-
Published On: Mon, Apr 4th, 2011

Maamulaha Guud ee Dahabshiil Oo Ka Faah-faahiyey Doorka Xawaaladuhu Kaga Jiraan Dhaqaallaha

Smiley face
Share This
Tags

Hargeysa(ANN) Maamulaha Guud ee ee Shirkadda Dahabshiil, Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa dhawaan shir caalami ah oo lagaga hadlayey horumarinta dhaqaalaha iyo shirkadaha ee waddamada Afrika kaga qeybgalay magaalad London, iyada oo shirkaddu ahayd tan keliya ee Soomaali ah.
Waraysi BBC’da laanteeda Afsoomaaliga ay la yeelatay Abdirashiid Dahabshiil, ayaa waxa uu kaga jawaabay su’aalahan:
S: Cabdirashiid ugu horreyn waxaad warbixin kooban naga siisaa ujeedada safarkaagan London?
J: Waxa na martiqaaday dawlado waaweyn oo Yurub ku yaala ay ka mid yihiin Ingiriiska, iyo Maraykanka, waxa kaloo la martiqaaday bangiyada dhexe ee wadamo badan oo Afrika ah, marka laga bilaabo Nigeria, Uganda, iyo wadamo badan oo geeska Afrika ah. Shirku runtii, shir caalami ah ayuu ahaa oo loogu talogalay in la fahmo lacagaha dadku ay diraan, dadka ajanabiga ah ee wadamadan degan ee Afrika u dira iyo kuwa Afrika gudaheedaba isaga dira.
S: Markaa yaa ka soo qeybgalay, ma jiraan shirkado kale oo Somaali ah ama Afrika ka tiran oo shirka ka soo qeybgalay?
J: Runtii shirkadaha ka soo qeybqaatay waxa u waaweynaa bangiyo waaweyn sida Citibank, xaga shirkadaha xawaaladaha, shirkada Dahabshiil ayey ahayd xaqiiqdii shirkadii ka hadashay, ee lagu marti qaaday, markaa annagu markii aanu ka hadlaynay waxaan culayska saarnay muhiimada ay lacagtani u leedahay Afrika, maadaama aanu ilaa 144 dal ka shaqeyno oo aduunka ku yaala, sida ay muhiimada ugu leedahay dadka saboolka ah iyo kuwa kale ee ganacsatada ah, marka laga eego dhinacyo badan, iyo qaaradda Afrika maadaama aanu nahay shirkadda ugu weyn ee xawaaladda ee ka shaqaysa Afrika.
Dawladahaasi waxay runtii aad u xiisaynayeen shirkada Dahabshiil inay maqlaan waaya-aragnimada uu u leeyahay iyo diritaanka lacagaha iyo waxii talo ah ee uu arrinkan ka leeyahay, marka la barbar dhigo caalamka intiisa kale, taasoo runtii aanu u sharaxnay, maadaama aanu samaynnay bangi, shaqada xawaaladaha lacaguhuna meelo badan aduunka ka shaqeyso, iyo shirkada isgaadhsiinta ee iyaduna dhulka Soomalida qeybo badan ka jirta. Markaa runtii fursad bay noo ahayd inaan fulino muhiimadaas, aadna way u fahmeen.
S: Marka laga soo tago waaya-aragnimadiina iyo sharaxaadaas aad idinku ku biiriseen, maxaad ka korodhsateen shirkaas aad sheegtay in hay’ado calami ah ka qeybgaleen horumarinta dhinaca dhaqaalaha Afrika iyo shirkadaha, idinka maxaa idiin kaga baxay?
J: Annaga wax nooga baxay, horta, marka u horeysa in caalamku ay aad u xiisaynayaan waxyaalaha shaqooyinka baananka la xidhiidha, oo ay leeyahiin Afrika waa meelaha horumarku ka iman karo, isla markaana dawladaha Afrika ku yaala ay ka codsadeen inay sharciyada shirkadahaa loo fududeeyo, in cashuurta loo fududeeyo, maadama lacagtan dibedda ka imanaysa ay horumarkii wadanka gelayso, oo ay cid walba gurigeeda ku gaadhayso, dabcan tiknoolijiyadan casriga ee la isticmaalayo ama ha noqoto in lacagtii degdeg u gaadho, inay horumar iyo dhaqaalahii wadamadaa soo koraya ay arrintani qeyb ka qaadanayso, oo wadamadaa runtii Yurub iyo Maraykanku ay xiisaynayaan in wadamada Afrika ay arrinta fududeeyaan. Sidaad la socotid wadamada Afrika sharciyo kala duwan ayey leeyahiin, oo wadanka aad tagtidba, wadanka kale sharci ka duwan ayuu leeyahay, halka Yurub oo kale sharci keliya ay samaysatay, taasoo runtii fursad siinaysa in shirkadaha aanu ka midka nahay inay si fudud uga shaqeeyaan, oo ay lacagta u soo gaadhsiiyaa dadka u baahan ee Afrika ku nool.
S: Maadaama aad sheegtay in sharciyo kala duwan ay ka jiraan wadamada gaar ahaan Afrika, Soomaaliya oo kale oo burbur iyo dhibaato ka jirto oo meelaha qaarkood aanu sharci ka jirin, sida aad uga shaqeysaan ma laga hadlay caqabadaha ka hor iman kara hay’adaha ama shirkadaha kale ku hawlan hawshan?
J: Runtii sida aad u sheegtay, dhibaatooyin way ka jirtaa dhulka Soomaalida qeybo ka mid ah, annagu runtii waxaan sheegnay wanaaga ay u qabtaan shirkadahani, oo shirkadahu runtii cid waliba way ka ganacsataa oo Soomaliyeed, cid waliba way u shaqeeyaan, qabiil waliba wuu u shaqeeyaa, dabcan waxaan odhan karaa tilmaan fiican bay shirkadaha lacagaha ka shaqeeyaa u yihiin dhul badan oo Soomaalidu degto, maxaa yeelay cid walba way u adeegayaan, qabiil walba way u adeegayaan, baayacmushtarigii ayey dadka gaadhsiiyeen, xaqiiq shirkadahaasi haddii aanay jirin meelo badan gaajaa loogu bakhtiyi lahaa, markaa dawladihii ka soo qeyb qaatay shirku arrintaa aad bay u fahmeen, weliba iyagoo u arka Soomaalida caalamka maanta ku nool ee amaanta ku leh inay ganacsadaan oo shaqeystaan ay u arkaan inay Afrikada kale wax ka baran karaan, oo tusaale ay u noqon karaan, maxaa yeelay runtii qaar badan immika ayey shaqooyinkan baranayaan, halka Soomaalidu immika hawshan labaatankii sanno ee ugu danbaysay heer sare ka gaadheen. Waadiga arkay maanta London iyo Maraykan waxaad ku arkaysaa intaas oo dukaan oo Soomaaliyeed oo runtii shaqada ay u qabanayaan ummada Soomaaliyeed iyo wadamada Afrikaanka kaleba, tusaale annaga haatan wadamo badan oo Sudan, Nothern Sudan, Rwanda, Koonfur Afrika, markii ay arkeen sida Soomaalida shaqadeedu u wanaagsan tahay ayey noo yimaadaan oo adeega aanu hayno u isticmaalaan , runtii taasoo amaan u ah dadka Soomaliyeed ee shirkada Dahabshiil u shaqeeya, iyo kuw kale nala midka ahba.
Runtii dabcan, waxa kaloo sharaf ii ah in jaamacad Finland ku taala ay shirkada Dahabshiil martiqaaday iyadoo doonaysa in arday jaamacada ganacsiga ka barta ay sida ganacsiga Soomaalidu u shaqeeyaan iyo guud ahaan shirkada Dahabshiil oo 144 waddan ka shaqeysa wixii ay ka baran karaan, taasoo aan odhan karo waa markii ugu horeysay ee jaamacad ku taala Yurub ay baayac-mushtariga Soomaalida qaar ka mid ah ay martiqaadaan, oo aan odhan karo waa u guul cid walba”

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>