Hargeysa (ANN)Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan  Shirgudoonka Goleyaasha Baarlamaanka (Guurtidda iyo Wakiiladda), Xildhibaano iyo boqolaal dadweynaha  magaalada Hargeysa ah  ayaa maanta ka qeyb galay aaska Alle ha u naxariistee

 

Marxuum- Axmed Cabdi Siciid, oo ka mid ahaa Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland oo xalay ku geeriyooday Gurigiisa magaalada Hargeysa, isla markaana  maantana lagu aasay  xabaalaha Naaso-hablood ee magaalada Hargeysa.
Alle ha u naxariistee Marxuumku wuxuu ka mid ahaa Mudaneyaashii Golaha Wakiiladda ee laga soo doortay gobolka Awdal, isagoo  kasoo  baxay xisbiga mucaaridka ah ee UCID, waxaanu ka tirsanaa Guddida joogtada ee Golaha Wakiilada.
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay aaskii marxuumka ayaa dhambaal tacsi ah u diray Qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum- Axmed Cabdi Siciid, waxaanu ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo qosykii iyo shacbiga Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo.
Md. C/Raxmaan Saylici wuxuu Marxuumka ku sifeeyay inuu ahaa nin dhaqan iyo dadnimo wanaagsan  oo wadani ahaa.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) oo ka hadlay halkaasi ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo shacbiga Somaliland waxaanu ILaahay uga baryay marxuumka inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo ummadda reer Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Mudanahaasi geeriyooday uu ahaa  nin dadnimo wanaagsan oo  wadani ahaa.
Sidoo kale Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka waramay taariikh nololeedkii marxuumka ayaa  sheegay inuu Marxuum- Axmed Cabdi Siciid uu ahaa aasaaseyaashii xisbiga UCID,  isla markaana uu ahaa Murashaxii Madaxweyne Ku Xigeenka ee doorashadii  Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 14-kii bishii April ee sannadkii 2003-dii.
Dhinaca kale shebekadda Araweelonews ayaa soo ururisay taariikh nololeedkii marxuumka, taas oo qaarkeed aanu kasoo xiganay qoraal laga sameeyay xiligii uu marxuumku isu taagay doorashadii madaxtooyada Somaliland ee 2003.
Alla hawnaxariistee Marxuumku wuxuu ku dhashay Boorame, wuxuuna waxbarashiisii usoo qaatay sidan;-      
Dugsiga hose Boorame                                                        1960-1963

Dugsiga dhexe ee Amuud                                                        1964-1967

Dugsiga sare muqdisho                                                         1967-1970

Kuliyada cilmiga siyaasadda Russia   Moscow                1973-1974

Saddex bilood siminaar waxbarasho dalka Bulgaria softie     1977

Hal sano  waxbarasho maamulka iyo maareynta dugsiga Booliska Muqdisho SIDAN ayaana durusta bixineysay

khibradiishaqo intii uu marxuumku ifka joogay.
Macallin dugsiga hoose ee calawla                          1970-1971. 
Macallin dugsiga hoose ee Boosaaso                                      1971-1973. 
PRO Hargeysa                                                                          1975-1976. 
Gudoomiye ku xigeenka gobolka sh/hoose (marka )              1978-1979. 
Gudoomiya gobolka j/dhexe (Buaale)                                         1979-1981. 
Agaasime guud wasaarada arimaha Dibadda                           1982-1985. 
Guddoomiye ku/xigeenka 1aad xisbig UCID                           2001. 

Alla haw naxariistee Marxuum Axmed Cabdi Siciid, wuxuu musharax Madaxweyne xigeen ka noqday xisbiga UCID doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee 2003, balse markii uu xisbiga UCID ku guuldaraystay doorashadaa, wuxuu Marxuumku ka mid noqday mudanayaashii doorashadii u horaysay ee golaha Wakiilada Somaliland 2005, taas oo uu ka mid noqday mudanayaashii ku guulaystay ee kasoo baxay Xisbiga UCID.

Marxuum Axmed Cabdi Siciid, wuxuu Nin afgaaban oo ay ka muuqato edaab iyo dhawrsanaan. Sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyeen dadkii aqoonta u lahaa.   Wuxuuna Marxuumku  ifka kaga  tegey siddeed caruur ah iyo Hooyadood.
Shebekada Araweelonews waxay ka tacsiyadaynaysaa shacbiga Somaliland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuumku, waxayna illaahay uga baryaysaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo isagana Illaahay naxariistii jano ka waraabiyo. Aamiin Aamiin  Aamiin.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *