadda in aan  lagu dhaqmo xeerkii saxaafada ee dhaqan galka ahaa iyo in xukuumaddu ay ka noqoto talaabadii ay xeer ilaalinta guud ku joojisay diiwaan gelinta Wargeysyada iyo TV-yada cusub.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Afhayeenka madaxtooyadda oo kulankaa ka hadlay ayaa balan qaaday inay ka shaqeynayaan sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dawladooda iyo Saxaafadda.
Waxa kale oo ay balan qaadeen inay wax ka qaban doonaan tabashooyinka Saxaafadda, balse ay suxufiyiintuna muujiyaan masuuliyada iyo waajibaadka saaran, isla markaana iska dhawraan wax kasta oo wax yeelaya qaranka, ama kala fogaynaya bulshada.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *