Hargeysa(ANN)Xisbiga Kulmiye ee Talada haya,  ayaa  soo bandhigay musharaxii ugu miisaanka cuslaa ee soo gala saaxada munaasibadaha musharaxiinta u tartamaya doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Hargeysa. munaasibad si balaadhan loo agaasimay oo
ayaa lagaga dhawaaqay  musharaxnimada  golaha deegaanka ee xibiga Kulmiye ,  C/raxmaan Cali Giirre oo ka mid ahaa macalimiintii dib u bilawday  Dugsiyada waxbarashada markii dalka lagu soo laabtay 1991-kii. Munaaasibada lagaga dhawaaqay  wax weyn musharaxnimada C/raxmaan Cali Giire oo ahayd tii ugu shacbiyada iyo taareeda badanayd munaasibadaha Murashaxiinta Golaha Deegaanka Hargeysa uga tartami doona xisbiga Kulmiye iyo ururada kaleba oo maalmahan xafladohoodu ka socdeen dalka.
Munaasibadaa oo ahyd mid weyn si weyn  loo soo agaasimey, ayaa shalay lagu qabtay  Huteeelka Kaasalooma ee Magaalada Hargeysa, waxaana  ka qayb galay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye  Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye ku Xigeenka  Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, Xog-hayaha Xisbigaasi Xasan Siciid Yuusuf, Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland Muxumed Aw Axmed, Xildhibaano, Madax dhaqameed  iyo Boqolaal dadweyne ah oo ka soo jeeda beesha Musharaxa C/raxmaan Cali Giirre.
Guddoomiyah Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland Muxumed Aw Axmed oo ka hadlay Munaasibadda lagu soo bandhigayey Musharaxnimada C/raxmaan Cali Giire, ayaa sheegay inuu Musharaxani u qalmo inuu noqdo Xildhibaan Golaha Deegaanka Hargeysa, waxaanu Ilaahay uga beryey inuu ku guuleeyo Xilka uu isu soo sharaxay, waxaanu yidhi isaga oo arrintaasi ka hadlaya “ Waxaan illaahay uga baryayaa inuu ku guuleeyo Xilkaas uu isku soo sharaxay C/raxmaan Cali Giirre, waanu ku guulaysan doonaa insha allaah”
Guddoomiyaha Xisbiga Talada Dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay Munaasibadaasi ayaa waxa uu sheegay inuu Musharaxan C/raxmaan Cali Giire ee ay soo bandhigeen  Xisbiga Kulmiye uu u qalmo inuu noqdo Xildhibaan Golaha Deegaanka ah, waxaanu yidhi  “Waxaan aad ugu faraxsanahay C/raxmaan waxa uu maanta halkan iigu keenay rag aan in badan raadinayey inay meel iigu yimaadaan, oo waxa weeyaan nin la mid ah oo keenay ragga uu munaasibadda keenay oo hore isku soo sharaxayba ma jiro ayaan leeyahay, raggaas oo kala ah MuxumedAw Axmed, Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan iyo Cali Gabiley, waxaan leeyahay waxaad noqotay nin adag oo rag culus la yimid, waxaanad u qalantaa inaad ku guulaysato Xildhibanimada aad isku soo sharaxday”  
Guuddoomiye ku xigeenka  Kowaad ee Xisbiga  Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo ka  hadlay Munaasibadaasi, ayaa waxa uu sheegay inuu musharaxan C/raxmaan Cali Giirre yahay nin u qalma inuu noqdo Xildhibaan Golaha deegaanka Hargeysa, isaga oo amaanay Beesha uu ka soo jeedo oo uu xusay in ay taariikh ku leeyihiin dalka, waxaanu yidhi, “Waxaan qabaa C/raxmaan iyo in ka badanba waad soo saari kartaan beeshiinani, oo waxaad tihiin beel ka adag hal murashax iyo wax ka badanba, waxaanad hore u ahaydeen Kulmiye, C/raxmaan  waxaan leeyahay waad soo bixi doontaa oo waad ku guulaysan doonataa Insha allaah” 
Musharaxa Golaha Deegaan ee Xisbiga Kulmiye ee shaaciyey musharaxnimadiisa C/raxmaan Cali Giirre oo ugu dambayntii ka hadlay xafladaa,  ayaa ballan qaaday inuu si daacadnimo ah u gudan doono xilka uu u sharaxyahay haddii uu ku guulaysto, waxaanu yidhi “Waxaan ballan qaadayaa inaan Xilka aan isku soo sharaxay  si wanaagsan u gudan doono haddii aan ku guulaysto, waxaan leeyahay ha la iigu duceeyo inaan Xilkaas ku guulaysto oo Illaahay igu asturo inaan bulshada wax u qabto.”
Dhinaca kale Musharaxan oo ahaa kii ugu taageerayaasha badnaa musharixiinta soo qadimay musharxnimadooda golaha deegaanka ee Hargeysa oo u baddan dhalinyaro, ayaa lagu tilmaamay inuu yahay macalimiinta kusoo tabcay dhalinyo baddan oo maanta ka muuqda bulshada dhexdeeda, iyadoo C/raxmaan Cali Giire ay kuwa aqoonta baddan u lihi ku tilmaameen shaqsi nadiif ah oo dhawrsoon, isla markaana qof kasta oo aqoon u lihi uu taageeri doono, isagoo aan u eegayn deegaan gaar ah iyo xsibiga uu ka sharaxanayahay midna.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *