Hargeysa(ANN)Munaasibad lagu soo bandhigay Buuga loogu magacdaray Geed ku yaala meel ka tirsan deegaanka gudaha Kililka Shanaad ee ismaamulka Ethiopia oo  dhinaca Hawdka Koonfureed kaga  beegan Magaalada Hargeysa oo loo  bixiyay magaca Geedka-Weerane (The Mourning Three).

 

 

Buugaa oo uu qoray Aqoonahaynka weyn Muj. Maxamed Baaruud Cali oo ka mid ahaa hormoodkii aqoonyahankii aasaasay kooxdii dhalinayarii UFO oo ay talaiskii dawladii Maxamed Siyaad Barre xabsiga u taxaabeen horaantii sideetanaadkii, iyadoo Qoraaga buugan Maxamed Baaruud Cali lagu xukumay xabsi daa’in, ama madaxaa ha ku furto, halka xubnihii kale eel ala xidhay lagu xukumay xabsiyo kala duwan.

Munaasibada lagu daah furay buugaa oo lagu qabtay shalay Hotelka Summertime ee magaalada Hargeysa ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, waxaana kasoo qayb galay Qoraaga buuga Muj. Maxamed Baaruud Cali, Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan, Agaasimaha Waaxda dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanyaqaan Muuse Cali Faruur, Aqoonyahano, iyo wariyalyaal ka tirsan qaybaha kala duwan ee Warbaahinta Somaliland.

Furitaankii munaasibadaa waxa ka hadlay Qoraaga buuga Muj. Maxamed Baaruud Cali,  isaga oo sharaxaad ka bixyey waxyaabaha uu buugaasi ka hadlayo iyo arimihii ku dhaliyey in uu qoro buugani, isaga oo arimahaasi faafaahin ka bixinayana waxa uu yidhi,  “ buugani waxa aan kaga hadlayaa wakhtigii aan ku jirnay xabsigii labaatan jirow, waxana aan kaga  waramayaa ilaa sagaal sannadood oo aan ku qaatay xabsigaa iyo marxaladihii aan soo marnay, waxaana aniga iyo dhalinyaro badan oo aan ka mid ahaa nalagu xidhay. Anagoo  ka shaqaynaynay  cisibtaalka Hargeysa, waana 1981dii, waxa la yidhi,  shaqaalihii cisbitaalka ayaa waxa loo waayey mushahar oo dabadeedna shaqadii ayey joojiyeen, taas oo keentay inuu  cibitaalkiina uro oo dadkii bukaanka ahaa waayaan adeeg iyo nadaafad. Markaa ka dib  waxaa nagu  dhalatay in aanu arintaa waxa ka qabano, anaga oo dhalinyaro badan ah ayaa isa soo urursanay, waa dhalinyaradii UFO, waxa aanu nadiifinay cisbitaalkii, dabadeedna waxa nalagu qabsaday maxaa cisbitaalka u nadiifiseen? oo taliskii macangaga ahaa ee Siyaad Barre ayaa  waqtigaa jeelka anu guray. Sidaa ayaana nalagu xidhay.”

Qoraaga buuga taariikhiga ah ee ka waramaya dhacdooyinkaa xiligii halganka, waxa uu yidhi,   “ waxa dabadeedna naloo gudbiyey jeelkii la labaatan jirow, halkaas ayaanu mudo aad u badan ku qaadanay, waxa uu nuxurku buugu ku saabsan yahay marxaladihii aan wakhtigaas jeelka ku qaadanay iyo arimihi ugu darnaa ee nala soo gudboonaaday.”

Muj. Maxamed Baaruud oo munaasibada lagu soo bandhigay Buugaa waxa laga weydiiyey, waxa ka mid ahaa su’aalaha la weydiiyay waxa ka jira sheekada xadhigoodii xiligaa lala xidhiidhiyo in Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka Somaliland ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe oo lagu eedeeyo inuu lug ku lahaa xadhigii loo gaysatay dhaliyaradii kooxdaa  UFO iyo isagu waxa uu ka ogyahay qaraagu, wuxuuna isagoo taa ka jawaabaya  yidhi, “ waxa aa anigu arintaas ka ogaa waxa barigaa loo haysatay dil dabadeena Maxamed Xaashi Gaani oo haystay woqooyi ayaa ku yidhi,  waxaad i bartaa dhalinyarada reer Hargeysa aan ku sii daayee, dabadeeda faysal sidii ayaa lagu sii daayey, isna waxa uu Gaani baray laba nin kuwaas ayaa iyagun dhalinyaro badan u qor qoray Gaani.”

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in wax la qoraa sidaa oo kale ay bulshadu akhrido waxa yaabaha qoran ee taariikhiga ah.

Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo shucuurtiisa  ay ka muuqatay qiiro. Kadib waxyaabihii uu ka sheekeeyay qoraaga buugu ayaa  ka hadlay sida  aan mihiimada loo siin dadkii dalkan u soo halgamay ee dhibaatada badan u soo maray isagoo yidhi,  “ dalkan waxa ka socada cuqubo, waxana lagu cuqubaysan yahay dadkii dalkan u soo hagamay waa layska ilaabay, oo kuwii shahiiday agoomahoodii cidi ma oga, haddii aan arintaas wax laga badalina waxa inoo hagaagimaayaan, oo cid dambe halgan u galimayso.”

Sidoo kale waxa  isaguna munaasibadaa  ka hadlay Agaasimaha Waaxda dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi galinta Somaliland Muuse Cali Faruur oo ah  Dhaqanyaqaan, wuxuuna ku dheeraaday muhiimada ay leedahay inay dadku Ilaashadaan taariikhdooda, waxa kale oo uu Muuse ku dheeraaday inay  lagama maarmaan tahay inay dadku wax akhriska sare u qaadaan oo ay taariikhdooda bartaan.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *