DSCF0794.JPGHargeysa(ANN)Kumanaan Taageerayaasha Musharax C/raxmaan Cali Giire oo ka mid ah musharaxiinta golaha deegaanka ugu cad cad xubnaha uga sharaxan xisbiga Kulmiye Gobolka Maroodi-jeex, ayaa saaka isugu soo baxay

 

garoonka Gannad iyo qaar ka mid ah Xaafadaha Woqooyiga Magaalada Hargaysa si ay muujiyaan cudooda. Musharax C/raxmaan waxa kaloo uu xafiisyo cusub ka furay maanta qaar ka mid ah Xaafadaha magaalada Hareysa ee 26 Juun iyo Gacan Libaax.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad  ee xisbiga Kulmiye Muj. Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa masuuliyiinta Kulmiye ee fagaaraha Gannad kula hadlay taageerayaasha Musharax C/raxmaan Cali Giire, ayaa  u mahad celiyey kumanaan taageerayaasha musharaxaa oo isugu soo baxay halkaa, wuxuuna uga mahad celiyay sida balaadhan ee ay ugu soo baxeen murashaxooda ee ay u muujiyeen taageerada ay u hayaan, isagoo ka codsaday in ay u cedeeyan murashax C/raxmaan Cali Giire oo uu ku tilmaamay nin aqoonyahan ah oo usoo banbaxay sidii uu baahiyaha caasimadda Hargeisa wax uga qaban lahaa.
DSCF0868.JPGDSCF0834.JPG
Qaar ka mid ah taageerayaasha oo ka hadlay fagaaraha ayaa si cad u sheegay inay balan qaadayaan  sidii ay codkooda ugu soo saari lahaayeen murshaxaa oo  si xamaasadi ka muuqato ay isugu soo bexeen taageeerayaashiisu, waxayna  cod dheer ku  balan qaadeen in ay  si hagar la’aan ah  u siin doonaan Murashaxooda C/raxmaan Cali giirre codkooda.
Geba gebadii waxa weedho kooban ka jeediyay halkaa Murashax C/raxmaan Cali Giirre oo u mahad celiyey taageerayaashiisa sida quruxda badan ee ay u muujiyeen taageeradooda iyo waliba sida ay u soo bandhigeen cududooda.

MUSHARAXA .C.RAXMAAN CALI GIIRE.JPGDSCF0794.JPG
C/raxmaan Cali Giire wuxuu balanqaaday inuu baahida ka jirta Caasimada Hargeysa wax ka qabanayo, isla markaana aanu ilaabayn rabitaanka bulshada iyo baahiyaha aasaasiga ah oo uu wax ka qaban doono dhinacyada Waxbarashada oo uu sheegay inuu ahmiyad gaara siinayo. sidoo kalena garoomada iyo wadooyina uu ku dedaali doono sidii wax looga qaban lahaa, isagoo yidhi,  “Anigu waxaan ka mid ahaa markii dalka dib loogu soo noqday dadkii aasaasay dugsiyadda caasimadda waxaanan wasaarada waxbarashada ka soo shaqaynayay muddo dheer. Waxaanan dedaal u galay sidii aan aqoontayda ugu gudbin lahaa jiilka cusub, waxaan ballan qaadayaa in aan wax ka qaban doono baahiyaha bulshada qeybaheeda kala duwan, sida waxbarashada oo ahimiyada koobaad aan siinayo, garoomada, wadooyinka, bilicda caasimada, qashinka  iyo dhamaan adeegayada aasaasiga ah oo aan horumar u horseedi doono caasimada oo aad maanta sida ay tahay. si aan u meel mariyo himiladaa waa inaa codkiina i siisaan, waana inaad xafidaan lambarka astaanta oo ah 307. ” ayuu yidhi Musharax C/raxmaan Cali Giire oo ka mid ahaa macalimiintii waxbarshada Somaliland doorka kasoo qaatay. xiliyadii sagaashanaadkii markii dalka lagu soo laabtay, isla markaana ah aqoonyahan kasoo jeeda qoys taariikh ku leh halgankii gobonimadoonka iyo dib u xorayntii dalka.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *