Wariye: Siciid Xuseen Yuusuf

Tan iyo intii la doortay Golaha Degaanka caasimadda Hargeysa, waxa la odhan karaa waxa lumay masuuliyadii ilaalinta fayow-dhawrka degaanka iyo bulshada, kaas oo hadal hayntiisa

la maqlo marka ay dilaacan cudurada qaarkood, iyadoo aad moodo in aanu xil ka saarneyn Golaha Degaanka caasimada Hargeysa oo iyaga intii la doortay taariikhda lagu hayn iyagoo ahmiyad weyn siinaya fayo-dhawrka nadaafada iyo ilaalinta bilicda caasimada. Isla markaana, goluhu aanu marna soo saarin siyaasad cad oo lagu ilaaliyo nadaafada bulshada iyo degaanka.

Sidoo kale maamulka Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa ku fashilmay in ay ku guulaystaan sidii loo ilaalin lahaa nadaafada degaanka iyo bulshada oo aynu ognahay khashinka iyo kudaafada ay is leeg tahay inta qaado iyo inta ku hadhay. Iyagoo sidaasi ula daala-dhacaya, ayaa la sheegay in ay ku wareejiyeen shirkaddo gaar loo leeyahay, kuwaasi oo iyaguna sida muuqata la odhan karo way uga sii dareen oo way u soo shaqo tageen. Marka aad eegto gawaadhiga qaadaysa qashinka, sida ay lacagta uga gurayaan muwaadinka ay qashinka ka qaadayaan, iyadoo ay Dawladda Hoose lacagta ay xashiishka ku qaadayaan siiso, taasoo sababtay in bulshada qaybaha aan bixin lacagta lagaga qaadayo xashiishka iyagu ku daadiya waddooyinka badhtoonkooda, aqalada agtooda iyo biyo mareenada. Taasoo aanay qaban indhaha dadka ay saaran tahay masuuliyadeedu.

Waxaanad arkaysaa wax aan qofnaba ka qarsoonayn oo ah nadaafad-darrada baahsan ee waddooyinka iyo xaafadaha agtooda daadsan, taasoo aan la dafiri karin khatarta caafimaad-darro ee ka dhalan karta.

Waxa aad arkaysaa goobaha uu qashinku yaalo ee ay xaafadaha Hargeysa iyo suuqyadu ku shubaan in aanay lahayn haba yaraatee, meelo lagu rido qashinka ay soo guraan xaafaduhu, isla markaana ay ka qaadaan gaadiidkii loogu talo galay inuu qaado, balse taasi meesha way ka baxday oo ma jiro wax adeega fayo-dhawr ah oo u dhexeeya bulshada iyo shirkadaha ay masuuliyadu ka saaran tahay arrintan.

Arrintaas oo u muqata hawl ganacsi oo gaadiidka ay soo diraan shirkadaha gaarka loo leeyahay xaafad xaafad ay u maraan, isla markaana ay cidii lacag u dhiibta uun ka qaadan qashinka.

Tilmaamahan aynu soo sheegnay, waa kuwo muujinaya fadeexadaha masuqmaasuq iyo masuuliyad-darro ee ay ku sifoobeen golayaashii degaanka ee ay bulshadu dooratay iyo maamulkii dawladaha hoose. Inkasta oo ay xukuumadda cusub ee madaxweyne Siilaanyo ay u muddaysay maalin qaran, haddana waa mid aan ilaa hadda xal loo helin, isla markaana aan waxba layska waydiin, sababta bulshada loogu samayn waayey goobo qashinka ay iskaga guraan

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *