Hargeysa (ANN) munaasibad abaalmarino lagu gudoonsiinaayo oradyahanadii kaalmaha hore ka galay tartankii nus maaratoonka, ayaa lagu qabtay huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo isla munaasibadaas lagaga xulay saddexda oradyahan ee ka qaybgeli doona tartanka

 

orodka 21Km ee dalka Jabuuti ka dhici doona horaanta bisha March ee sannadkan.

Munaasibadaas waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaaha, Agaasimaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Guddoomiyaha Olympic-ga, maamulka ciyaaraha fudud, madaxa samafalka madaxtooyada, guddoomiyayaasha ururrada SONYO, ODHA iyo dhallinyaro tiro badan.
Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Md. Maxamuud Ibraahim Madar oo furitaankii madashaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahad-naqay ururka ODHA oo isaga maalgaliyey, waxaannu wasiirku u hambalyeeyey oradyahanada ku goosha ka soo hooyey tartankii 21Km. waxa uu sheegay in ay dhiirigelinayaan, isla markaana ay kaalintooda ka qaadan doonaan.
Waxa uu intaa ku daray Md. Maxamuud Ibraahim Madar in ay saddexda ugu horreeya ee kaalimaha ugu horreeya ku guulaystay ay uga qaybqaadan doonaan dalka oradka ka dhacaya dalka Jabuuti.
Waxa sidoo kale sheegay Wasiirka Ciyaaruhu in ay soo dhawaynayaan cid kasta oo ka qaybqaadanaysa kobcinta iyo kor-u-qaadida dhallinyarada iyo ciyaaraha.

 

Marwo Faaduumo Siciid oo ah Guddoomiyaha ururka waddaniga ah ee ODHA oo isagu maalgeliyey tartankan, ayaa iyagu si qoto dheer uga warrantay habsami u socodkii tartanka, waxaanay sheegtay in wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaruhu ay wax kala qabatay dhiirigelinta tartanka.
Marwo Faadumo Siciid, waxay hambalyeysay oradyahanadii kaalmaha hore ka galay tartankan, waxaanay u ballan-qaaday in ay wixii karaankeeda ah ka qaybqaadan doonto dhinaca tobabarada, iyadoo xustay in tartanka ay ciyaaryahanadu kaga qaybgalayaan oradka ka dhici doona Jabuuti uu yahay mid kor-u-qaadaya qaadiyada gooni isu taiga Somaliland, haddii lagu garabgalo.
Waxaa ay si weyn uga dayrisay Faadumo Siciid xaalada garoonka Tima-cadde oo ay qabyo weyni ka muuqato, waxaanay ugu baaqday xukuumadda iyo ganacsatadaba qabyo tirka garoonkaasi.
Xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho oo ka tirsan xildhibaannada Golaha Guurtida, ayaa saluug ka muujiyey guriga ay xidhiidhka ciyaaruhu ay ku jiraan oo kiro ah, xukuumaddana ugu baaqay in ay
Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka u dhisto guri ku filan.
Waxa iyaduna halkaa ka hadashay madaxa samafalka madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye oo iyadu ballan-qaaday in ay ka qaybqaadan doonto dayactirka garoonka Tima-cadde.
Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay guddoomiyaha ururka dhallinyarada ee SONYO oo isagu u hambalyeeyey dhallinyarada ka qaybqaadatay tartankaas iyo guddoomiye-ku-xigeenka xidhiidh ciyaaraha fudud oo isagu ka warramay marxaladihii uu soo maray tartankaasi, isaga oo tilmaamay in ay oradyahanadan soo baxay ay la tartami karaan oradyahanada kale ee Geeska Afrika.
Ugu dambayntii Guddoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud, ayaa shahaado-sharaf gudoonsiiyey Guddoomiyaha ururka ODHA marwo Faadumo Siciid.
Waxa iyaduna madashaasi abaalmarino lacageed lagu gudoonsiiyey 10-kii oradyahan ee u horreeyey tartanka oradkaas oo sidan u kala helay abaalmarinahaas;
1.  Maxamed Maxamuud Maxamed $1000
2.  Jimcaale Axmed Jibriil $600
3.  Cabdillaahi Muuse Shaqale $400
4.  Maxamed Xasan Nageeye $300
5.  Maxamed Cilmi Beegsi $200
6.  Saleebaan Faarax Xasan $150
7.  Sakariye Maxamed Cilmi $130
8.  Maxamed Xasan $120
9.  Cabdiraxmaan Dayib $110
10.  Cabdiwahaab Ibraahim $100

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *