Berbera(ANN)Waxaanu ka hadlayna muranka ka dhashay maal gashiga wershada sibidhka berbera, kaasoo salka ku haya dano shaqsiyaad iyo kala riixasho dhexdooda ah. Ma aha qeylada ka soo yeedhaysa maalgashayadashu mid loogu danaynayo reer Berbera iyo Somaliland toona.

intii ay heshiiska ahayeen mid waliba wuu amusna, oo dadka kale ayey ka qarsanayeen, labadan dhinac ee ku loolamaya murankuna ka dhashey oo kala ah, Dahabshiil iyo Telesom oo isku dhinac ah  iyo koox ganacsato oo iyana isku dhinac ah.

hadaba khilafkan oo dhaliyey xiisad iyo qad bulshada dhexdeeda ah.

hadaanu nahay dhalinyarada reer Saaxil gaar ahaan reer Berbera waxa nala gudboob midkanu ka odhan lahayn khilafka jira ee maalgashiga wershada sibidhka berbera, annagoo u kala saari doona qaybahan.

A.     Waxanu soo dhaweyneyna wixii maalg ashi ah ee ay ku jirto danba degmada berbera iyo somaliland

B.      waanu kasoo hor jeedna waxkasta oon ku dhisneyn sharci iyo cadaalad

C.    cid kastaa wey maal gashan kartaa khayraadka dabiiciga ah ee wadanka iya doon laga tagayn mudnanta ka degan degaanka khayradkasi yaalo

mid waxanu leenahay ganacsatada kooxda ah

1.      horta runtii reer berbera idin lamay ogayn doonashada maalgashiga wershada, ganacsata reer berebrana umay dhamayn ka qeyb galka maalgashigeeda

2.      maalgashiga warshada sibidhka miyaan loo sinayn, sidaad ugu hamideen in aad keligiIn tuurta ku qaadataan,

3.      imikana taah waa idinku keligiin.

4.      reer berbera wey idin sugayeen, mudo badana waad haysateen warqadii ruqsada ee la idin siIyey. berberana agoon iyo mid baahaniba wuu ku dhex noolyahay e,

Dahabshiil iyo Telesom waxanu leenahay

a.     may ahayn in meel cid hore maal gashigeeda ruqsad loo siyey ood weliba ogtihiin aad ruqsad kale kasoo daba qaadataan, waxanad garan kartaan waxa ka dhalan kara.

b.     xaqiiqatan waxa la wershadaynaya waa dhagax hal degmo yala, labo shirkadood oo wada isticmalaya murankeda aya badanaya

c.     hadii aad maal gashi intaa leeg awoodan miyanay idin fiicnayn in aad wadanka warshado kale kusoo kordhisan, oo maal gashataan abuurtaana barnamijyo kale oo mujtamaca somaliland wax ku ool u ah.

madaxweynaha waxanu leenahay

madaxweynaha waxanu ka codsanayna jececlnahayna in uu sida ugu dhakhsaha badan u xaliyo murankan u dhaxeeya quwadaha hantiilayasha ah

ø      mudane madaxweyne waxanu ka codsanayna in ad soo saarto sharcigi maalgashiga wadaniga ah ee qofkastoo wadaniya siinayey xaqiisa. yaraynayeyna khilafaadka

ø      mudane madaxweyney waxanu ka codsanayna  in ad xaliso khilafkan tagan ee hantilayasha u dhaxeya.

ø      mudane madaxweyne anago ah dhalinta reer saxil gaar ahan reer berbera , waxanu sax u aragna in hal warshad ay ku haboontahay  in goobtan khayraadku ku jiro laga furo,  maalgashigana  ama wada jir u sii ama koox qudha sii

nidaamka aanu ku tageeri doono cidii maal gashanaysa

i.            maal gashiga  waa in ay ka dhex muuqdan dhaman bulsho weynta reer Saaxil

ii.            waa in fursada ka mid noqoshada shirkadasi noqota mid loo simanyahay

iii.            waa in faa’iidada kasoo baxda ugu yaraan 40% degamada berbera ay heshaa

iv.            waa in wax loogu talo galaa dadka degaanka ay warshadu ku taalo ee xoolo dhaqatada ah ee degankodu isu bedeli doono  nabad guurka , loona abuura barnamij nololed oo kale.

v.            waa in shaqaalaha ka shaqeyn doona 60% ay noqdaan dadka reer berbera iyo nawaxigeeda

vi.            waa in shirkadasi ay lahata barnamij horumarineed oo iyada u gaar ah, oo ay ka bixineyso faa’iidadeeda. sida cafimaadka. waxbarashada. sportska

vii.            waa in nidaamka shirkadani ku shaqeyn doonto  wafaqsanada fulineysana nidamka calamiga ah ee macdan qodista.

waa in ay barnamij cad kala yimadan waxyeelada soo gaadhi doonta degaanka ay ku taalo   warshadu.

waa in maalgashiga 50%  reer berberi lahadaan ugu yaraan, oo dabadeed u qeybsadan si siman ( fare and free investment opportunity)

alah mahad leh

Sahil youth intelectuals

1. c/qadir xaji jamac ( chairman)

2. mohamed ali ahmed (excutive director)

3. mohamed abdilahi elmi ( vice chairman)

4, maxamed ciise

5 mubarig cisman siciid

6, cabdi laaran maxamud

7 xasan yaxye warsame

8 crisaaq sacad muuse

10. nuur siciid jama

11. amran sicid cabdi ( shacni)

12. hibo keyse axmed

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *