Hargeysa (ANN) Allah haw naxariistee Marxuum Cumar Faarax Budeeye oo ka mid ahaa Odayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Marxuumka oo ka mid ahaa Odayaasha ugu da’ada weyn golahaa ayaa door mihiim ah kasoo qaatay nabadayntii Somaliland, wuxuu mudo dhawr sanadood ah u jiifay dhaawac kasoo gaadhay gaadhi la qalibmay.
Madaxweyne kuxigeenka JSL, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u dirayaa Golaha Guurtida, Qoyskii, Qarabadii, Ehelkii, iyo  Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida naxdinta leh ee ku timid XILDHIBAAN CUMAR FAARAX BUDEEYE oo ka mid ahaa Golaha Guurtida JSL, kuna geeriyooday magaalada Hargeisa maanta.

MARXUUMKU waxa uu ka mid ahaa odayaashii sida weyn uga qayb qaatay nabadayntii iyo hub ka dhigistii Ciidamada JSL.

Madaxweyne kuxigeenku waxa uu MARXUUMKA ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo,  Dhamaanna Qoyskii, Qarabadii, Ehelkii, iyo Golaha Guurtida  iyo guud ahaanba Shacbiga Reer Somaliland, in uu samir iyo iimaan ka siiyo MARXUUMKA.

IN-NAA ILLAAHI WA IN-NAA ILLAAHI RAAJUCUUN

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *