Hargeysa(ANN)Marxuum Aadan Mire Waqaf ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha Naasa Hablood ee Woqooyi bari magaalada Hargeysa, waxaana Aaska Marxuumka ka qaybgalay  Masuuliyiin ka tirsan xukuumaddda, Axsaabta qaranka Ururada Siyaasada iyo  Boqolaal qof oo ka

kala yimi gobolada Somaliland iyo Koonfurta Somalia.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo ay weheliyaan Gudoomiyayaasha Xisbiyada Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Ucid Injineer Faysal Cali Waraabe Xubno ka tirsan Golaha wasiirrada ayaa ka qayb galay aaska qaran ee loo sameeyay Ilaahay Naxariistiisi Janno ha ugu deeqee Marxuum Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo dhawaan ku geeriyooday wadanka Maleesiya. Sidoo  kale  waxa aaska Marxuunka ka qayb galay Wasiirada Madaxtooyada,Macdanta iyo Biyaha,Dib u dejinta ,Duulista iyo Hawada iyo boqolaal ka mid ah Shacbiga ku nool Hargeysa.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro)” oo hadal kooban  ka jeediyay halkaa ayaa ku tilmaamay marxuunka shakhsi wadaniyad iyo dal jacayl lahaa,  isla markaana ku wanaagsanaa dhinaca Cibaadada,  isagoo eebe uga baryay inuu Naxariistiisa balaadhan ka waraabiyo.
sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiyada Talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay  aaska waxa uu ku sheegay in mudadii uu marxuunku ku jiray saaxada siyaasada somaliland uu mar kastaba door hogaamineed ka qaadan jiray xaaladaha adagi marka ay la soo darsaan qaranka.
Dhinaca  kale Gudoomiyaha Ucid Injineer Faysal Cali Waraabe oo mudo sanado ah ay marxuumka siyaasada ku wada jireen ayaa dhiniciisa ka sheegay inuu marxuunku ahaa shakhsiyaadka hal doorka u ahaa dhinaca siyaasada, isla markaana ay Sannado badan soo wadaageen duruufo nololeed iyo mid siyaasadeedba waxaa uu Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ilaahay uga baryay inuu marxuun Aadan Maxamed Mire “Waqaf” naxariistiisa jano ugu deeqo Qoyskii,Qaraabadii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland uu ka siiyo Samir iyo Iimaan.
Wasiirrada Madaxtooyada,Macdanta iyo Biyaha,Dib u dejinta ayaa mid kastaaba dhiniciisa waxa uu ka waramay aqoontii uu u lahaa Marxuunka.
Marxuum Aadan Maxamed Mire “Waqaf” naxariistiisa jano Alle ha ugu deeqee waxa uu Sanadkii 1947-kii ku dhashay magaalada Hargaysa, isagoo aqoontiisii waxbarasho ku soo qaatay magaalooyinka hargaysa iyo Muqdisho, waxaa kale oo uu waxbarasho dibadeed oo ku wajahan dhinaca ciidamada ku soo qaatay dal weynihii la isku odhan jiray Midowga Soofyeeti  ee Rashia .
wuxuuna  marxuunku xilal kala duwan ka soo qabtay dawladii Somlaia iyo Somaliland,  isagoo mar ahaa Maayarka Magaalada Burco  sidoo kale Marxuum Aadan Mire waqaf  wuxuu  xilal kala duwan kasoo qabtay dawladii Somalia iyo Somaliland, wuxuu ahaa siyaasi qunyar socod ah oo akhlaaqbadan iyo dhawrsanaan lagu majeerto, waxayna dad badani ku tilmaami jireen siyaasigii ugu akhlaaqda wanaagsanaa ee soo gala saaxada siyaasada Somaliland labaatankii sandood ee u danbeeyay, isagoo marxuumku soo qabtay xilalka wasiir dawle  iyo wasiir xiligii xukuumaddii Daahir Rayaale. Marxuum   Aadan Mire Waqaf oo mudo dhawr sanandood ahaa wasiirka gaashaandhiga Somaliland, April 2007, ayaa laga qaaday xilka kadib markii uu hawlagal ciidamada Somaliland ku tageen xadka dhinaca bari ee duleedka Boosaaso, taas oo keentay khilaaf dhexmaray isaga iyo Madaxweynihii waqtigaa Daahir Rayaale Kaahin  oo xilka ka qaaday isagoo wasiirku waqtigaa ku sugnaa jiida hiore ee dagaalka, balse xilka qaadista loo mariyay idaacada BBC-da
Mudo kadib ayuu Marxuumku ku biiray axsaabta mucaaridka, isagoo Gudoomiye xigeen ka noqday xisbiga mucaaridka UCID, wuxuuna xilkaa  hayay 2007 ilaa 2011,  oo uu ahaa gudoomiye xigeenka UCID, balse markii khilaaf weyni badhtamihii 2011, soo kala dhexgalay xisbigaa iyo hogaankiisa, wuxuu hogaamiye u nqoday garab, iyadoo garabka kalena uu gudoomye Faysal cali Waraabe, taas oo keentay inay maxkamadda isla galaan labadaa garab, balse Maxkamadda sare u xukuntay garabkii faysal.
Hase yeeshee garabka uu hogaaminayay marxuum Aadaan Waqaf, ayaa ku dhawaaqay  Urur siyaasadeed cusub oo loo bixiyay Wadani Oct,5 2011, kaas oo uu  hogaaminayay Gudoomiyaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Cirro oo ay marxuumka saaxiibo ahaayeen. Laakiin marxuum Waqaf  ayaa  saxaafada u qaybiyay  6 Oct, 2011,qoraal  uu ku sheegayo inaanu ka mid ahayn kooxdii  ay UCID, kasoo wada baxeen Ururka ay ku dhawaaqayaan oo uu sheegay inuu si weyn uga biyo diiday.
Marxuum Waqaf wixii mudadaa ka danbeeyay laguma arag fagaarayaasha siyaasada, isagoo bilihii u danbeeyay xanuunsanayay.ilaaahay ha u naxariistee janno ha ka warabiyee, waxaa  xaalad caafimaad ugu maqnaa waddanka Malaysia, halkaas oo uu ku geeriyooday.
Innaa Lillaahi wa innaa ilayhi Raajicuun.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *