Boorama (ANN)Shirkaddaha Dahabshiil Group ayaa hawlgal ay taakullo kaga gaysteen Abaarta iyo mashaariic horumarineed oo kala duwan  ka fulisay gobollada galbeedka  Somaliland ee Awdal, Salal iyo Gabiley.Wefti ka tirsan madaxda sare ee Dahabshiil Group oo uu hoggaaminayey

http://berberanews.com/wp-content/uploads/2012/06/DSC07307.jpg

Maareeyaha Guudee Xawaaladaha iyo Sarrifka lacagaha ee shirkadda oo maanta  booqasho ku tagay magaalooyinka Boorama iyo Tog-wajaale, ayaa degaannadaa  ka fuliyey gurmad ku wajahan Abaarta ba’an ee ka taagan xeebta gobollada Awdal iyo Salal iyo mashaariic lagu horumarinayo jaamacadda Camuud University ee Boorama Cusbitaalka guud, dhismaha jidka magaalada Tog-wajaale, mashaariicdaa oo ay ku baxday lacag ku dhaw $100,000 (boqol kun doollar).

Masuuliyiinta shirkadda Dahabshiil waxa markii ay gaadheen magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal kulan la yeesheen guddiga abaaraha Gobollada Awdal iyo Salal oo ay ka xog-warraysteen xaaladda abaarta iyo gurmad loogu jiro, kadibna madaxa weftiga Cabdiraxmaan Cali Cabdi ayaa halkaasi kaga dhawaaqay inay lacag qadarkeedu dhan yahay $10,000 (toban kun doollar) kaga qaybgalayaan taakullada abaarta.

Xubnaha kale ee weftiga oo ay ka mid ahaayeen madaxa xidhiidhka dadweynaha Xasan Maxamed Jaamac (Xasan-xiis), Cabdiraxmaan Cali Xaaji Xuseen, Guddoomiyaha shirkadda Dahabshiil ee gobollada Awdal iyo Salal, Maareeyaha Laanta Dahabshiil Xaaji Ismaaciil Cabdi (Riiraash) oo iyaguna halkaasi hadallo ka jeediyye ayaa ku faahfaahiyey dadaalka shirkaddoodu ugu jirto inay dadkooda kala qaybqaataan arrimaha aasaasiga ah ee had iyo jeer baahiyuhu ka taagan yihiin, isla markaana wixii ay dalkooda ka macaashaan dib ugu celiyaan bulshada.

Kulankaasi kadib waxa kaloo weftigu booqdeen Jaamacadda Camuud oo ay shir kula qaateen Guddoomiyaha jaamacadda Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo uga warbixiyey baahida asaasiga ah ee waqtigan doonayaa in wax lagala qabto, isagoo xusay inay u baahan yihiin kordhin loogu sameeyo dhismaha hoolka waynn ee ay jaamacadda, iyadoo masuuliyiinta Dahabshiil-na kaa aqbalay codsigaasi dhismaha hoolka oo qaadi doona dhowr kun oo qof, kaas oo ay ku bixi doonto lacag lagu qiyaasay 47 kun iyo dhawr boqol oo doollar waxa si wadajir ah halkaasi u dhagax-dhigeen Maareeyaha qaybta xawaaladdaha iyo sarrifka ee Dahabshiil Cabdiraxmaan Cali Cabdi iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed.

Intaa kadib waxa weftigu socdaal ku tageen cusbitaalka guud ee magaalada Boorama oo ay kula kulmeen Agaasimaha guud ee cusbitaalka Dr. Ismaaciil Xaaji Maxamuud Aye oo iska xog-warraysteen xaaladiisa, waxaannay kormeer ay ku soo mareen qaybaha uu ka kooban yahay kadib Agaasimaha ku wareejiyeen lacag kooban oo qadarkeedu ahaa $1000 oo ay ugu talogaleen in cunto loogu iibiyo bukaan-jiifka cusbitaalka yaal. Deeqdaasi ayaa waxa si ballaadhan uga mahadceliyey Agaasimaha cusbitaalka Dr. Ismaaciil Xaaji Maxamuud Aye.

Gebogabadii safarka saraakiisha shirkadda Dahabshiil ee Boorama waxay ku soo kormeereen xafiisyada shirkaddu ee qaybta xawaaladda iyo qaybta isgaadhsiinta ee Somtel, kuwaasi oo ay kulamo kula qaateen masuuliyiinta iyo qaar ka mid ah shaqaalaha xafiisyadaas, isla markaana iska xog-waraysteen booqashadooda iyo hawlaha shaqo ee ay hayaan.

Dhinaca kale, weftiga masuuliyiinta Dahabshiil waxay socod ku tageen magaalada Tog-wajaale ee xarunta degmada Wajaale ee gobolka Gabiley, halkaasi oo ay kaga yabooheen lacag mucaawano ah oo ay shirkaddu kaga qaybqaadanayso dhismaha waddada isku xidha Wajaale iyo Kala-baydh.

Weftigu markii ay gaadheen magaalada Tog-wajaale waxay kulan la yeesheen maamulka degmada iyo guddiga horumarinta degmada oo ay ka sheekaysteen ujeedada socodkooda iyo samaynta waddadaasi halkay marayso iyo weliba xaaladda guud ee degmada.

Hoggaamiyaha weftiga Shirkaddaha Dahabshiil Group Mr. Cabdiraxmaan Cali Cabdi ayaa halkaasi kaga dhawaaqay in lacag dhan $30,000 (soddon kun dollar) ay ugu deeqeen dhismaha waddada Tog-wajaale, isagoo sheegay in shirkaddaha Dahabshiil oo ay caado u tahay inay mar walba ka qaybqaataan horumarinta arrimaha bulshadu diyaar u tahay in ay bulshada reer Wajaale kala hawlgalaan adeegyada ay caawimada uga baahan yihiin.

Madaxa Qaybta Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Dahabshiil Xasan Maxamed Jaamac (Xasan-xiis) iyo Wakiilka shirkadda ee Tog-wajaale Barre Axmed Cabdillaahi oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkadoodu mar walba danaynayso isku tashiga iyo wax-wadaqabsiga, si gaar ahna ay u soo dhawaynayaan in codsiyada baahiyaha adeegyada u baahan waxqabadku ka yimaadaan bulshada. Waxa kale oo ay tibaaxeen in arrimaha Dahabshiil Group taageerada ka gaysanayo aannu ku raadinayn sumcad iyo ammaan toona, balse ajarkooda iyo abaalmarintoodaba ay Alle ka sugayaan.

Guddoomiyaha Degmada Wajaale Xaashi Cabdi Muxumed iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga Horumarinta Cabdillaahi Nuur Ismaaciil oo hadallo ka jeediyey madashaasi, ayaa si weyn ugu mahadnaqay shirkadda Dahabshiil mucaawanada lacageed ee ay kaga qaybgaleen dhismaha jidka isku xidhaya magaalooyinka Wajaale iyo Kala-baydh, waxaannay ku ammaaneen shirkadda kaalinta ay kaga jirto horumarinta degmada oo ay xuseen in aanay ahayn tii u horreysay ee ay mar walba door muuqda ku leedahay waxqabadka iyo kobcinta adeegyada arrimaah bulshada.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Oday Cismaan Miigane oo ka mid ah waayeelka degmada iyo guddiga horumarinta iyo Sheekh Ibraahim Yuusuf oo ka mid ah culimada degaanka, kuwaas oo iyaguna ammaan badan u jeediyey Dahabshiil Group, uguna duceeyey in Alle ka abaalmariyo mucaawanada iyo dadaallada horumarineed ee ay shacabka u fidiso.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *