-
Published On: Mon, Feb 14th, 2011

Somaliland: Hoggaamiye Jabiyay Deyrkii Taabgaabnidii Siyaasadeed Faallo By, Cumar M. Faarax

Smiley face
Share This
Tags

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu qaaday tallaabo geesinimo ah, oo  uu wax kaga beddelayo taab-gaabnimaddii siyaasadeed ee xukuumaddii Rayaale ay dalka kaga lumisay fursado badan, oo Somaliland  ictiraaf dublamaasiyadeed kaga

heli lahayd beesha caalamka.  Ka dib markii ay dhaqan siyaasadeed ka dhigatay in aanay Somaliland ka qayb galin Goleyaasha lagu falanqaynayo caqabadaha hortaagan nabadeynta dalka Soomaaliya ee qalalaasaha  siyaasadeed iyo colaadaha aan dhammaadka lahayni halakeeyeen. Waxay xukuumaddii hore cuqdad ka qabtay inay hor fadhiisato kooxaha ku hirdamaya dalka Soomaaliya ee sida habqanka ah u taga fagaareyaasha.
Si ka duwan xidh-xidhnaanshahaasi hore waxa xukuumadda Madaxweyne  Siilaanyo ee 194 maalmood jirka ahi ay markii u horeysay  si kal furan u ajiibtay  martiqaad rasmiya oo ay ka heshay Dawladda Britain oo qabanaysay shir ay ka soo qayb galeen dalalka loo yaqaano daneeyeyaasha ama waddamadda safka hore kaga jira nabadeynta Soomaaliya, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Itoobiya, Jabuuti, Kiiniya, Talyaaniga iyo Qaramadda Midoobay. Shirkaasi oo dawladda Ingiriisku sheegtay in lagu darsayo caqabadaha fashilinaya dedaal kasta oo la isku dayo in nabad lagaga dhaliyo Soomaaliya,  xukuumadda Somaliland waxay u dirtay shirkaasi oo la baxay Wilton Part oo socday 7-dii illaa 9-kii bishan, wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo shirkaasi ka jeediyay  khudbad dheer oo uu ku bayaamiyay muqadasnimadda  qaranimadda Somaliland isla markaasna beesha caalamku u iftiimiyay sidii shacbiga Somaliland u hanteen  qaranimadooda.
Wasiirku wuxuu  khudbadiisa  oo beesha caalamku u guuxday uu tafaasiil kaga bixiyay habkii iyo hanaankii Somaliland u martay nabadeyntii iyo qaran dhiskii Hay’adaha dawliga ah, wuxuu caalamka u sawiray horumarka aan adduunku waxba ku darsan ee Somaliland gaadhay iyo fashilaadaha Soomaaliya oo adduun weynuhu galiyay malaayiin doolar.
Wasiirka arrimaha dibeda oo ahaa ergaygii iibgeynayay codka iyo aragtida Somaliland wuxuu dalalkii shirkaasi joogay u soo bandhigay in aanay Somaliland noqonayn sidii qof  guri lagula xidhay qof meyd ah oo kale.
Somaliland waxay shirkaasi ka soo baxday iyadoo aanay qaranimadeedii waxba cidi u dhimin, hase yeeshee, ay si farshaxanimo leh codkeedii u gaadhsiisay dhegaha adduun weynaha isku shuqliya dalka ugu hooseeya waddammadda guuldaraystay ee adduunka.
Isbedelka siyaasiga ah ee xukuumadda cusubi waxay dhalisay in labada xisbi mucaarid ee UCID iyo UDUB ay xukuumadda ku eedeeyeen inay qaaday tallaabo xadgudub ku ah madaxbannaanidda Somaliland, hase yeeshee codkoodu meel dheer ma  gaadhin ka dib markii ay ku guuldaraysteen inay wax ku shubtaan shacbiga Somaliland oo waayo-arag ku noqday wadciga jira iyo waaqica maanta.

Shacbigu kamay hoos qaadin hadalkii Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB ahna madaxweyne ku xigeenkii hore Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, waxaanay tiraabtiisii ku macneeyeen dacaayado ay soo alifeen  musharixiintii xukuumadda maanta jirtaa kaga adkaatay doorashadii madaxtinimo ee dalka ka dhacday 26/06/2010-kii. Waxa dadweynaha fikirkaasi aaminsanaa ay qabeen in madaxweyne ku xigeenkii hore iyo xukuumadiisii ay ka maanaceen qaranimadda Somaliland inay u iibgeeyaan fagaareyaasha  dalalka aan aqoonsiga ka doonayno.  Waxa kale oo ka mid ahaa madaxdii xukuumadda ku  haaraamay ka qaybgalka shirkaasi Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe,   oo majaraha siyaasadiisuna sida soodhaha  oo kale tahay oo go’aan qaadashadiisu ku siman tahay xaraaradda iyo mowjadaha siyaasadeed ee kolba dabeecaddu keento.

Waxa faaqideyaasha sidaasi aaminsanaa ay ku doodayeen in Guddoomiyuhu uu maalmaha soo socda marka runtu hortimaado wax ka beddeli doono mowqifkiisii hore.
Lama diidanayn in xisbiyada mucaaridka ahi ay noqdaan toosiyeyaasha hadba meelaha xukuumaddu dalabta iyo galdaloolada ka leedahay isla markaana ay noqdaan kuwo xukuumadda ku ilaaliyo xayndaabka qaranimadda qiimaha culus ugu fadhidda Somaliland, waxase doorkaasi ay qaadan karaan markay xidhiidhkooda siyaasiga ahi uu gaadho illaa heer ay heli karaan xogta iyo macluumaadka rasmiga ah ee mawduuca ay naqdiyayaan, si ay uga duwanaadaan dadweynaha ay doonayaan inay degahooda hantiyaan.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa ra’yul caamka bulshadu ay ku aamanayeen inuu la yimid maskax ka duwan tii xukuumaddii ka horeysay markay noqoto inay Somaliland ka muuqato goobaha lagaga hadlayo qarankii burburay ee  Somaliland xornimadeeda kala soo noqotay, waxase xukuumadda oday Siilaanyo looga fadhiyaa inay si taxadar leh caalamka u weydiisato aqoonsi iyadoo haddana ka feejigan inay ku milanto Soomaaliya.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>