Hargeysa Hargeysa(ANN)Alle ha u naxariistee waxa saaka si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha Naaso-hablood ee magaalada Hargeysa Marxuum Xasan Axmed Faarax oo ka mid ahaa Odayaasha guurtida Somaliland, marxuumka oo shalay ku geeriyooday gurigiisa magaalada Hargeysa, ka dib markii

uu muddo labaataneeyo cisho ah xanuunsanayay. Waxa Aaska Marxuum Xildhibaan Xasan Axmed Faarax (Xasan Boobe) ka qayb galay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiiro ka tirsan xukuumadda, shirgudoonka iyo Mudaneyaasha Golaha Guurtida, Maareeyaha dekadda Berbera iyo Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Somaliland  Axmed Yuusuf Yaasiin.
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland C /Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ka hadlay aaskii Marxuumka ayaa sheegay inuu dhambaal tacsi ah u dirayo qoyskii, golaha Guurtida iyo shacbiga Somaliland oo uu sheegay inuu uga tacsiyadeynayo geerida Marxuum Xasan Axmed Faarax, oo uu ku tilmaamay Oday u soo shaqeeyay dalkiisa oo door muhiim ah ka soo qaatay nabadeyntii iyo dhismaha qaranimo ee Somalilandba.  Sidoo kale Madaxweyne Ku Xigeenkii hore Somaliland  Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka hadlay aaskii marxuumka ayaa dhambaal  tacsi ah  oo uu u diray qoyskiisii ka sokow, wuxuu sheegay in Marxuumku uu ahaa shakhi kaalin weyn ka soo qaatay marxaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray. Waxaanu sheegay inuu ka mid ahaa xubnaha golaha guurtida ee sida weyn iskaga xil saara adkaynta nabadgelyadda. Waxa kale oo halkaasi ka hadlay xildhibaano ka tirsan golaha Guurtida oo ka waramay shakhsiyadii marxuumka oo ku sifeeyeen inuu ahaa nin saaxibul salaad ah oo jecel horumarka dalkiisa. Xildhibaanku wuxuu ku soo biiray golaha Guurtida sanadkii 1993-kii xiligii uu socday shirweynihii labaad ee beelaha Somaliland ee lagu qabtay magaalada Boorame. Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xalay dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, golaha guurtida iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Xasan Axmed Ducaale. Sidoo kale maamulka iyo hawlwadeenada shebekada wararka ee Araweelonews, waxay tacsi u dirayaan Qoyskii, qaraabadii, shacbiga Somaliland   iyo golaha guurtida ee uu ka baxay samir iyo iimaan ka siiyo,  marxuumkana  waxayna Ilaahay uga baryayaan inuu janadii ka waraabiyo.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *