Fariin Ku Socota Muwaadiniinta Somaliland Iyo Bulshada Soomaalida ee North America, UK iyo Yurubta Kale

Washington(ANN) Wakiilka Somaliland ee USA Ambassador Rashid Garuf ayaa soo saaray fariin ku socota bulshada Somaliland eek u dhaqan Woqooyiga Ameerika, Britain iyo wadamada kale ee Europe.Fariintaa oo ay ka faa’idaysan karaan haddii ay danaynayaan bulshada  kale ee Soomaalida
ku dhaqan wadamadaa ayaa u qornayd sidan:  “Waxan dhamaan halkan ka ogaysiinayaa muwaadiniinta  reer Somaliland ee ku North America, UK iyo Dhamaan Europe in laga bilaabo maanta ay idaacada Radio Hargeysa ee oo idiin soo tebinaysa warkii Somaliland aad ka dhegaysan kartaan telephonada gacanta. Shicibka ku nool North America (USA iyo Canada) waxay dhegaysanayaan Radio Hargeysa telephone numberkan 1-832-551-5059. Shicibka ku nool UK ama Europena waxay ka dhegaysanayaan Radio Hargeysa telephone numberkan 44-203-519-0765
Sidoo kale Soomaalida kale eek u dhaqan wadamadaa ee danaynaya inay helaan wararka iyo macluumaadka way dhegaysan karaan Idaacada radio hargeysa, iyagoo la wadaagaya bulashada Somaliland eek u dhaqan  North America, UK iyo Dhamaan Europe.

Waad mahadsan tihiin. Wixii su’aalo ah, iyo haddii aad faahfaahin dheeraada u baahataan waxad kala soo xidhiidhaysaan radiohargeysa@somaliland.us, waxa aad tagtaan web siteka www.somaliland.us oo aad ka helaysaan magacyada masuuliyiinta ka wakiilka ah Radio Hargeysa ee idiin soo tebiya wararkan.

Illaah baa mahad leh
Rashid Nur
Wakiilka Somaliland ee USA
rashidnur@somaliland.us
www.somaliland.us

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *