Shaki ma laha in qabiilka aynu sheeganno haddii aynu Soomaali nahay uusan dhibaato mooyee wax khayr ah lahayn loona baahan yahay in laga koro, sidaa oo ay tahay waxay culumadu ku doodaan in uu Alleh qabiil naga dhigay uuna xaq yahay. Qabiilka waa jiraa oo Quraanka ayaa noo sheegay hase yeeshee waa kee

qabiilka Alleh naga dhigay? Waxaan arkay culumo fara badan oo si adag ugu doodaysa in uu yahay midka aynu sheeganno. Waxaan doonayaa in culumadu in uu yahay midka aynu sheeganno ay wax daliil cad ah na siiyaan, waayo aayaddu waxay sheegaysaa in qabaa’il Alle naga kala dhiga, marka annaga ayay noo taal in aynu garanno qabiilkaasi kuu yahay.
Waxaan maalin dhoweyd akhriyey qormo uu qoray Sh. Axmed Cabdisamad oo uu ugu magac daray Qiimaha Qabiilka iyo Qurmuunka Qabyaaladda in kasta oo uu shiikhu  ansixiyey in qabiilku yahay midka aynu sheeganno haddana wax wanaagsan ayuu qoray oo caddaynaya in uusan ahayn sida uu u sheegay shiikhu. Wuxuu shiikhu qoray in asxaabigii jaliilka ahaa ee la odhan jiray Salmaan Faarisi uu qabiilkiisu ahaa Faarisi, Suhaybna uu ahaa Rooman halkaas ayaad ka garan karaysaan in qabiilka Faaris iyo Roomanba ay u dhigmaan Soomaali ee aanay ahayn Hawiye iyo Daarood oo kale. Waxaa la moodaa in la isku qaldayo qabiilka iyo shacabka matal waxaa la odhan karaa shacabka Soomaaliyeed oo ka kooban saddex qabiil oo kala isir ah oo kala ah Soomaali, Jareer iyo reer Xamar, Baraawaan iwm oo isku qabiil ah. Sidaas oo kale shacabka Itoobiya wuxuu ka kooban yahay in 50 qabiil oo kala asal ah ka badan. Eritrea oo aan muddo soo joogay waxay ka kooban yihiin sagaal qabiil oo uusan midna mid la asal ahayn kuna kala duwan muuqaalka, luqadda, dhaqanka iyo caadada.
Arrinka u baahan in si cad loo qeexo waa sida ay aayaddu sheegayso qabiilka ayaa qofka lagu aqoonsadaa, matal qof Soomaali ah ayaa lagu dila Ingriiska ama meel kale oo aan Soomaaliya ahayn, ma waxaa war baahintu dhahayaan nin Soomaali ah ayaa lagu dilay London mase waxay dhahayaan nin Hawiye ah ayaa lagu dilay London, way cad dahay in nin Soomaali ah la lee yahay, sidaas darteed qabiilka nalagu aqoonsanayaa waa Soomaali ee ma aha Hawiye iyo waxyaabaha la midka ah.
Waxaan culumada ka doonaynaa in ay arrinkan ka fadhiistaan si maan gal ahna u fekeraan qabiilkana meel saaraan dadkana si cilmiya u qanciyaan ee aanay hadal iska dhihin.
Haddii aan ka hadlo xagga diyo bixinta qabiilku ma aha nicmo ka mid ah nicmooyinka Alle nagu manaystay waayo diyada ma aha in uu qabiilku qaadhaamo ee waa in qoyska dilka geystay wixii ay hanti iyo xoolo lee yihiin laga qaado, laguna wareejiyo qoyska wax laga dilay. Qabiilka diyada qaaraamayaa wuxuu ku noqday diinta dhabar jebin waayo waxaa caado noqotay inta gacan ku dhiigle la badbaadiyo oo diyo laga bixiyo in uu mar kasta dadka uu ku dhaho Wallaahay inta aan ku dilo ayaa taano taano magtaada loo bixin doonaa. Marka diyo ka bixinta noocaas ahi waa mid khilaafsan shareecada Alle.
Waxaan ummadda Islaamka ah ee Soomaaliyeed ku baraarujinayaa in qabiilka Alle naga dhigay ee kitaabka ku dhigani yahay Soomaali ee uusan ahayn Hawiye, Daarood, Dir iyo Raxaweyn. Marka shacabka Soomaaliyeed wuxuu ka koobmaa saddex qabiil oo kala ah Soomaali oo 2500 – 3000 sano ka hor nebi Ciise ka soo qaxday koonfurta Hindiya, jareer oo ah dadkii loogu yimid dalka ee iska leh iyo reer Xamar oo aan uga jeedo gebil cad oo dhan oo dalka la yimid Saciid Barqash oo dawladdii Islaamka ugaga ahaa guddoomiye gobol Soomaaliya.
SHACAB
Shacab waa dad fara badan oo ama isku asal ah ama kala asal ah oo isku meel ku wada nool. Marka shacabka Soomaaliyeed wuxuu ka kooban yahay saddex qabiil oo kala Soomaali, jareer iyo gibil cad.
NASABKA
Muxuu yahay nasabku? Markii aan ka baadhay Lisaanul Carab nasab wuxuu noqday saddex wax, nasabku wuxuu noqon karaa qabiilka uu qofka ka tirsan yahay, meel magaceed sida reer waqooyi, reer koonfureed, reer bari iyo reer galbeed ama wuxuu noqon deegaan, wuxuu kale oo nasabku noqon karaa xirfadda uu qofku maalo sida Injineer, Dhaqtar, wastaad, nijaar iwm.  Isnasab guursada waxaa loola jeedaa in uu ninku guursado gabadh ay isla qabsan karaan oo ama ay isku deegaan yihiin ama gabadh ka dhalatay qoys kula xirfad ah, sida haddii tahay dhaqtar waxay isugu kiin baxaysaa gabadh dhaqtarad ah ama uu aabeheed yahay dhaqta, haddii aad tahay qaalli waxaad gursataa gabadh ku soo barbaartay qoys qaalli ah iyo in aad guursato gabadh muslim ah haddii aad tahay muslim. Waxaa loo kala sharaf badan yahay sida loo kala Alle cabsi badan yahay ee ma aha sida loo kala tun weyn yahay. Nin aan soomin oo salaadin oo faajir ah ayaa dhahaya nin mu’min ah gabadhayda ma geyo waayo waa nasab dhiman. Ma garan karaa in uu ninkaasi wixii uu Alle xalaaleeyey uu xaaraantimeeyey uuna ku sugan yahay shirki oo uu mushrig yahay sidaasna ku if iyo aakhiraba seegi karo.
QABYAALADDA:
Qabyaaladdu maxay tahay? Waa loollan danaysi oo ka dhexeeya qabaa’ilka. Marba haddii ay dadku isku dan ahayn oo ay kooxo kala noqdaan xasaradi kama dhammaato. Waxaan aad ula yaabaa dad culumo iyo caamaba leh oo dhaha qabiilku waa xaq oo Alle ayaa naga dhigay ee qabyaaladda ayaa xun. Waxaad mooddaa dadka sidaas lihi in aanay aqoon u lahayn cilmi mandiqa waayo qabiilka ayaa keenay qabyaaladda. Ma aha qabyaaladdu dhibaato qabiil la’aan jiri karta qabiilna ma dhici karto qabyaalad la’aan. Sidaas darteed haddii ay qabyaaladdu xun tahay waxa keenay ayaa xun oo ah qabiilka.
Marka qabyaaladda waxaa lagu dhahaa afka Ingriiska racism waana iyada oo ninka cadi uu midab takooro ninka madaw, ama waa iyada oo Soomaaligu uu midab takoor jareerta ama gibil caddu ay midab takoorto Soomaaliga. Laakiina laba nin oo Soomaali aha midab takoor kama dhex dhici karo.
Qayaaladdu waa xasaradda ka dhex dhalata qabaa’ilka oo midiba mid yaso dulmina isugu hiiliya, waana waxa afka Ingriiska loo yaqaan racism, sida kani waa Jareer oo gabadhayda guursan maayo waana nin muslim ah oo Alle u xalaaleeyey guurka gabadhaada muslimka ah, adiguna aad wixii Alle xalaaleeyey doonaysid in aad xaaraantimayso waana gaalnimo iyo aakhiro seeg iyo toobad la’aan. Qabyaaladdu waa dhibaato caalami ah.
Qabiilka Alle naga dhigay waa Soomaali ee ma aha Hawiye, Daarood, Raxanweyn, Dir iwm. Qabyaaladduna waxay ka dhex dhalan kartaa Soomaali iyo Jareer ama Jareer iyo gibil cad. Waxaa habboonayd in shucuubta Islaamku lee yahay hal dawlo, markaas ayaa haddii ay kulmaan laba nin oo midna yahay Yamani midna Soomaali ay markii midi weydiiyo kan kale qabiilkiisa uu dhayaa waxaan ahay Soomaali ama waxaan ahay Yamani, ma aha in uu dhahayo waxaan ahay Hawiye iwm.
G/le Sare Omer Suleiman Ali                             5/08/11

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *