Hargeysa(ANN)Xildhibaan Ismaaciil Xaaji Cabdi Ducaale oo ka mid ahaa Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta ku geeriyooday shil baabuur oo dhacay wadada u dhaxaysa Burco iyo Berbera.Allah ha u naxariistee Marxuumka waxa maanta

laga aasay xabaalaha magaalada Hargeysa. Waxaana aaskiisa ka qaybgalay boqolaal dadweynaha magaalada Hargeysa ah, xildhibaanada labada gole, masuuliyiin   ka tirsan xukuumadda iyo dadweyne kale.
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo, ayaa  tacsi Tiiraanyo leh u diray  Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, XILDHIBAAN ISMAACIIL XAAJI CABDI DUCAALE, oo ka mid ahaa Golaha Guurtida JSL, oo ku geeriyooday (03.06.2012) Shil Baabuur oo ka dhacay Wadada u dhaxaysa Berbera iyo Sheekh, waxaana lagu aasay Maxuumka Magaalada Hargeysa.
Madaxweynhu waxa uu Marxuumka illaahay uga baryayaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, sidoo kalena Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland-na Samir iyo iimaan uu ka siiyo Marxuumka.
Shirgudoonka golaha Guurtida, xildhibaanada iyo shaqaalaha golaha guurtida, ayaa tacsi taa la mid ah u diraya Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, XILDHIBAAN ISMAACIIL XAAJI CABDI DUCAALE. Waxayna illaahay uga baryayaan inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland-na Samir iyo iimaan uu ka siiyo Marxuumka. Aamiin Aamiin Aamiin.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *