Hadii aad Dadkaygoow
Sida ul iyo diirkeed Isku duubantiin
Abid Hadii aad dilaalkiyo

Warka diradiraalaha Dalawyada ka tuurtaan
Daadays ma maraysaan Iyo meel daloolee
Dawlad iyo daweynoow Diiradaa indhaha iyo
Daymada ku fiirshoo, Ruuxii duraayee
Amnigeenan dumin raba, Doc ka wada ahaadoo
Dabarkuu xidhaayiyo Dabinkiisa siiboo
Intaad laba dibleysaan Deelqaaf ma noqotee
Daw weeye gar ah ee u daruura Gaashaan
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Maalmahan oo lagu jiro dabayaaqadii Bisha January ee sanadkan 2011ka ayay ku beegantahay Labaatan guuradii kasoo wareegtay markii dalkeena hooyo laga sifeeyay Xukuumadii Maxamed Siyaad Barre uu hormuudka ka ahaa ee ay xoogagii xaq u dirirka ahaa ee SNM ay gacanta ku dhigeen goboladii waqooyi dabayaaqadii Bishii January ee sanadkii 1991kii. Waxay ahayd maalmahan oo kale in bulshada Somaliland ay dib u milicsato xaalada ay ku sugnaayeen dadweynaheenu labaatan sanadood ka hor, waxay ahayd in goob kasta laga xuso taariikhdii maalmahaas oo ay ku jirto sidii ururka SNM uu ugu guulaystay inuu gayiga Somaliland ka badbaadiyay in lagu kala aarsado, run ahaan waxay ahayd in dadweynaheenu ay is barbar dhigaan halka aynu taagneyn Labaatan sanadood ka hor iyo halka aynu maanta taaganahay, loona hawl galo sidii aynu usii wadi lahayn horumarka uu dalkeenu ku talaabsaday labaatankii sanadood ee lasoo dhaafay. Waxay ahayd in Allah aynu ugu mahadnaqno guulaha aynu gaadhanay, kuna faro adaygno in aanay dalkeena dib usoo marin taariikhihii madoobaa ee Nabadgelyo darrada, Dagaalada, iyo Dawlad la’aantu.

Marka aan hoos ugu soo daadego dulucda maqaalkan waxay ahayd 27kii Bishii July markii xilka Madaxweynanimo loo dhaariyay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ka dib markii uu cod aad u balaadhan kaga guulaystay labadii murashax ee ka socday Xisbiyada UDUB iyo UCID, waxaana markiiba uu Madaxweynuhu soo dhisay dawlad ka koobnayd Labaatan wasiir iyo Lix wasiir ku xigeen, xukuumadaas oo ka tiro yarayd kana tayo fiicnayd marka la barbar dhigo Xukuumadii uu hogaaminayay Madaxweyne Dahir Rayaale Kaahin oo ahaa qaar tiro badan aadna u tayo darraa oo bulshada reer Somaliland badankoodu ay u arkayeen kuwo aan kasoo bixin hawlihii qaran ee loo igmaday, waxaana inta badan lagu tilmaami jiray masuuliyiinta xukuumadii hore qaar musuqmaasuq iyo wax qabad la\’aan ku caan baxay, waana sababta keentay in ay guul darro weyn kala kulmaan doorashadii dalkeena ka dhacday. Mudada kooban ee Xukuumada Somaliland ee uu Hormuudka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamuud Siilaanyo waxa ay qabteen hawlo baaxad leh oo lagu diirsaday, kuwaaso aynu ka xusi karno qodobadan;

Dhinaca Maaliyada:  Waxay wax ka qabteen dhinaca Maaliyada iyaga oo ku guulaystay inay camiraan qasnadii haawaneysay ee ay kala wareegeen Xukuumadii hore, waxay bixiyeen Mushahaarooyinkii Ciidamada iyo Shaqaalaha dawlada oo muddo dheer aan la siin, waxaa kale oo ay dardar galiyeen soo xaraynta dakhliga, waxaana dhawaan la 100% la kordhiyay Mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada iyada oo sidoo kale la joojiyay lacagtii laga qaadi jiray ardayda dugsiyada, taasoo culays weyn ku haysay dadweynaha danyarta ah ee Somaliland, waxaa kale oo la saadaalinayaa in miisaaniyadan cusub ee ay wasaarada maaliyadu soo bandhigi doonto maalmahan aynu ku jirnaa ay ka badan doonto tii dawaladii hore.

Dhinaca Caafimaadka: Wasaarada Caafimaadka ayaa iyaduna mudada kooban ee ay Xukuumadan cusubi talada dalka haysay waxay ku talaabsatay horumar yaab leh oo yididiilo galiyay bulshada reer Somaliland, waxay wasaaradu si wanaagsan ula shaqaysay ha\’ayadaha deeqda bixiya kuwaasoo oo kafaalo qaatay inay gacanta ku qabtaan oo ay bixiyaan daawooyinka iyo mushahaarooyinka shaqaalaha caafimaadka muddo saddex sanadood ah, taasoo wax weyn ka tari doonta baahida caafimaad ee dalkeena, waxaa kale oo wasaaradu siyaasad cad u dejisay Farmasiiyada gaarka loo leeyahay oo la amrray inaanay dalka soo galin daawooyin aan la baadhin, taasoo umadda dhib xoog leh ku haysay, waxaa kale oo wasaaradu ay dib u hawl galisay waxna ka qabatay Cisbitaalada Bariga dalkeena sida ka Ceergaabo oo hawl gab ahaa.

Gegooyinka Diyaaradaha: Waxaa xukuumadu ay si balaadhan wax uga qabatay garoomada diyaarada ee dalkeena iyada oo sidoo kale la furay garoomo xidhnaa oo ay ka mid ahaayeen garoomada Burco, Boorama iyo Ceerigaabo, sidoo kale waxaa xukuumadu ay ku guulaystay inay hesho deeq aad u balaadhan oo dib loogu casriyayn doono garoomada diyaaradaha ee Hargeisa iyo Berbera.
Xidhiidhka Debada iyo Maalgashiga: Waxaa xukuumadu ay ku guulaystay inay sii hagaajiso xidhiidhkii aynu la lahayn wadamada jaarka ah, iyada oo sidoo kale ay dalkeena kusoo fool leeyihiin shirkado waaweyn oo maal gashi ku samayn doonaa dalkeena, shirkadahaas oo ay ku jiraan qaar dhawaan dalkeena ka bilaabi doona baadhista shidaalka iyo gaasta kala duwan iyada oo kumanaan qof ay shaqooyin ka heli doonaan.

Iyada oo maqaal qudha aynaan ku soo koobi karin Waxqabadka dawlada cusubi ay ku talaabsatay mudada yar ee ay jirtay ayaa waxaa iyana dhinaca kale barbar socota khaladaad ka dhacay xukuumadu mudada ay jirtay, taasi oo badankeeda lagu micnayn karo waayo aragnimo la\’aan dhinaca maamulka ah taasoo keentay in masuuliyiinta qaarkood ay ku kaceen, iyada oo sidoo kale ay isa soo tarayeen maalinba maalinta ka danbaysa muranka iyo khilaafka dhex marayay masuuliyiinta xukuumada ku wada jira gudahooda.

Dagaalka ka dhex qarxay Saxaafada iyo Xukuumada

Iyada oo Dastuurka dalkeenu uu kafaalo qaatay in ay xorriyad buuxda ku naalooto saxaafadeenu, isla markaasna aan shaki ku jirin in saxaafada Somaliland ay tahay ta ugu madaxa banaan saxaafada ka jirta wadamada geeska Afrika, ayaa hadana waxaa muuqda in markasta ay soo baxaan tacadiyo joogto ah oo ay xukuumadihii kala danbeeyay ee dalkeena soo maray ay kula kacayeen hawl wadeenada saxaafada.  Iyada oo dhinaca kale Madax banaanida saxaafada aanay macnaheedu ahayn aflagaado iyo been abuur aan jirin oo lagula kaco muwaadiniinta Somaliland hadii uu xil hayo iyo hadii aanuu haynba, loona baahan yahay in saaxafada dalkeenu ay noqoto mid wax toosisa oo soo bandhigta warar iyo warbixino ku salaysan xaqiiq oo si madax banaan u baahi tira bulshadeena ayaa waxaa lagama maarmaan ah in Xukuumadu ay ka fogaato wax kasta oo isku day ah oo lagu cabudhinayo saxaafada dalkeena, waxaana looga baahan yahay in saxaafada lagu dhaqo xeerarka caalamiga ee u degsan saxaafada kaasoo ka duwan xeerarkan qarqoosh ee lagu qaaday tafatiraha wargeyska Waaheen mudane Maxamuud Cabdi Xaashi (XUUTO). Xukuumada Somaliland waxaa looga baahan yahay inay ogaato inaanay guul ka gaadhi karin dagaalka ay la gasho saxaafada, waxaana haboon inay ka fogaato wixii keeni kara isku dhac dhex mara warbaahinta madaxa banaan iyo xukuumada, iyada oo sidoo kalana loo baahan yahay in xukuumadu ay dardar geliso warbaahinteeda fadhiidka ah oo ay bulshada usoo ban dhigto waxqabadkooda
Ugu danbayn waxaa muuqata in cadawga Somaliland uu ka faaiidaysanayo muranka aan macnaha badan lahayn ee u dhexeeya Warbaahinta madaxa banaan iyo xukuumada Somaliland, iyada oo ay jiraan awoodo qarsoon oo doonaya inay shiikhiyaan oo ay bakhtiiyaan laamabadii rajada ee kasoo iftiimaysay dalkeena hooyo, waxaana loo baahan yahay in gacmaha la is qabsao loona midoobo danta qaranka, isla markaasna waxaa waajib ah in fursad la siiyo xukuumada Somaliland oo mudadii yarayd ee ay jirtay dalkeena ka qabatay horumar lagu diirsado, wixii khalad ah ee ay ku kacdo xukuumaduna waxaa waajib ah in dariiqa ugu haboon loo maro iyada oo laga fogaanayo in waxyeello loo geysto Nabadgelyada, Wadajirka iyo Horumarinta Dalkeena Qaaliga ah.

Kaysar Cabdilaahi
Bristol. UK
kaysar@europe.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *