Warbixin: by Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland

Hargeysa(ANN)Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti uu hogaaminaayo Mr. Sikander Khan, oo ah u qaybsamaha Arrimaha Somaliland iyo Somaliya ee

Hay’adda UNICEF.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulankaa ka dib xafiiska madtooyada Weftigani waxa ay madaxweyne ku xigeenka xog-waran ka siiyeen ujeedada socdaalkooda ee ay ku yimaadeen Somaliland,  taas oo ay ku sheegeen inay Somaliland ka hirgelin-donaan Mashaariic wax ku ool ah oo waxka tari doona dhinacyada kala duwan ee horumarka bulshada,
Mr. Sikander Khan waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in ay mashaariicaha horumarineed ee ay ka hirgelin-donaan Somaliland ay ugu horayso, dhismihii ugu weynaa ee abid laga hirgeliyo Guud ahaan Afrika, kaas oo ay fursada u heshay in laga yagleelo Somaliland oo ah qaran curdin ah, nabad, & xasilooni buuxdana  ka jirto iyo Dawlad buuxisay Shuruudaha dawladnimo lagu noqon karo, kaas oo ka soo ifbaxaya  Afrika.
U qaybsamaha Arrimaha Somaliland iyo Somaliya ee Hay’adda UNICEF, Mr. Sikander Khan, waxa uu Somaliland uga mahad-naqay sidii balaadhnayd ee loogu soo dhaweeyey Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeisa, waxaanu xusay in shacab iyo xukuumadba ay lama huraan tahay in ay sii laban laaban dedaalka ay ugu jiraan ka midho dhalinta nabad-gelyada, horumarka iyo wax-wada qabsiga ay muujiyeen.
Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sidoo kale lagu sheegay qoraalkaa inuu wax ka iftiimiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland taasi oo uu xusay in Xukuumada Somaliland oo kaashanaysa shacbigeeda, ay ka soo gudbeen Carqalado badan oo ka soo wajahay dhinacyada nabad-gelyada, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada.
Sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenku uga xog-waramay Weftiga, dimuquraadiyada ka hana qaaday Somaliland oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid ku timid rabitaanka shacbiga, waxaanu ku amaanay Hay’adda UNICEF dedaalka ay u gashay in ay Somaliland ka hirgeliso dhismihii ugu balaadhnaa ee ay ku yeelato Afrika oo dhawaan la dhagax dhigi doono lagana bilaabi doono dhsimihiisa Hargeysa.
Ugu danbayn madaxweyne ku xigeenka JSL, waxa uu Hay’addaha kale ee ka hawl-gala dalka u soo jeediyey in ay ku daydaan Hay’adda UNICEF oo ay ku dhiiradaan inay Somaliland ka dhigtaan saldhigooda koowaad ee Afrika.

Dhanaca  kale waxa kulankaa Madaxweyne ku xigeenka  iyo Wefdiga UNICEF waxa ku weheliyay
1.     Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta, Dr Sacad Cali Shire
2.     Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Cismaan Garaad Soofe
3.     Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Debeda, mudane, Maxamed raage Ibraahim
Dhinaca Weftiga
1.     Mr. Sikander Khan,
2.     Mr Pteter Mason
3.     Ettie Higgins

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *