Hargeysa(Araweelo News Network)Maayirka oo kormeer ku maray dhismaha iyo bannaynta waddada weyn ee isku xidhi doonta xaafadda isku raranta noqday ee

 

Daami iyo Goljanno ee magaalada Hrageysa maanta, ayaa warbaahinta u sheegay in dhismaha jidkaasi socdo, lana burburiyey dhammaan dayrarkii iyo sandaqadihii soo galay waddada, isagoo digniin adag u diray dadka meheradaha sandaqadaha ah ka hor dhista guryaha laamiyada ku jeeda.

“Waxaynnu joognaa waddadii xaafadaha Daami iyo Goljanno isku xidhaysay, taas oo hadda la wado, isla markaana la dhigayo cammuuddii lagu dhisayey, waxana soo kormeeray siday hawshu u socoto iyo dadweynuhu sidii ay ula shaqayn lahaayeen shaqaalaha dawladda hoose ee hawshaas ku guda jira,”ayuu yidhi maayirku.

Waxa uu intaa ku daray; “Magaalada meel kasta oo ay tahay sandaqad ku taal, markaa meel kastoo sharci-darro ah waannu duminaynaa. Maalinba meel baannu ka bilaabaynaa. Waxaan leeyahay kuwo badhtamaha suuqa barandayaasha ka samaystay dhammaantiin iska sii wada furta muddo toddobo maalmood ah ayaan idinku darnay. Wallaahi naga nabadgali mayso sandaqad laga dhistay meel sharci-darro ah ee imminka ka sii fujista? Yaan la idiin sheegin yaan la odhan. Dadka dukaamada ka furtay guryahooda hortooda waxaan leeyahay qof walowba gurigaaga ka dhex samayso dukaanka.”

Waxa kaloo maayirku sheegay inay Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Warshadda Laydhka ka wada shaqaynayaan sidiii biyaha jabay iyo biraha laydhka ku dumay hawlgalkaaas loo samayn lahaa, si aanay xaafaduhu u waayin biyo iyo laydh inta hawshu socoto.

“Xagga biyaha waxa nooga qorshaysan Wakaaladda Biyaha iyo kuwo laydhka, laakiin mararka qaarkood ayey dhacaan dib-u-dhac. Wakaaladda Biyaha waannu wada shaqaynaynaa. Qaybta Goljanno-na qayb ayaannu ka bixinaynaa Wakaaladda Biyuhu si aanay dadku biyo la’aan ugu dhacin, balse waddadan muddo lama marin lix sanno ugu yaraan lug mooyee gaadhi muu mari jirin, marka way ka iman karta marka la samaynayo inuu beeb jabo,” ayuu yidhi Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco).
info@araweelonews.com
Hargeysa Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *