shire Company 1

Hargeysa(Araweelo News Network)Gancsi qaab farshaxan iyo casriya ah oo Dukaanada waaweyn ee loo yaqaan Supermarkey-yada iyo addeegyo kale oo

ku lamaan sida Kaalin Shidaal iyo Leebaajooyinka gaaiidka lagu maydho, ayaa lagu furay Magaalada Caasimada ah ee Hargeysa.
shire Copmeny new bissines hargeysashire Company Modern 2
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Bashiir Cabdi Xariir, ayaa xadhiga ka jaray furitaanka ganacsiga cusub iyo adeegyada shirkadda Shirre Company oo uu leeyahay Xasan Aadan Shire oo ah nin dhalinayaro ah, kaas oo kusoo kordhiyay ganacsigiisa iyo adeegyo casri ah oo aan hore looga baran dukaamadda waaweyn, ama Supermarket-yada sidan oo kale oo laga furo guud ahaan Somaliland iyo Caasimada Hargeysa.

shire Company4

Munaasibadii furitaanka dhismaha Shire Compeny oo xalay laga furay goobta uu ku yaal dhismeheedu ee Xaafadda Shacabka, taas oo wax ka yar boqol tallaabo dhinaca Galbeed kaga beegan xaruntii hore ee Hay’adda UNICEF, isla markaana kulaalay wadada Laamiga ah ee marta halkaa, waxaana sidoo kale furitaankii dhismaha xarunta Shirkadda Shire Compeny ka qaybgalay, Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Golaha Deegaanka, ganacsato iyo dadweyne kale.

Shire Company5

Wasiir Ku Xigeenka wasaaradda Ganacsiga Somaliland Bashiir Cabdi Xariir oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka xarunta dhismahaa, ayaa sheegay in siyaasada xukuumaddu tahay in la dhiiri-geliyo ganacsiga iyo maalgashiga dalka oo ay wasaarad ahaan soo dhowaynayaan dadka doonaya in ay abuuraan fursado ganacsi oo maal-gashi, kuwaas oo uu sheegay in ay wax weyn ka tarayaan dhaqaalaha dalka iyo shaqo la’aanta.

shire Company3

Wasiir ku xigeenka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cabdikariim Axmed Mooge oo weedho kooban ka jeediyay halkaa ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay nin dhalinyaro ah oo ganacsigan oo kale ka furay dalka.

Maareeyaha Somaliland TV  Khadar Ali Gaas
Mulkiilaha Shirkadda Shire Compeny Xasan Aadan Shire, ayaa sheegay in ganacsigoodu ka duwanyahay gnacsiyada sidan ee kale hore dalka uga jiray, isla markaana qaab casri ah oo ku cusub ganacsiyada sidan oo kale ah u qorsheyeen, isagoo xusay gebi ahaanba adeegyada ay macbiisha iyo bulshada ugu talo galeen ka duwan yihiin qaabka ganacsiga ay muuqaalka isu eegyihiin ee hore uga jira Hargeysa iyo guud ahaanba dalka, sheegay in yagleelida ganacsigan cusub ay iska kaashadeen Shirre Company iyo shirkadda Hass-Petroleum oo door weyn ka cayaartay bilawga iyo dhamaystirka dhismaha iyo xarunta ganacsiga ee Shire Compeny, taas oo uu sheegay in ay tusaale u tahay in haddii qofku la yimaado feker oo loo arko inuu yahay mid macquul ah uu helayo taageero si uu iga midha dhaliyo hadafkiisa.

Moh Hasan Adan Shire Owner Modern Business
Ganacsade Xasan Aadan Shire, wuxuu u mahad celiyay masuuliyiinta iyo dhamaan bulshada kala duwan eek a qaybgashay furitaanka xarunta shirkadiisa Shire Compeny oo laga helayo qaybta Supermarket-ka adeegyo iyo alaabooyin casri ah iyo sidoo kale qaybta Shidaalka gaadiidka iyo Qalabka dayac-tirka gaadiidka iyo weliba nadiifinta, ama maydhista Leebaajada Baabuurta.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *