Maxkamad ku taala dalka Sweden ayaa ku xukuntay midkiiba xabsi afar sano ah labo nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay xidhiidh  la leeyihiin xarakada Al-Shabaab.Waxaa lagu kala magacaabaa labadan Nin  ee  dhalinyarada ah oo  Soomaali ah ayaa magacyadoodu

 kale yihiin,   Bile Ilyaas Maxamed iyo Maxamuud. Aabaha dhalay Maxamuud ayaa ku tilmaamay xukunka maxkamadda inuu yahay cadaalad darro, isagoo sheegay inuu aadna uga xun yahay go’aanka ay gaadhay maxkamadda dalka Sweden.
Wuxuuna  sheegay inuu rafcaan ka qaadanayo oo aanu sidaa kaga  hadhi doonin xukunka xabsiga ah ee lagu riday wiilkiisa gudaha dalka Sweden.
Labadaa Nin waxa lagu xukunkaa lagu riday. Kadib markii lagu soo ooogay dacwad ka dhan ah, taas oo lagu eedeeyay   inay xidhiidh  dhaw la leeyihiin kooxda xarakada Al-Shabaab ee Somalia, kuwaas oo sida lagu sheegay eedaha dacwadaa mar ay safar  ku tageen  gudaha Soomaaliya ay booqdeen deegaanada ay maamusho Al-Shabaab.
Aabaha dhalay Maxamuud waxaa uu sheegay inuu la socday wiilkiisa markii uu imanayay gudaha Soomaaliya, wuxuuna ku adkeystay in aanay eedahaasi  noqon karin kuwo qiil u noqonaya in denbi looga dhigo inuu tegey  Soomaaliya sidaas darteedna xabsi loogu xukumo.
Waxaa beryahan soo badanayay xukun ku fulinta dhalinyaro Soomaali ah oo ay sameynayaan maxkamadaha dalalka dibadda, dhalinyaradaa oo lagu eedeeyo inay xidhiidh la leeyihiin kooxda Al-shabaab, ama shebekada urur weynaha Al-qaacida.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *