Hargeysa (ANN) Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Mr. Cabdirashiid Jibriil Yoonis, ayaa si rasmi ah shalay xilka ugala wareegay agaasimihii hore ee wasaaradda  Faysal Cali

Sheekh Maxamed oo toddobaadkii la soo dhaafay Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.

Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey xil-wareejinta labada agaasime guud oo lagu qabtay shalay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee caasimadda Hargeysa, waxa ka qaybgalay Wasiirka Warfaafinta, agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Diinta iyo Awqaafta, Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka (SRA), agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan, weriyeyaasha iyo hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, madaxda Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Agaasimaha Idaacadda Radio Hargeysa iyo dhiggiisa Telefishanka Qaranka Somaliland Mr. Siciid Aadan Cige iyo Axmed Saleebaan Dhuxul oo ugu horreyn xafladdaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahad-celiyey agaasimihii hore ee xilka wareejiyey Mr. Faysal Cali Sheekh oo ay ku tilmaameen inuu yahay agaasimihii ugu waxqabadka iyo kartida badnaa ee soo mara Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, waxaanay si gaar ah farta ugu fiiqeen guulaha uu wasaaradda gaadhsiiyey muddadii uu xilka hayey, iyagoo sheegay inuu ahaa suxufi hawlkar ah oo si fiican u garanayey shaqada wasaaradda iyo horumarinteeda.

Labada agaasime-waaxeed waxay agaasimihii hore uga mahad-celiyeen dedaalkii iyo kartidii uu muujiyey intii uu madaxda ka ahaa warfaafinta, iyagoo agaasimaha cusubna ku soo dhoweeyey wasaaradda.

Agaasimahii hore ee Warfaafinta, haatanna noqday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Md. Faysal Cali Sheekh, ayaa munaasibaddaas ka jeediyey khudbad dheer oo uu kaga warbixiyey waxyaabaha u qabsoomay muddo sannad iyo siddeed bilood ah oo uu joogay Wasaaradda Warfaafinta iyo guulaha muuqda ee ay ku tallaabsadeen muddadaas, waxaannu sheegay inay markii ugu horreysay 21-kii sannadood ee Somaliland jirtay dalka keeneen idaacad weyn oo laga dhegaysan doono mandaqadda bariga Afrika iyo Carabta, dhowaanna si rasmi ah u hawlgeli doonta, sidoo kalena ku guulaysteen in baahinta Telefshanka Qaranku gaadho caalamka oo dhan iyo weliba idaacadda oo telefoonnada si lacag la’aan ah lagaga dhegaysan karo woqooyiga qaaradda Ameerika.

Md. Faysal Cali Sheekh, waxa kaloo uu sheegay inay tababarro kala duwan oo qaarkood haatan socdaan siiyeen shaqaalaha wasaaradda, isla markaana la sugay saacadaha shaqada.

“Waxaannu samaynay in buugga xaadiriska shaqaalaha oo lagu kala ogaan karo qofka waajibkiisii shaqo ka soo baxay iyo ka ka seexday, waxaanuna saxeexista ka bilownay agaasime-waaxeedyada oo 7:00 ilaa 7:30 buugga xaadiriska saxeexa, waayo haddii aan qofka masuulka ah lala xisaabtamin waa xaaraan in ka shaqaalaha ah oo keliya lala xisaabtamo; 7:30 subaxnimana waxa buugga loo furaa shaqaalaha kala duwan ee ka hawlgala waaxyaha wasaaraddu ka kooban tahay oo tiradoodu gaadhayso ku dhowaad 400 ruux.

Markii aan xilka la wareegay waxa shaqaale rasmi ah ahaa 19 qof oo galay imtixaankii shaqaalaha dawladda ee la qaaday sannadkii 2000, maantana waxa noo sharaf ah in dhammaan shaqaalaha ka hawlgala Wasaaradda Warfaafintu yihiin shaqaale rasmi ah oo ku guulaystay imtixaankii Shaqaalaha Dawladdu ka qaadday, buugga magacyadooduna yaallaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’adda Shaqaalaha,” ayuu yidhi Faysal Cali Sheekh.

Waxa kaloo uu sheegay inay xafiisyo Telefishanka Qaranka Somaliland leeyahay oo shaqaale wasaaradda ka tirsani ku yaallaan 10 waddan oo Yurub, Ameerika iyo Carabta ka tirsan iyo weliba dalalka Geeska Afrika ee Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya. gadiid badanna loo iibiyey wasaaradda iyo kuwii fadhiyeyna la kiciyey.

Agaasimahii guud ee hore waxa uu intaa ku daray in wax weyn laga qabtay dhismaha Gidaarka sare ee wasaaradda iyo studio-yaasha TV-ga iyo Idaacadda Radio Hargeysa, isagoo geesta kalena agaasimaha cusub ku wareejiyey mashaariic horumarineed tiro badan oo wasaaraddu la gashay hay’ado caalami ah, kuwaasoo qaarkood hadda socdaan, kuwa cusub oo diyaar ah iyo qaar aan weli la oggollaan, balse meel fiican marayso hawshoodu, isla markaana ka ugu yar qiimihiisu dhan yahay $100 kun oo dollar, looguna talogalay horumarinta adeegyada kala duwan ee Wasaaradda Warfaafintu qaranka ugu xilsaaran tahay.

“Dad badan ayaa hoosta iska weydiinaya tolow Faysal miyaanu wax kharash ahba wareejinayn. Mr. Agaasime waxa sharaf iyo farxad weyn ii ah in aan maanta kugu wareejiyo lacag dhan $10,800 (toban kun iyo siddeed boqol) dollar oo kaash ah,” ayuu yidhi Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Md. Faysal Cali Sheekh oo noqday agaasimihii ugu horreeyey ee lacag kaash ah oo ka baxsan miisaaniyadda dawladda ku dara xil-wareejinta.

“Guulaha tirada badan ee Wasaaradda Warfaafintu ku tallaabsatay waxay ka mid yihiin ballanqaadyadii xukuumadda xisbiga KULMIYE ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku galeen ololihii doorashada madaxtooyada. Waxaan leeyahay qolada KULMIYE buuggii cagaarka ahaa ee ballanqaadyadii xisbiga kaalaya naga eega intayadii waannu fulinay haddaannu nahay Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland.”

Ugu dambayn, Faysal Cali Sheekh waxa uu si weyn ugu mahadnaqay Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) iyo gebi ahaanba shaqaalaha ka hawlgala wasaaradda, kuwaasoo uu sheegay in taageeradooda iyo wada-shaqayntoodii fiicnayd keentay guulaha wax-ku-oolka ah ee Wasaaradda Warfaafintu ku tallaabsatay muddadii xukuumadda KULMIYE talada dalka haysa, isagoo si gaar ahna ugu mahad-celiyey Madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay inuu markasta ku garab taagnaa tallaabo kastoo ay dhinaca horumarka u qaadayaan, waxaannu agaasimaha cusub ugu bushaareeyey in haatan wasaaraddu leedahay miisaaniyad wanaagsan, “Waayo,” ayuu yidhi; “haddii aan dhaqaale la hayn suurtogal ma noqoteen in waxaas oo horumar ah gaadho wasaaraddu.”

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Mr. Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyey munaasibadda uu xilka kula wareegay, ayaa ballanqaaday inuu halkaa ka sii wadi doono tacabka iyo horumarka uu wasaaradda uga tegey agaasimaha hore.

“Aniga laba arrimood ayaa werwer igu haya, saddexna waxay ii yihiin farxad; labada qodob ee werwerka igu hayaa waxa weeye; mid waxaan xilka kala wareegayaa ruug-caddaa suxufi ah oo ammaantiisa iyo guulaha uu wasaaradda gaadhsiiyey looga wada markhaati kacay, ta kalena waa in aan madax ka noqonayo wasaarad aad u ballaadhan oo hawsheeda iyo culayskeeda leh oo iiga baahan inaan dedaal weyn sameeyo…. Saddexda arrimood ee farxadda ii ahna waxa weeye; waxaan la wareegay wasaarad dhisan oo lagu soo tabcay, iigana baahan inaan inaan ilaaliyo tacabkaas; inaan madax u noqdo shaqaalaha wasaaradda oo aan filayo inay 90% yihiin dhallinyaro aannu isku filnahay iyo inaan la shaqeeyo wasiir ruug-caddaa ah oo macallin fiican ii noqon kara,” ayuu yidhi Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa munaasibaddaas ka sheegay inay wasaaradda u dejiyeen qorshe shan sannadood ah, waafaqsna qorshaha guud ee qaranka Somaliland ay dejisay Wasaaradda Qorshayntu, kaasi oo uu xusay inay ku cad yihiin hawlaha shaqo ee horyaal wasaaradda iyo halkay hiigsanayso.

Wasiir Boobe waxa uu si weyn ugu mahadnaqay agaasimihii hore Md. Faysal Cali Sheekh oo uu sheegay inuu yahay tiir muhiim ah oo ku suntan taariikhda Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, waxaannu Ilaahay uga baryey inuu ku guuleeyo xilka cusub ee Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee loo magacaabay, isagoo agaasimaha cusubna ku soo dhoweeyey wasaaradda.

Waxa kaloo iyaguna halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ku hadlayey afka agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha dawladda Somaliland, Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka iyo Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta SOLJA, kuwaasoo dhammaantood ka markhaati-kacay kartidii iyo dedaalkii uu Faysal Cali Sheekh u huray Wasaaradda Warfaafinta muddadii uu xilka ka hayey, iyagoo agaasimaha cusubna u jeediyey dardaaran iyo waanooyin culus oo xambaarsan inuu la yimaad dulqaad, daacadnimo iyo karti uu kaga dabbaalan karo xasaasiyadda weyn ee ku meersan Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

Gunaanadkii xafladda xil-wareejinta ahayd oo si toos ah looga daawanayey TV-ga Qaranka, ayaa Agaasimihii hore ee Warfaafinta iyo agaasimaha cusub oo ay weheliyaan agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee wasaaraddu waxay kormeer ku soo mareen xafiisyada iyo waaxyaha kala duwan ee wasaaraddu ka kooban tahay sida TV-ga Qaranka, Idaacadda Radio Hargeysa, xafiiska Wakaaladda Wararka ee SOLNA iyo xarunta wargeysyada dawladda ee DAWAN MEDIA GOROUP, halkaas oo madaxda laamahaasi warbixinno ku siiyeen agaasimaha cusub.

Geesta kale, Agaasimihii hore ee Warfaafinta, ahna Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Khaarajiga Md. Faysal Cali Sheekh Maxamed waxa munaasibaddaas lagu guddoonsiiyey shahaado-sharafyo ay ku maamuuseen shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta iyo jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Intaa kadibna waxa labada agaasime ee xilka la kala tirsaday kulan qado-sharaf sagootis iyo soo dhoweyn ah hudheelka Imperial ee magaalada Hargeysa ugu sameeyey Agaasimaha Telefishanka Qaranka Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *