Maqaalkeenii hore waxaynu kaga soo hadalnay ama kusoo aragnay kuna hogo-tusaalaynay sidii lacagta electorooniga ah adduunka uga bilaamatay, dhibaatooyinka ay ku keentay, siday ku soogaadhay Africa iyo waliba cida kaantarooli jirtay. Hadaba waxaynu maqaaladan

taxanaha ah ku soo qaadan doonaa inagoo mid mid u eegi doona kuna samaynayna baadhitaano badan waxaynu la soconaa in lacagta electorooniga ah lagu isticmaalo ama la isku dhafsado isgaadhsiinta nooca Mobile-ka gacanta lagu qaato, kaas oo ay bulshadu wax ku kala iibsato kuna fushato hawlaheeda kala duwan . iyagoo kaga maar-maya lacagaha cad ee dalalkaas.

Hadaba sidaynu hore ba u soo sheegnay inay caalamka ugu soo horaysay wadamada ku yaala barriga Europe . kuwaas oo iyagoo tignoolajiyada casriga ah la talaabsanaya ay samaysteen mashruucan lacagta lagu qaadanayo Mobile-ka, sidoo kalena waxa gacanta ku haynayey dawladaha dalalkaas .

waxaana ka masuul ahaa baananka dhexe ee wadamadaasi leeyihiin waxa la socon jirtay guddi madax banaan oo dabagasha lacagahaas lagu shubanayo Mobilka iyagoo la soconaya numberka la gelinayo adeegan Electronic-ga ah si kasta oo ay u adkeeyeen ilaalintiisa waxaan indhaha laga lalin karin in ay muddo ka dib ay joojiyeen caqabado ka horyimid awgood una hayaameen hab kale oo loo yaqaano Credit card oo hada caalam ku isticmaalo..ka dib markay dhibaatooyin dhaqaale ka dhaxleen, waxaana la sheegay ama qoraalada laga sameeyey ay tilmaamayaan in burbur dhaqaale uu ka abuuray adeega lacagta Mobile-ka lagu qaato.Lacagtan Electronic-ga ah waxa ka faa’iiday oo kaliya shirkadihii hindisay oo horena uga shaqayn jiray iibka hubka, khubaro ku xeel dheer dhaqaaluhu waxay u sheegeen wadamadii uu dhaqaalahoodii burburiyay in adeegani uu horsed u yahay baaxaa degga dhaqaalaha.

By Nimcaan Axmed Dagaal
Hargeysa/Somaliland

La Soco………..

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *