-
Published On: Wed, Nov 14th, 2012

Magacaabistaydii iyo maagistaydii: Laba Isku Lamaanaa Qormooyinkii 3oaad Iyo 31aad: Boobe Yuusuf Ducaale

Smiley face
Share This
Tags

Ma aan jeclayn in aan ku dheeraado Qormooyinkan danbe, oo gebagebo ayaan iska taagnaaba. Bal se, xusuusta ayaa hadba meel xadantaynaysa, markaas ayuu dareenku u hollanayaa tuducyadii Hadraawi ee tawsta iyo tabaalahaa ku mudnaa. Waxa kugu soo

 

dhacayaa tuduc ahaa:

“Hinji qalinka nabaryahow,

Hohe! Leebka igu mudan,

Waxba hawla kala hadhin,”

Halkaa halkeedii ayaan taaganahay ee nin kastaa candhuuftiisa dib ha u liqo. Markii uu ‘Hanti-dhowraha Guud’ daf na soo yidhi isaga oo aan waxba I ogeysiin Wasiir ahaan, waanu iska garannay in uu jihaysan yahay sidii uu beryaha qaar ahaan jiray.

Maalin labaaddii ay Hanti-dhowrku nala joogeen, oo ahayd 31/7/2012ka ayaa Xasan Maxamuud oo ahaa Agaasimihii Xisaabaadka iyo Maamulka ee TV-ga Qaranka lagu xidhay Saldhigga booliska ee Kood-buur. Xasan Maxamuud markan la xidhayo, lagama kaxayn xafiiskiisa iyo suuqa midna, bal se iyada oo lagu wareysanayo xafiiska Hanti-dhowraha Guud ayaa lagu yidhi, sidii dhaqanku ahaa, halkan ha ka bixin. Goor ay saacadihii reebbanaa iyo xilliyadii wax-saareenka ahayd oo ay malaha 2.00 duhurnimo saacaddu dhaaftay ayaa loo sheegay in uu xidhan yahay. Saldhigga Kood-buur in lagu xidhi ayaa qudheedu malahayga sama-fal ayay ahayd oo reerka iyo ehelkaba u dhaweyd.

Sidii dhaqankeennu ahaa odayaashii iyo Xil-dhibaannadii gobolka Awdal ayaan u kala hadhin oo habeenkii oo dhan raadinayay Hanti-dhowraha Guud, bal se il iyo baal ma ay saarin oo waa uu ka dhuuntay tilifoonkiina waa uu ka xidhay. Illeyn ma ay sii deyn karayn e’, waxay is-lahaayeen bal in dammiin lagu sii deyn karo. Habeennadii kheyrka ee Ramadaan ayay ahayd, oo habeenno la is-hantaaqo oo la is-hagardaameeyaba ma ay ahayn. Waa ninkii Ilaahay solansiiyo. Qolo kale oo ay ahayd in ay Xasan Maxamuud u gurmataana, Ilaahay mahaddii ayay taagnaayeen oo waxay la meeraysanayeen ciddii ay ku beddeli lahaayeen. Hadda arrin sahlan ha u qaadanina, waa arrin jirtay oo in badan agtayda lagu dhuftay, dad aanu sheeko-wadaag lahaynna lala soo qaaday si ay si dadban iigu soo gudbiyaan. Waanay dhacday. Ilaahay ceeb ha sturo.

Xasan Maxamuud, 5/8/2012ka ayaa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex la hor geeyay, waxaana lagu sii daayay dammiin uu ilaa maantadan aynu joogno ku jiro. Hadda waa ilaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12/11/1012ka. Bal ka warrama?

Markii Xasan Maxamuud dammiinka lagu sii daayay, Hanti-dhowraha Guud wuxu u soo qoray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta warqad sidii taararkii xilliyadii Ingiriiska u qoran oo wada far waaweyn (capital) ah oo uu ku sheegayo: Lacagta Xasan Maxamuud loo haysto oo ku dhaweyd 300.000.000 Sh/S/L iyo sanaati warqadaas oo ay soo qoreen 1/8/2012ka. Waxay intaa soo raaciyeen in Xasan Maxamuud laga wareejiyo xilkii Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka ee TV-ga Qaranka ee uu hayay. Hadda nimankii baadhista bilaabay 30/7/2012ka, ayaa markiiba helay qaladkii-xisaabeed ee jiray oo ciddii mas’uulka ka ahaydna xidhay. Alla nimanku belaayaysanaa ma ‘FBI-dii’ baa mise waa ‘Scotland Yard-tii’ Ingiriiska ee laga yaabay. Hadda ninka sidaa loo soo eedaynayaa, weli dammiinkii ayuu ku jiraa afar bilood ka dib. Ma deyrkii Maka ayaanu gubnay haddii aanu nidhaahno, waxba lama baadhayn ee in Xasan Maxamuud shaqada laga saaro keliya ayaa Maxamuud Dheere loo soo diray, mana aha ceebtii ee waa caadadii.

Intaa hore waxbaba ma aha ee bal tan nala dhandhamiya:

Xasan Maxamuud, rummaankii ugu horreeyay wuxu ahaa 31kii bishii Juulay ilaa 14kii bishii Sebtembar 2012ka, waana 45 maalmood oo ahayd intii xaqa loo lahaa in dacwad lagu keeno, ma se ay dhicin. Hanti-dhowraha Guud wuxu korodhsaday 45 maalmood oo kale oo ka bilaabmaysay 15kii Sebtembar ilaa 28kii Oktoobar. Halkaa waxa ku dhammaday sida la ii sheegay 90kii maalmood ee ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex xaqa u lahayd.

Intaa lagagama hadhin. Markanna Hanti-dhowraha Guud wuxu u biyaystay Maxkamadda Racfaanka oo uu ka dalbaday 30 maalmood oo dheeraad iyo korodhsiimo ah oo ka bilaabmaysay dhammaadkii bishii Oktoobar, 2012ka.

Ma maqli jirteen: “Ma annagaa waalan, mise Cadan baa laga heesayaa?” Bal miskiinkan yare e la moodo in aanu beni-aadamba ahayn ee uu seylad xoolaad dhex joogo eega. Xasan Maxamuud haddii uu eed ka galay hantidii Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta maxaa lala sugayaa oo Maxkamad loo geyn waayay?

Maansadii Shiinleyda ee Cabdi Iidaan Faarax ayaa waxa ku jiray beyd ahaa:

“Shuf u dhimo nin ragi waa geyaa, sharafna nooloow,”

Xasan Maxamuud, geeri iyo nololba xaq ayuu u leeyahay, laakiin waxaan qabannin oo aan muwaaddin kasta qaban summadda qoorta loo geliyay 31kii Juulay ilaa maantana ka lulata ee milgaha iyo sharafta muwaaddinka meel-ka-dhaca ku ah. Xasan Maxamuud waxa qortiisa sudhan summad baas oo far waaweyn ku qoran oo ah “EEDEYSANE’.

Xaaskiisa, saaxiibbadii iyo intii la shaqayn jirtay ayaa subax kasta iyo mar kasta oo ay arkaanba weydiiya goorta ay marxaladdan kala-guurka ee eedeysanuhu dhammaanayso. Waxaa lay weydiiyaa goorta uu is-barraxayo ama xabsiga gelayo si Qaranku uga guto eedaha uu galay. Saaxiibbadii iyo tolkii ayaa arka. Shacbiga ayaa guud ahaan arka, oo maalinba maalinta ka danbeysa sii rumeysta in uu ‘DENBILE’ noqon doono oo ay ku caddaan doonto maalin aan fogeyn. Miyaanu muwaaddin xuquuq dalka ku leh ahayn?

Kaaga daranta, markan Hanti-dhowraha Guud, warqadda uu ku codsanayo shaqo-ka-joojinta Xasan Maxamuud, oo malaha dardaaranka uu qabay ahaa in uu Agaasimaha Guud la xidhiidho oo aanu wasiirnimaydadaba aqoonsanayn, lacagta Xasan Maxamuud lagu soo eedeeyay waxay dhammayd 300.000.000 sh/SL ah iyo sanaati.

Laakiin waxa aydaan ogeyn markii Xasan Maxamuud Maxkamadda la geeyay lacagta lagu soo eedeeyay oo dhammayd 927,725,500 Sh/SL. Wax lala yaabo ma aha in uu ‘Hanti-dhowraha Guud’ tiro kale oo lacageed ku eedeeyay Xasan Maxamuud  oo uu u gudbiyay Madaxtooyada.

Sidaa ay tahay ayuu weliba Xasan Maxamuud buro sidaa oo inta ka liidata ee Hanti-dhowraha Guud eedeeyay ku odhanayaan:

“Bal ninkaad u tahay deni,

Iyo Xaaji soo degay,

Saadaasha kugu daray,

Is-na tiisa daymood,”

Qormooyinkaygan taxanaha ahaa ee kooban waxaan ku qaadaa-dhigayay oo ummaddan tabaalaysan ku hoga-tusaaleynayay:

Ku-takri-falka awoodaha kala duwan ee Dastuurka iyo xeerarkuba siinayaan Madaxda kala sarreysa ee Qaranka,
Adeegsiga ay dadka ama Madaxda qaarkeed adeegsanayaan awoodo aanay xeer iyo xaagaan midnaba u lahayn,
Hab-sami-u-socodka maamulka hay’adaha Qaranka gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta iyo qalin-daaridda joogtaysan ee ku socota,
Sida aan habboonayn maamulkana hagardaamada ku ah ee loo magaacabo madaxda xilalka kala duwan loo igmanayo, iyada oo inta badan loo cuskado abaal-marin loo siinayo adeegyo qarsoon oo ay madaxda igmanaysa u fuliyeen amaba u fulin doonaan. Abaal loo hayo waxa kaliya ee u soo raaca ee lagu cugtaa waa qolannimo madhan oo aan macno sidaa u sii ridanba lahayn,
Musuq-maasuga iyo qaab-darrida loo maamulo ama loogu danaysto hantida qaranka,
Qaabka tebinta warbixinaha oo aan Madaxweynaha/Madaxtooyada ku gaadhin oo keliya ama u marin tubaha rasmiga ah, bal se mararka qaarkood qaab war-sheeko ah looga qaato dad baydhsan oo Wasaaradda ka hawl-gala,
War-is-gaadhsiinta iyo war-isu-tebinta Xubnaha Golaha Wasiirrada oo aan isu gudbin tilifoonnadana la iska qaadin, arrintaas oo go’aan-qaadashada iyo fulinta hawlaha Qarankaba dhantaalaysa oo ragaadinaysa,
Isku-xidh-la’aanta iyo kala go’doonsanaanta dadka xukuumadda ku wada jira ee ku qaybsan danaha gaar ahaaneed iyo kooxaysiga sadheeyay maamulka jira,
Wadaag la’aanta xukuumadda ee dhacdooyinka dhacaya iyo wararka ay tahay in la isu gudbiyo si ay cid waliba xogogaal u noqoto, go’aammana uga qaadato,
Illowsanaanta madaxda qaarkeed ay illowsan tahay in ay xukuumadda ka tirsan yihiin oo aanay ahayn in ay isla xukuumaddii ay ka tirsanaayeen dacaayadeeyaan ama ay jabkeeda ku diirsadaan haddii aanay ku wiirsanba,
Idaacadda Siddeedaad iyo saamaynta taban ee ay ku yeelan karto habsami-u-socodka hawlaha radio Hargeysa iyo amniga Qarankaba kol haddii aanay sifo sharci ah ku soo gelin kuna dhex oollin xarunta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta,
Aamminasanaan-la’aanta madaxda Qaranka qaarkeed oo aan adeegsan war-baahinta qaranka bal se u iisha inta badan war-baahinta gaarka,
Hanti-dhowrka iyo Hanti-dhowraha Guud:

Waa mowduuc kale oo aad iyo aad xiiso u lahaa oo aan ku soo qaatay Qormooyinkaygan koobnaa ee taxanaha ahaa waxaana ka mid ah: Faro-gelintii Hanti-dhowrka iyo hawl-galka Hanti-dhowrka laftiisa. Waxa lama-huraan ah in aynu mowduucan iyo ‘Hanti-dhowraha Guudba’ ku yar hakanno oo cabbaar ku raasukhno. Faham kala duwan ayuu dadku ka haystaa Hanti-dhowrka iyo Hanti-howraha Guudba. Waxa kale oo iyaduna meesha ku jirta oo aan ka madhnayn sababihii loo abuuray hay’addan Qaran iyo qaababka aan la jeclaysan ee ay u hawl-gasho.

Subaxnimadii hore ee 30/7/2012ka oo maalin Isniin ah ahayd, ayaa waqti ay saacaddu ku beegnayd ilaa 7.10 ee aroortii hore, ayaa la ii soo sheegay in Hanti-dhowrihii Guud xidhay oo baadhayo xafiiskii Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka ee TV-ga Qaranka. Marka uu tilifoonkaasi igu soo dhacayay waan quraacanayay. Markiiba dhankii xafiiska ayaan u boqoolay. Waan iska garanayay in aanay ahayn baadhis caadiya ama aanu Hanti-dhowraha Guud iskii u iman bal se uu ku jihaysnaa Xasan Maxamuud oo ay hadal-hayntiisu aad u badnayd in badanna la igala hadlay. Waa tii aan hore idiin ku sheegay in maalintii warqadda Magacaabista la ii dhiibay la igala dardaarmay sidii aan ninkaa u kharaajin lahaa. In badan oo danbena hadalkiisa iyo sida aan meesha looga rabinba waan maqlayay.

Waxaan soo xusuustay maansadii ugu horreysay ee Timacadde tiriyay 1969kii markii ay ciidammadii millaterigu taladii dalka Soomaaliya af-genbiga ku qabsadeen. Tixdaas oo aan ‘Rabaab’ (Violin ama dhex-yar) u bixiyay, tuduc ku jiray ayaa ahaa:

“Riig looxaan ah nin qaatay,

Oo Raadyowgan ceelal ka baadhay,

Kola rays kama gaadho e’,

Rash uun buu yidhaaye,”

Si kale kuma garataan e’, Maxamuud Dheere waxaan u haystay in uu subaaxdaa Riiggaa Looxaanta ah noola yimid. Wixii ka gaadhayna waaba loo wada joogi.

Uma aan qaadin baadhis caadiya. Xafiiskaygii ayaan gal is-idhi. Mise waa mid bilays ah oo indho iyo dhegoba xidhan oo sidii noobiyadda ku hor qallalay oo qori la hor taagan. Yaab ayaan labada gacmood dhabanka saaray. Dhowr iyo labaatan askari oo bilays ah oo wasaaradda ilaaliyaa, qoryo lama soo galaan Xafiisyada, lamana hor fadhiistaan oo waa ka mamnuuc. Waxay qoryaha la hor-joogsadaan labada albaab ee waaweyn ee laga soo galo Wasaaradda: baabuur iyo dadba.

Anigu weligay bilays iyo ciidan I ilaaliya ma kaxaysan mana yeelan. Xataa intii yareyd ee aan Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ahaa, ma aan yeelan ciidan I ilaaliya. Gurigayga ma ay joogin. Xaafiiskayga ma ay joogin. Baabuurkaygana weligood iyo waqood ma ay raacin. Xataa mararka aan gobollada u baxayo aniga iyo dirawalka oo keliya ayaa bixi jirnay. Ilaahay baa wax ilaaliya, anna dhagar cid I disha la iga ilaaliyo iskuma aan ogeyn oo saskaa iyo cabsidaa ma aan qabin.

Askarigii Maxamuud Dheere (Hanti-dhowraha Guud) watay ee xafiiskayga hor taagnaa ayaan ku idhi: “Bal xafiiska iiga hor dhaqaaq, oo halkan qori lalama soo galo e’, dibadda ula bax. Haddii kale ciidankaa ammaanka ayaan kuugu yeedhayaa.” Sidii ayuu ku baxay aniguna aan ku fadhiistay xafiiskaygii oo la haysto, oo uu weliba mas’uul aanu dawladda iyo xukuumaddaba ka wada tirsan nahay oo aan I soo war-gelin in uu xafiiskayga baadhayo, ama Wasaaradda aan mas’uulka ka ahay kormeer ku samaynayo.

Saaxiibkeen Maxamuud Dheere igama foga oo waan arkaa isaga oo sii jeedaa oo Xasan Maxamuud wax weydiinaya. Albaabkayga iyo ka Xasan Maxamuud waa ay iska soo hor jeedaan, waxaana noo dhexaysa oo keliya Fadxiya oo ah Xoghaynta Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta.

Waan garan karaa in aanu Madaxweyne Siilaanyo soo dirin Maxamuud Dheere oo ah Hanti-dhowraha Guud. Cid ka hooseysa ayaa soo diraysa sida ay nala tahay, maxaa yeelay Mudane Siilaanyo sida dadka qaarkii maanta iyo waqti u dhow midna ma aan baran. In badan ayaan aqaannay, dhaqammadanna qaar uu lahaa ama yeeshay ma aha e’ waa qaar ay caadaysteen inta ku xeersan ee nasteexa iskaga dhigaysaa.

Hanti-dhowraha Guud wax ogeysiin ah ima siin intii aanu Wasaaraddii aan mas’uulka ka ahaa shanta la soo gelin. Haddii laga tegi waayo, markii uu malahayga todoobaad joogay ayuu maalin ii soo galay oo igu yidhi wax u ekaa waa baadhis caadiya oo sannadle ah. Kulankayaguna intaas ayuu ahaa, run ahaantiina dhaqanka caynkaas ah ma aan jeclaysan. Waan ogaa, mararka qaarkoodna goob-joog ayaan u ahaa in uu si joogto ah warbixinta ugu geyn jiray Madaxtooyada, gaar ahaan Wasiirka Madaxtooyada, bal se aniga wax lur ah iguma hayn. Meeshaba saddex bilood ma aan joogin. Waxaan u malaynayay in qorshe soo socda shaxdiisa la sii dhigayay.

(La soco………………………….)

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>