Hargeysa (ANN)Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan Shirgudoonka Goleyaasha Baarlamaanka (Guurtidda iyo Wakiiladda), Xildhibaano iyo boqolaal dadweynaha magaalada Hargeysa ah ayaa maanta ka qeyb galay aaska Alle ha u naxariistee
Marxuum- Axmed Cabdi Siciid, oo ka mid ahaa Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland oo xalay ku geeriyooday Gurigiisa magaalada Hargeysa, isla markaana maantana lagu aasay xabaalaha Naaso-hablood ee magaalada Hargeysa.
Alle ha u naxariistee Marxuumku wuxuu ka mid ahaa Mudaneyaashii Golaha Wakiiladda ee laga soo doortay gobolka Awdal, isagoo kasoo baxay xisbiga mucaaridka ah ee UCID, waxaanu ka tirsanaa Guddida joogtada ee Golaha Wakiilada.
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay aaskii marxuumka ayaa dhambaal tacsi ah u diray Qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum- Axmed Cabdi Siciid, waxaanu ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo qosykii iyo shacbiga Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo.
Md. C/Raxmaan Saylici wuxuu Marxuumka ku sifeeyay inuu ahaa nin dhaqan iyo dadnimo wanaagsan oo wadani ahaa.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) oo ka hadlay halkaasi ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo shacbiga Somaliland waxaanu ILaahay uga baryay marxuumka inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo ummadda reer Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Mudanahaasi geeriyooday uu ahaa nin dadnimo wanaagsan oo wadani ahaa.
Sidoo kale Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka waramay taariikh nololeedkii marxuumka ayaa sheegay inuu Marxuum- Axmed Cabdi Siciid uu ahaa aasaaseyaashii xisbiga UCID, isla markaana uu ahaa Murashaxii Madaxweyne Ku Xigeenka ee doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 14-kii bishii April ee sannadkii 2003-dii.
Dhinaca kale shebekadda Araweelonews ayaa soo ururisay taariikh nololeedkii marxuumka, taas oo qaarkeed aanu kasoo xiganay qoraal laga sameeyay xiligii uu marxuumku isu taagay doorashadii madaxtooyada Somaliland ee 2003.
Alla hawnaxariistee Marxuumku wuxuu ku dhashay Boorame, wuxuuna waxbarashiisii usoo qaatay sidan;-
Dugsiga hose Boorame 1960-1963
Dugsiga dhexe ee Amuud 1964-1967
Dugsiga sare muqdisho 1967-1970
Kuliyada cilmiga siyaasadda Russia Moscow 1973-1974
Saddex bilood siminaar waxbarasho dalka Bulgaria softie 1977
Hal sano waxbarasho maamulka iyo maareynta dugsiga Booliska Muqdisho SIDAN ayaana durusta bixineysay
khibradiishaqo intii uu marxuumku ifka joogay.
Macallin dugsiga hoose ee calawla 1970-1971.
Macallin dugsiga hoose ee Boosaaso 1971-1973.
PRO Hargeysa 1975-1976.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka sh/hoose (marka ) 1978-1979.
Gudoomiya gobolka j/dhexe (Buaale) 1979-1981.
Agaasime guud wasaarada arimaha Dibadda 1982-1985.
Guddoomiye ku/xigeenka 1aad xisbig UCID 2001.
Alla haw naxariistee Marxuum Axmed Cabdi Siciid, wuxuu musharax Madaxweyne xigeen ka noqday xisbiga UCID doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee 2003, balse markii uu xisbiga UCID ku guuldaraystay doorashadaa, wuxuu Marxuumku ka mid noqday mudanayaashii doorashadii u horaysay ee golaha Wakiilada Somaliland 2005, taas oo uu ka mid noqday mudanayaashii ku guulaystay ee kasoo baxay Xisbiga UCID.
Marxuum Axmed Cabdi Siciid, wuxuu Nin afgaaban oo ay ka muuqato edaab iyo dhawrsanaan. Sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyeen dadkii aqoonta u lahaa. Wuxuuna Marxuumku ifka kaga tegey siddeed caruur ah iyo Hooyadood.
Shebekada Araweelonews waxay ka tacsiyadaynaysaa shacbiga Somaliland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuumku, waxayna illaahay uga baryaysaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo isagana Illaahay naxariistii jano ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com