Hargeysa(ANN) Munaasibadan Shahaado sharafta lagu gudoonsiinayey Guddoomiyaha Wershada SBI ee sharaabka Coca-cola Mr. Axmed Cismaan Geelle oo dhowaan laga furay Somaliland,  ayaa xalay ka dhacday Hutel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.Munaasibadaa

 

oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Somaliland ee Britain oo ku sugan Hargeysa,  waxaana ka soo qayb galay guddoomiyaha wakaalada xidhiidhka qurbojooga Somaliland,  Maxamed C/raxmaan Cali, Agaasimaha Wakaalada Xidhiidhka qurbojooga C/casiis Axmed Muuse, Guddoomiyaha jaaliyada UK Axmed Faarax Caddare  iyo marti sharaf kale oo ka tirsan qurbo jooga Somaliland.
Guddoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Dalka Britain Axmed Faarax Caddare, oo metelayay qurbajooga Somaliland , ayaa shahaado sharaftaa  gudoonsiiyey guddoomiyaha Wershada wadaniga ah ee sharaabka soo saarta ee shirkadda  SBI Mr. Axmed Cismaan Geelle.

Guddoomiyaha Wakaalada Xidhiidhka Qurbojooga Somaliland Maxamed C/raxmaan Cali oo ka hadlay madasha,  ayaa ka waramay muhiimada ay dalka u leedahay warshadayntu iyo in wershado wax soo saara la keeno, isaga oo sheegay in y muhiim tahay in ay dadku iska daayaan, laakiin  loo baahanyahay in  qofku marka uu wax keeno lagu daydo oo ganacsi kala duwan la keeno, balse haddii qof keeno Biyo aanay wada keenin, isaga oo yidhi,  “haddii aan ka hadlo dhinaca wershada dadkeena waxa ku badan in haddii uu qof keeno biyo ay wada keenaan oo ay odhanayaan waa suuq xor ah, laakiin taasi ma fiicna oo waxa ka muhiimsan in dadku keenaan waxyaabo kala duwan oo loo baahan yahay”.

sidoo kale Guddoomiyaha jaaliyada UK Axmed Faarax Caddare oo halkaa  ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay inay dadku dhaqaalahooda u huraan iibsiga waxa ay soo saarto warshada wadaniga ah ee SBI, isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi,  “Madaxweynuhu waa kii wershada furay, Axmed Cismaan Geelle oo guddoomiyaha ahina waa kii CooCaha inoo furay ee aynu inaguna afkeena u furnay sidii aynu u cabi lahayn, markaa waxa sidoo kale loo baahan yahay in aynu jeebkeena u furno oo aynu iibsano”.

Guddoomiyaha Wershada SBI Axmed Cismaan Geelle oo  ah maalqabeenka wershedaa oo hanta malaayiin dollar ah ku kacday ka hirgeliyay Somaliland, ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay wershada sharaabka Co-co cola ee shirkadda  SBI, isaga oo sheegay inay u  hureen maal gelinteeda hanti fara badan, waxaanu uga mahadceliyey shahaado sharaftan ay guddoonsiiyeen  Qurbojoogu.
Geba-gebadii munaasibadaa  Guddoomiyaha Jaaliyada UK Axmed Faarax Caddare,  ayaa guddoonsiiyey Guddoomiyaha Shirkadda SBI shahaado sharafta lagu maamuusay,  taas oo sida uu sheegay gudoomiyaha jahliyada Uk, ay ka   taageereen Wakaaladda Xidhiidhka Qurbajooga Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *