Somaliland waxa dhaqan u noqday in mar kasta lagu murmo ama laysku maandhaafo sharciyada arrin kasta oo ku yimaada ama la soo bandhigo guud ahaan gaar ahaan wakhtiyada doorashooyinka xataa haddii ay yihiin kuwo hore oo ina soo maray, waxay ahayd in aynu ku murano

 

wixii ugub ah ama saxaada ku cusub ee inala soo dersa.

Muranka soo noqnoqdaa waa hadal tiro iyo wakhti lumis.  Hadaba maxaa keena in mar kasta sharciga laysku khilaafo iyo in hal qodob lagu kala fasiro siyaabo kala duwan?

– Dhamaystir la’aanta dastuurka iyo xeerka doorashooyinka.

– Madaxda qaranka qaarkood oo si badheedh ah u jebiya shuruucda dalka .

– Kuwo ay aqoon daro ka tahay isla markaana aan waxba ka weydiin dadka aqoonta u leh.

– Iyo ugu dambayn inaga oo aan waxba ka baran dhacdooyinkii hore ee ina soo maray.

Si kasta ha ahaate gudiga anshaxa dooroshooyinka oo hoos yimaada ama la shaqeeya komishanka doorashooyinka qaranka dhawaan waxay sheegeen ama tilmaameen in masuuliyiin dawlada u shaqeeyaa si toos ah uga qayb qaataan ololaha doorashada golaha deeganada ee xisgiba Kulmiye iyaga oo u cuskanaya sharciga shaqaala dawlada ee lambarkiisu yahay 7/96.  Masuuliinta la eedeeyey iyaguna dhankooda waxay ku doodayaan in aanay ka mid ahayn shaqaalaha xeerkan lagu tilmaamay.

Sideedaba dad badan ayaa u haysta qof kasta oo mushahar dawlada ka qaataa in uu yahay shaqaale xeer keli ahina wada qabto .

Haddaba aniga oo ah Gudoomiyihii hore ee Hay’ada shaqaalaha si loo fahmo waxaan halkan si kooban ugu iftiiminayaa qaybaha shaqaalaha dawladu u kala baxaan oo kala ah: Kuwa joogtada ah iyo kuwa aan joogtada ahayn oo iyaguna u sii kala baxa qayb mudo yar la hawl geliyo 1-12 bilood, waxa loogu talo galay in ay culayska ka yareeyaan shaqaalaha joogtada ah haddii shaqadu ka badato ama waxay noqon karaan dad aqoon gaar ah leh si looga faa’idaysto, waxa jira kuwo kale oo aan lahayn mudo cayiman oo la yaqaano.

Kuwa dambe waxay ka kooban yihiin xubnaha komishanada sida hay’ada shaqaalaha dawlada, Xuuququl Insaanka, Gudiga La Dagaalanka Aids-ka, Gudiga Xasuuqa iyo qaar kale oo badan.

Shaqaalaha joogtada ah waxay shaqada ku helaan imtixaan loo tartamay laakiin gudiyada iyo saraakiisha sarsare ee komishanada waxa digreeto ku magacaaba Madaxweynaha JSL.

Shaqaalaha joogtada ah waxay qataan mushahar markay shaqada ka tegaan ama gaboobaan waxay dawlada ka helaan xuquuq sharcigu u waajibiyey ama waxa la siiyaa gunada hawl gabka waxaanay ka kooban yihiin, Agaasimayaasha guud iyo wixii ka hooseeya. Kuwa temporary-gu waxay qataan  guno iyagu haddii ay hawsha ka fadhiistaan ma laha wax xuquuq ah sida kuwa joogtada ah. Dhinaca kale shaqaalaha joogtada ah haddii damac ka galo in uu u tartamo golayaasha degaanka ama wakiilada wuxuu istiqaalad u gudbinayaa hay’ada shaqaalaha dawlada 60 malmood ka hor maalinta doorashada, xubnaha komishanada iyaga waxa la rabaa in uu iska casilo xilkii uu ka hayey hay’adii uu ka tirsana.

Waxa laga yaabaa in ay dadka qaar u haystaan in shaqada mucaaridku tahay in la la caarido wax kasta oo laga uriyo dawlada ama ka yimaada laakiin mucaaridku waa in uu ka garaabaa ama taageera wixii sax ah, khaladkana ka diidaa. Hadal iyo dhamaan aniga oo ka duulaaya maahmaandan “Gaalka dil gartiisana sii”, xubnaha gudiga anshaxa doorashadu magacaabay ma aha shaqaale joogto ah sidadaraadeed ma qabanayo xeerka shaqaalaha dawladu ee ka maanacaya in ay door firfircoon ka qaataan ololaha doorashooyinka waxase ka reeban in ay kaga qayb galaan hantida umadda.

Cabdiraxman Cadami

abdirahmanadami@yahoo.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *