Qofkasta oo muwaadin ahi waxuu xaq u leeyahay inuu codkiisa ku cabiro waxuu doonayo iyo wuxuu diidanyahayba isagoo kaskiisa maalaya kana duulaya waxii dadka iyo dalka u dan ah.
Dawladkastoo Masuul ahna waxaa xaq loogu leeyahay dhagaysi, wax ka qabashada cabashada muwaadin ka iyo tawgu horaysa oo ah sugida amaanka iyo nabada qofka muwaadinka iyo ta dalkaba.

Haddaba waxaad moodaa in aduunka lagalay marxalado xambaarsan duufaano colaadeed oo huwan Qaran Burburis, Dhaqan iyo dhaqaale Burbur taasoo cidhib teeda dambe ku soo af go’ayso xasilooni dari iyo nabada oo faraha ka baxda sida dalal badan oo maanta aan television nada ka daawano ugu habsatay oo halka laga soo galay noqotay halkay u buktay eey u jilic sanayd.

Haddaba waxaa nasijb daro noqotay in dagaalada Somaliland dibadaha kaga socdaa ay saameyn ku yeelanayso gudaha wadanka ayaga oo ay ka qayb qaadanayaan dad gaar ah oo shaqo looga dhigay, ama ku wax qaatay siday ujeedada dumiyaha u hirgalin lahaayeen taasoo aanayse dadka daba socdaa aanay fahansanayn.
Haddaba dadka shicibka ah een waxan fahansanayn ee xamaasada la galiyey, kuwa xisbiyada ee balanqaadka beenta ah dumiyayaasha kusoo dagaal gasheen iyo kuwa dawlada lafteeda ku jira een danaynayn doonista shacabka intuba waxaanu leenahay Waar ha noqonina qaar qoriga dabka ah ee gurigooda lagu gubayo gacantooda kusoo qaata ee noqda qaar masaakiinta iyo wax ma garatada hoos joogta u tudha oo dhibka ka bad baadiya.

Dadka Dana Gaara dad kale u wadaa waxaa lagu yaqaan in dhibyari haday dhacdo,  ama is fahan la’aani ay isla markaaba SAXAAFADA ku yaacaan iyagoo dadka kicinaya oo Leh BEESHA CAALAMKA, QARANADA MIDOOBAY ayaanu codsi iyo baaq u dirsanaynaa!?

Is weydii? Waa ayo BEESHA CAALAMKU? Maxayse uqabataa ummad babad iyo xasilooni haysata? Maxayse ka qabataa ama ka tidhaa umad la dulmayo oo nabad iyo nafba waayey?

Markay u baaqayaan waxaad moodaa inay adeeradood u baaqayaan makay arkaan dulmiga umadaha kale lagu hayo waxay yidhaahdaan waa cadaalad daro. Ha noqon naf isdiido dhexdeeda taal.

Anigu waxaasoo baaq ah waxaan u arkaa inuu baaq indhoola yahay oo ujeedadiisu tahay: Nabadi ayaa meel aan ka maro weynee kaalayoo naga kala DAADSHA.
Waxaan hadalkeyga kusoo Afjarayaa, hadaad muwaadin SOMALILALAD ah tahay waxaad xaq u leedahay in dawladaada hadaad ka weyday waxaad u dooratay inaad xaq u leedahay inaad rido, adigoo ka codaynaya doorashada waayo doorashay ku timid doorashayna ku tegi,  laakiin waxaad oggaataa dawladaada CAALAMKU kulama laha ee aday dawladaada tahay waxayna dawlad ku tahay adiga iyo sidaad Dawladaada u dufaaci lahayd.

By sociologist Saeed Issa Eleyeh.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *