Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa soo bandhigtay waxqabadka wasaaradaha Ha’yadaha dawliga ah ee sadexdii bilood ee la soo dhaafay, taas oo qayb ka ah balanqaadkii xiligii Ololaha doorashada ee kal hore Madaxweyne Siilaanyo ugu balanqaaday shacbiga in waxqabadka

xukuumaddiisa saddexdii biloodba mar dadweynaha losoo bandhigayo.
sadexda   wasaaradood ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta,  Diinta iyo Waqaafta iyo Ganacsiga iyo Dalxiiska, kuwaas oo qoraalka kasoo baxay xukuumadda Somaliland ee waxqabadkoodii saddexdii biood ee u danbeeyay u qornaa sidan:-

Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

17.
waxa la ansixiyay sharciga isgaadhsiinta Somaliland.
Waxa la soo xareeyay dakhliga isgaadhsiinta Somaliland.
-isbarbardhigga dakhliga maanta iyo dakhliga marka la adeegsado qalabka iskuxidhka iyo maaraynta isgaadhsiinta.
-waxa la dhisay guddida iskuxidhka  shirkadaha isgaadhsiinta
Wasaaraddu isgaadhsiintu waxa ay ka baadhaandegtay qalab lagu maareeyo hirarka isgaadhisiinta si loo hubiyo habsami u adeegsiga hirarka isgaadhsiinta ee qaranka.
19/07/2011 waxay Wasaaraddu ku Guulaysatay inay daaha ka rogtay isku xidhka wada hadalka shirkadaha dhexdooda oo heshiis ay ku galeen 5 shirkadood, wada-hadalna uu socda shirkada ka maqan Heshiiska ee Telesom.
Wasaaradda Diinta & Awqaafta
18.
Waxa la qabtay Shirweynihii 1aad ee loo qabto culimaa’udiinka dalka oo laga hadlayay xagjirnimada iyo sida looga fogaynayo dhalinyarta kaasi oo socday mudo laba todoabaa ah 01-15/04/2011.
-Wacyigalin diiniya oo dhinaca nabadgelyada ah.
Aqoon korodhsi culimada iyo shaqaalaha wasaarada Diinta iyo Awqaafta oo socday mudoo todobaad ah.
– Wasaarda oo si xoog leh uga qayb qaadatay caawimada dadkii iyo xoolihii abaaraha ku waxyeeloobay.

-Diiwaangalinta & xog-ogal u noqoshada xaalad masaajidada iyo madaarista dalka.
-Dhamasytirka mago la isku haystay oo la cadeeyey cida xaqa u leh.
Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu waxay ka jawaabtay fatwo su’aalo lanaga soo codsaday.

Wasaaradda  Ganacsiga, wershadaha iyo Dalxiiska
19.

– Gal saxar oo aan ku samaynay sawiro maroodiyaal,deerooyin, nin faras fuushan iyo sawirkii diinsoor.
– Dabis waa xarun loogu talogalay dalxiis oo ay ku taalo saddex qol oo dalxiisayaashu seexdaan, saddex hall oo waaweyn iyo laba barkadood iyo hal dhaam iyo laba kun oo geed oo baxarasaaf ah.
– Wasaaradu waxay diyaarisay tirokoob bille ah oo ku saabsan badeecadaha dalka soo gala iyo kuwa ka baxa.
– Wasaaradu waxay midaysay oo ay dhaqan galisay miisaaniyada midaysan oo ka kooban wershadaha iyo dalxiiska.
– Caqabadaha jira waxa ka mid ah:
Xidhiidh ganacsi oo aynan la yeelan Karin dalalka dibadaha (aqoonsi la’aan darteed).
Maalgashi shisheeye oo aan jirin.
Maqnaansha Baanka Ganacsiga LC (Commercial Bank).
Hay’aha ganacsiga ee cawin jiray ganacsiga oo aan dalka.
Miisaaniyad horumarieend oo aan wasaraadara ugu jirin.
Dhamaystir la’aan shuruucdii ganacgsigu au baaahnaa, kala joogin xadaynta laanta ganacsiga.

la soco——–

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *