Hargeysa (ANN)Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa maanta maamul cusub u magacaabay Gobolka Togdheer.  Sidoo kalena  magacaabay Wakiilka xisbiga UCID ee gobolada Bariga, sidaana waxa  lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray Ku xigeenka Xoghayaha difaaca iyo arrimaha Gudaha ee

xisbigaa  Xuseen Xasan Badmaax.  Qoraalka magcaabista ayaa u dhignaa sidan:-

“Ka dib markaanu eegnay xeerka xisbiga UCID , kaas oo dhigaya in la buuxiyo xubnaha lagu badelay wareegtadii 31 January 2011 ee xilka lagaga joojiyey dhamaan Gudoomiyayaasha Gogolada ee Xisbiga UCID. Ka dib markaanu wada tashi la yeelanay xubnaha Golaha Dhexe iyo Xubnaha Xisbiga ee Gobolka Togdheer waxaanu isla qaadanay in gudi cusub, loo magacaabo gobolka taasoo ku salaysan dib u habaynti mamuulka Gobolka Togdheer ee xisbiga UCID.
Waxa uu xisbigu go’aamiyey in dhamaan qalabkii, agabkii iyo gadhiga numberkisu yahay No: 22283 in lagu wareejiyo Gudoomiyaha cusub ee gobolkaa Togdheer ee xisbiga UCID
1. Gudoomiye: Cismaan Ismaaciil Yuusuf
Waxanu uu magacawnay gudida Gobolka Togdheer ee xisbiga UCID xubnahan hoos ku qoran
2. Maxamed Guddi Maxamed wakiilka Gobolada bariga ee Xisbiga UCID
3. Cismaan Ismaciil Yuusuf Gudoomiyaha Gobolka Togdheer
4. Khadar Maxamed Xirsi Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer
5. Xasan Maxamed Yaasiin (af duub) Xoghayaha Gobolka Togdheer
Waxaanu dhamaan Gobolada bariga ogaysiinayna in ay hoos imanayaan wakilka xisbiga ee Gobalada bariga (Togdheer, Sanaag iyo Sool).
Sidaas awgeed, Waxaanu mar labaad si sharaf iyo xushmad leh idinka codsnayna in aydun u fududaysan Gudoomiyah iyo Gudida kor ku xusan hawlahooda shaqo.” Ayaa lagu yidhi qoraalkaa magcaabista.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *