Hargeysa(ANN)Maamulka Majalada Weedhsan oo dhowaan la bilaabay, ayaa u muuqata mid durba la jaanqaaday tiknoolijiga casriga ah iyo isku xidhnaanta dunida ee maanta oo dhinaca internetka marka laga eego ka dhigaya aduunka aan isu warhayn labaatan sanadood ka hor u

 

muujiyay maanta Tuulo.  Qoraal ay soo saareen Maamulka Weedhsan oo ah majalad dhowaan la gardaadiyay, isla markaana maraya in la daabaco Tirsigii, ama cadadkii labaad,  waxay ku sheegeen inay hal mar kasoo wada saari doonaan Tirsiga sadexaad ee majaladaa magaalooyinka waaweyn ee dacalada dunida. Sida caasimadaha London, New York, Paris  iyo kuwo kale.
Qoraalkaa bushaarada ah ee Maamulka Weedhsan, wuxuu dad baddan xusuusin karaa horaantii sagaashanaadkii oo Majalada caanka ah ee News Week  oo la aasaasay 1933, balse sidan oo kale mar laga soo wada saaray caasimado iyo magaalooyin waaweyn oo dacalada aduunka ah sida  New York, London iyo Paris, taas oo meesha ka saaratay qaabkii wadamo baddan oo aduunka ah majaladaa loo gaadhsiin jiray oo ahaa mid mararka qaar dib u dhac keeni jiray.
Inkasta oo Weedhsan ay tahay majalad socod barad ah oo dhowaan la aasaasay, isla markaana aan boqolaal gu’ baarka ka jarin sida News Week, hadana talaabada ay qaadeen maamulka Weedhsan  oo ka faa’idaysnaya horumarka dhinaca tiknoolijiga casriga ah iyo Internet-ka, wuxuu u muuqdaa mid dedaal baddan iyo hadaf fogi ka muuqdo.
Bahda Weedhsan waxay qoraal kooban oo ay ugu bushaaraynayaan bulshada dacalada dunida, ku yidhaahdeen sidan:- Waxa farxad noo ah in Majalladda WEEDHSAN muddo kooban ku qaan-gaadho, islamarkaasna uu Tirsigii  saddexaad hal mar caawa (9:00pm) ka soo wada baxo Paris, London, New York, Sydney, Dubai iyo Hargeisa.
Waa markii koowaad ee Warbaahinta mandaqaddu ku dhaqaaqdo tallaabo sidan ah oo ay dumiso xuduudaha qaybiya qaaradaha kala geddisan. Horumarkani, wuxu ku suurta-galay dedaalka hawl-wadeennada warbaahinta kala geddisan ee Weedhsan Corporation iyo dhiirrigelinta macaamiishayada oo aannu uga mahad-celinayno taageerada hagar-la’aaneed ee ay nagu garab galeen.
Weedhsan Magazine waxa uu soo baxaa bishiiba hal mar, waxaanu xambaarsan yahay falanqaynta qalinleyda foolaadka ah, xogo, warbixinno, waraysiyo khaas ah iyo qoraallo kale oo xiise badan.
Faahfaahin dheeraad ah, booqo www.weedhsan.com ama wac 4410173, 4195585, 4160271, 4444705.
Mustafa Sh. Cumar Geeddi
Editor In-Chief
Weedhsan Corporation

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *