Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Isagaoo Tixraacaya: Qodobka 90, Faqradiisa 12aad  ee Dastuurka JSL ee tilmaamaya  awoodaha Madaxweynaha iyo Qodobka 75aad  ee Dastuurka, oo awood gaara u siinayaa  Madaxweynaha in uu xeerarka dalka ku soo saaro, kuna

baahiyo Faafinta Rasmiga ah; 
Isagoo ogsoon: baahida xooga ah ee loo qabo in xeerarka kala duwan, digreetooyinka rasmiga ah iyo ogaysiisyada lagu baahiyo, laguna faafiyo faafinta rasmiga ah si dhamaan laamaha dawladdu iyo dadweynuhuba ugu baraarugsanadaan dhaqan galka xeerarkaas iyo qoraaladaas;
Isagoo maanka ku haya: baahida loo qabo in la xaqiijiyo in dhamaan xeerarku ay si sax ah u dhaqangelayaan,  loona fulinayo sidii loo dejiyey;   
Markuu arkay: Qodobka 48, Faqradiisa 4aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka (Xeer Lr. 24/2003) ee dhigaya in Garyaqaanka Guud ee Qaranka uu xilsaaranyahay  in uu faafin rasmi ah kusoo saaro xeerarka dalka

Wuxuu soo Saaray
Xeer Nidaamiyaha Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland

Qodobka 1aad: Faafinta Rasmiga ah ee JSL
Waxa halkan lagu aasaasay Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. Oo looga golleeyahay in sida ugu dhaqsaha badan loogu baahiyo dhamaan xeerarka iyo go’aamada maamul (Administrative Acts) ee leh saamayn guud iyo ogaysiisyada dadweynaha ee  sharcigu dhigayo in la baahiyo ama ay lagama maarmaantahay in ay si rasmi ah u gaadhaan dadweynaha. 
Qodobka 2aad:  Naqshada iyo hab-qoraalka Faafinta Rasmiga ah ee JSL
Bogga hore ee Faafinta Rasmiga ah ee JSL waxaa ka muuqanaya:

Astaanta Jamhuuriyadda Somaliland.
Magaca “Faaafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland” oo qoral  weyn ah  iya isagoo far yar ku qoran Afka Carabiga oo ah “Al-Nashra Al-Rasmiya Li Jamhuuriyat  Somaliland” iyo Afka Ingiriisiga oo ah “Somaliland Republic Official Gazette”.
j)  Sanadka iyo taariikhda uu soo baxay.
d)  Tirsiga cadadka.
x)  Qiimaha lagu iibinayo cadadka iyo qiimaha rukunka muddaysan (periodic subscriptions) iyo habka loo bixin karo.
Kh) Qoraalka muujinaya xafiiska soo saaray.
D) Tusmada cadadaka oo leh tirsiga boggaga.
R)  Waxyaalihi kale ee u muuqda lamahuraan in lagu qora boggan hore sida habka   loola xidhidhi karo waaxda soo saarta Faafinta .  
Qoraalada waaweyn, sida xeerarka dhaadheer, waxa lagu soo saari karaa lifaaq dheeraad ah (supplements) oo tirsi leh.

3. Waxaa sanad kasta la soo saaraya bisha Kowaad (Janaayo) cadad gaar ah oo si ishaarad ah (Index) u qorayaa cadad kasta oo Faafinta Rasmiga ee soo baxay sanadka dhamaadey tirsigeeda, taarikhda uu soo baxay iyo dhamaan magacyadda iyo lambaradda xeer kasta (nooc kasta ha ahaade) ee cadad kasta sanadkaa ku soo baxay. 
4. Faafinta Rasmiga ah ee JSL waxa sidoo kale lagu soo saarayaa hanaanka elecktrooniga ah iyada oo baahinteeda iyo qaabka loo heli karo uu dajinayo, waxna ka bedelli karo Garyaqaanka Guud ee Qaranka. 

Qodobka 3aad:  Tusmada Cadadka
Cadad kasta oo Faafinta Rasmiga ah waa in ay caadiyan tusmadiisa u taxnaantaa hanaankan:
Qaybta koowaad oo ay ku jiraan Xeerarka iyo xeer-nidaamiyayaasha ay ansixiyeen Baarlamaanka iyo Madaxewynaha oo u kala horeeya taariikhda uu Madaxwynuhu saxeexay.
Qaybta Labaad oo ay ku jiraan digreetooyinka iyo Xeer Nidaamiyayaasha Madaxweynuhu soo saaray ee ka mid ahayn kuwa Qaybta Koowaad  ee faqradan ku xusan.
Qaybta Sadexaad oo ay ku jiraan digreetooyinka iyo xeer nidaamiyaasha  wasiiradda, amarada (orders), wareegtooyinka, xeer hoosaadyada, qaraarada (resolutions), xeerarka hoose ee Golayaasha Degmooyinka iyo Gobolada iyo warbixinada rasmiga ah ee dawalda.
Qaybta Afraad oo ay ku jiraan ogaysiisyada ay waaxyaha dawladu u bahanyihiin in dadweynaha qoraal rasmi ah lagu gaadhsiiyo, ogeysiisyada maxkamadaha, iyo Qandaraasyada dawlada.
kh)  Qaybta Shanaad oo ay ku jiraan ogeysiisyada shirkadaha (companies) iyo ururada samafalka ama xirfadlayaasha (professionals) ama shaqaalaha ee xeer hoosadyadoodu amaba xeerarka dalku ay ku amrayaan in ay xubnahooda amaba dadweynaha u baahiyaan waxyaalo la xhidhiidha hawlahooda, kuwaas oo iyagu ajuuro ka bixinayaan daabacaada, haddii uu ogeysiiskoodu ku haboon yahay in lagu soo saaro Faafinta Rassmiga ah. 
Waxyaalaha kale ee lagu dari karo qayb kasta waxa sii faahfahinaya Qodobka 8aad ee Xeer Nidaamiyahan 
Lifaaqyada dheeraadka ah (supplements) ee ku xusan Qodobka 2aad, Faqradiisa 2aad ee Xeer Nidaamiyahan, waxa keliya oo ku jiraya, xeerka ama xeerarka gaarka ah ee loogu talo galey in gooni loogu baahiyo.

Ishaaradda Sanadlaha ah (Annual Index) ee ku xusan Qodobka 2aad, Faqradiisa 3aad waxa liiska xeerarka cadad kasta oo sanadkaa soo baxay loo kala qaybiniya siday u kala yihiin kuwa ku xusan Faqradda 1aad(b) ilaa (j) ee Qodobkaa.

Qodobka 4aad: Taariikhda Daabacaadda
Cadad kasta oo Faafinta Rasmiga ah waa in, intii suuragal ah, la soo saaraa Sabtida u horeysa ee bil kasta marka laga reebo sabtida ku beeganta fasaxyada guud (public holidays) iyada oo cadadkaasi soo baxayo maalinta shaqo ee ku xigta.

Cadadyadda iyo lifaaqyadda dheeraadka ah waxa la soo saari karaa, markasta oo ay lamahuraan noqoto iyada oo la door bidayo maalinta sabtida.
Qodobka 5aad: Iibinta iyo qaybinta

Qiimaha Faafinta Rasmiga ha waxa lagu jaangoynayaa wareegto uu soo saaro Garyaqaanka Guud markuu la tashado Wasiirka Maaliyada.
Wasaardaha iyo laamaha kale ee dawladda oo ay ku jirto Garsoorka waa in loo qaybiyaa cadadyo ay korka kaga qorantahay “Nuqul Dawli – Lama iiban karo” (Official Copy – Not for Sale).  Qaybinta nuquladan iyo tiradooda hay’ad kasta la siinayo waxa go’aaminaya Garyaqaanka Guud.
Qodobka 6aad:  Luqadda Rasmiga ah ee Daabacaadda
Faafinta Rasmiga ah ee JSL waxaa lagu daabacayaa Af-Soomaali, islamarkaana xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah iyo qoraalada kale marka loo baahdo waxa lagu daabici karaa afafka Carabiga iyo Ingiriisiga.

2.  Haddii aan xeerar  ama wareegto  ama qoraal aanu si kale u dhigin, wixii iska hor imaad ah ee ka dhasha qoraalo isku mid ah balse ku qoran luqado kala duwan, waxaa mudnaanta leh midka ku qoran Af-Soomaaliga.  
Article 7aad:  Sharciyada (legislation) iyo Go’aanada Maamul
Sharciyada lagu daabacayo Qaybta Koowaad ee Faafinta Rasmiga ah waa in aay ku jiraan:

b)  Dastuurka Jamahuuriyadda Somaliland iyo soo jeedinta wax ka bedelka iyo dib u eegista Dastuurka.
t)  Nuqulada heshiisyada caalmiga (international treaties) ah ee Jamhuuriyadda Somaliland la gasho daraf kale iyo xeerarka lagu hirgeliyey (ratification).
j)  Xeerarka iyo Xeer-nidamiyayaasha uu ansixiyey Baarlamaanku, Madaxweynuhuna  saxeexay oo ay la socdaan ansixinta Baarlamaanka iyo ogolaanshaha Madaxweynahu.
x) Miisaaniyada Qaranka iyo Xeerka Miisaaniyadda, iyo sidoo kale Miisniyadda kaabidda ah ama wax ka bedelka ay ansixiyeen Golaha Wakiiladu.
kh)  Xeerarka deg-deg ah ee Madaxweynuhu kusoo saaro si waafaqsan  Qodobka 92aad ee Dastuurka iyo go’aanada Baarlamaanku ka gaadho. 
Sharciyada kale ee ay tahay in lagu faafiyo Qaybta Labaad ee Faafinta Rasmiga ah waxaa ka mid ah:

b)  Xeer-nidaamiyayaasha uu soo saaray Madaxweynuhu iyada oo xeer awood u siinayo. 
t)  Xeer-nidaamiyayaasha ay soo saaraan Wasiiradu ee xeer awood u siinayo. 
Go’aanada  maamul iyo amarada kale ee ay tahay in lagu daabaco Qaybta Sadexaad ee Faafinta Rasmiga ah ee JSL waa in ay ku jiraan:
b)  Wareegtooyinka iyo Amarada Madaxweynaha oo ay ku jiraan magacaabista iyo xil ka qaadista.
t)  Wareegtooyinka, amarada  iyo wareegtooyinka  maamul ee Wasiirada.
j)     Amarada maamul ee madaxda laamaha kale ee dawladda.
x)    Xeer Hoosaadyada Dawladaha Hoose ee Degmooyinka iyo Gobolada..
kh)    Qaraarada ama baaqyada rasmiga ah ee dawlada ee u baahda in loo fidiyo si rasmi ah.
d)    Qaraarada, ogaysiisyada iyo warbixinada rasmiga ah ee Golayaasha Sharci dejinta ee ay ogolaadaan in la daabaco Gudoomiyayaashu.
r)     Xeer Hoosaadyada Labada Gole ee Sharci-dejinta iyo Gudiyadooda.
s)     Xeer Hoosaadyada Hay’adaha kale ee Dawladda ah ee aan lagu soo saarin xeer ama xeer-nidamiye.
sh)  Natiijooyinka kama danbaysta ah ee doorashooyinka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Baarlamaanka, Golayaasha Geegaanka iyo natiijooyinka kama danbaysta ah ee aftiyada.
dh)      Barnaamijyada dawladda ee uu ansixiyo Baarlamaanku iyo warbixinada wax qabadka.
c)     Warbixinada wax qabadka dawlada iyo warbixinada fulinta miisaaniyadda dalka.
g)  Warbixinada kama danbaysta ah ee arrimaha loo saaray Guddi baadhis ama Guddi talo- bixineed oo loo igmaday in ay arimahaas warbixino ka soo saran.
Ogaysiisyada, hadalada ama xayaysiisyada caamka ah ee ay tahay
in lagu daabaco Qaybta Afraad ee Faafinta Rasmiga ah ee JSL
waa in aay ku jiraan:
b) Ogaysiisyada ay daabacaadooda sharicgu rabo.
t) Ogaysiisyada maxkamadeed ama garsoorka.
j) Ogaysiisyada daabacaadooda uu farayo Xeerka Shirkadaha (Companies Law), xeer hoosaadyada shirkadaha caamka ah ama kuwa gaarka loo leeyahay, ururada, jaamacadaha, mu’assasadaha iyo ururada aan dawliga ahayn.  
x) Wixii kale ee aan ku saabsanayn dawlada ee in la daabaco sharcigu amrayo. 
Qodobka 8aad:  Xaqiijinta (Verification) nuqulada la daabacayo
Dhamaan sharciyadda (legislation) oo ay ka mid yihiin xeerarka iyo Dastuurka, xeer-nidaamiyayaasha, digriitooyinka, wareegtooyinka,  amaradda ku xusan Qodobka 7aad, Faqradaha 1aad ilaa 3aad,  ee Xeerkan, ee  ay tahay in lagu daabaco Faafinta Rasmiga ah ee JSL waa in uu xaqiijiyaa Xafiiska Garyaqaanka Guud, lagumana daabici karo Faafinta Rasmiga ah ilaa inta aanu nuquladooda  xaqiijin (verified) Xafiisku.
Wareegtooyinka maamul, ogaysiisyada Maxkamadaha, ogaysiisyada laamaha dawladda iyo ogeysiinada caamka ah ee dawliga, waa in uu xaqiijiyaa sarkaal sare oo ka tirsan cidda soo saartay.  Wasiirka ama Madaxa hay’adda ay khusaysaa ayaa soo saaraaya liiska jagooyinka saraakiisha sar sare ee awood u leh in ay xaqiijiyaan nuqulada Faaafinta lagu daabacayo.

Garyaqaanka Guud ayaa ku soo saaraya tilmaamo  ashkhaasta cadayn kara ama sugi kara ogoysiisyada caamka ah ee sharikadaha, ururada  (associations) iyo ururada aan dawliga ahayn, isla markaana cayimaya ajuurada laga qaadayo  ogaysiisyadaas.
Garyaqaanka Guud waa inuu xadidaa waqtiga kama dambaysta ah ee qoraalka la xaqiijiyey, ee asalka ah iyo nuqulada elektrooniga ah loo gudbinayo madbacadda si loo daabaco iyo hannaanka ay tahay in loo maro si loo daabaco arimaha degdega ah.
Qodobka 9aad:  Muujinta iyo tirsiga Sharciyada iyo amarada  la daabacayo

Dhamaan sharciyada (legislation) la daabacayo waa in lagu muujiyaa magacooda, lambarka taxanaha ah ee ay siiyeen Golayaasha Baarlamaanku iyo taariikhda uu saxeexay Madaxweynuhu. Baarlamaanka ayaa xeer kasta ama xeernidamiye kasta  oo uu soo saaro  magac iyo tiro u gaar ah siinaya.  Haddii wax ka bedel xeer ama xeer nidaamiye aan cinwaan ama tiro gaar ah la siina, waxaa daabacaada wax ka bedelka lagu daraya weedha ah ‘wax ka bedel’’ iyo taariikhda uu Madaxweynuhu ansixiyey.
Dhamaan wareegtooyinka, amarrada maamul iyo xeer-hoosaadyadu waa in ay muujiyaan noocooda, magac cida soo saartay, cinwaankeeda, lambarka tixraaca iyo taariikhda la saxeexay iyo taariikhda ay dhaqan gelayaan.

Tixraac buuxa (full reference) ee xeer kasta, xeernidamiye, wareegto  ama amar, marka la daabacayo ee ay ku soo baxaan Faafinta Rasmiga waxa lagu darayaa cadadka Faafinta Rasmiga ee ay kusoo baxeen iyo taariikhda la daabacay cadadkaas.
Qodobka 10aad:  Daabacaadda nuqul isku duub ah oo xeer wax badan laga bedellay

Haddii xeer wax badan ama dhawr jeer wax laga bedellay, waxa marka uu ogolaado Shirgudoonka Golaha Wakiilada, lagu daabacayaa Faafinata Rasmiga ah xeerka iyo wax ka bedelkiisa oo dhan oo ah nuqul isku duuban (consolidated copy).
Garyaqaanka Guud ayaa kala tashanaya Gudoomiyaha Golaha Wakiilada marka ay la noqoto in loo baahanyahay isku dhafka wax ka bedelaada xeer si loogu daabaco nuqul isku duuban (consolidated copy).
Qodobka 11aad: Sixitaanka
1. Sixitaanka, waxa keliya oo la ogolaan karaa hadii ay la xidhiidhaan khalad xagga maadiga ah oo ka dhashay kala duwanaansho u dhexeeya qoraalka asalka ah iyo ka lagu daabacay Faafinta Rasmiga ah. Sixitaanka waxa lagu codsan karaa qoraal rasmi ah oo o ka soo baxay hay’ada markii hore ansixisay qoraalka asalka ah. 
2. Hadii kala duwanaanshuhu uu yahay khalad madbici ah, waxaa sixitaanka samaynayaa  Madbacadda markuu ka talo bixiyo Garyaqaanka Guud.  
3. Sixidda waxa lagu daabacayaa qaybta Faafinta Rasmiga ah ee JSL ee hore loogu daabacay qoraalka la saxayo. 
4. Hadii murug ka yimaado fahamka qoraalka la saxayo, qoraalka la saxay dib baa loo daabici karaa qayb ahaan ama guud ahaanba.  
5. Sixidu ma saamaynayso taariikhda uu dhaqan gelayo qoraalka rasmiga ah ee la saxay. 
Article 12aad: Garyaqaanka Guud
Xafiiska Garyaqaanka Guud ayaa leh masuuliyadda koowaad ee xaqiijinta in dhamaan sharaciyada (xeerarka iyo xeernidamiyayaashu)   ay ansixiyeen baarlamaanku, ee uu saxeexay Madaxweynuhu, lagu daabaco Faafinta Rasmiga ah ee JSL si sax ah oo waqtigeedii ah.
Xafiiska Garyaqaanka Guud wuxuu hubinyaa in cadadka Ishaarada Sanadlaha ah (Annual Index) ee ku xusan Qodobka 3aad, Faqradiisa 3aad ee Xeer Nidaamiyahan uu si sax ah u soo baxo bilowga sanad kasta.
Xafiiska Garyaqaanka Guud wuxu abaabulayaa marka ay suurta gasho in dhamaan cadadyada Faafinta Rasmiga ah ee soo baxa sanad kasta laysugu xidho buugaag ahaan (bound volumes) si loo kaydiyo.
Qodobka 13aad:  Hay’adaha Dawlada
Wasaaradaha, hay’adaha dawlada ee madaxa banaan, laamaha garsoorka, iyo dhamaan waaxyaha dawlada oo ay ku jiraan Dawladaha Hoose, waxaay Xafiiska Garyaqaanka Guud u soo gudbinayaan dhamaan nuqulada asalka ah ee ku xusan Xeer Nidaamiyahan, waxayna  Faafinta Rasmiga ah ee JSL marakay soo baxdo ku dhex  faafinayaan, kuna keydinayaan hay’adahooda. 
Qodobka 14aad: Wax ka bedelka Xeernidamiyayaasha iyo awaamiirta
Xeer Nidamiyahan waxaa wax lagaga bedeli karaa amar Madaxweyne, marka aay daruuri noqoto, wareegto Madaxweyne.
Garyaqaanka Guud wuxu soo saari karaa, marka ay daruuri noqoto, awaamiir lagu fulinayo Xeer Nidaamiyahan.
Qodobka 15aad: Daabacaadda
Faafinta Rasmiga ah ee JSL waxaa lagu daabacayaa Madbacadda Qaranka. Hadii aan Mabdcadda Qaranku daabici karin Faafinta Rasmiga ah, Garyaqaanka Guud waxa uu u diri karaa madbcad kale ilaa inta Madbcadda Qaranku ay awood u yeelanayso in aay daabacdo.  
Qodobka 16aad: Tirtirid
Xeer nidaamiye kasta oo khilaafaya qodobada Xeer Nidaamiyahan waxaa lagu baabiyey Xeer Nidaamiyahan, waana wax kama jiraan.  
Qodobka 17aad: Dhaqan galka
Xeer Nidaamiyahani wuxuu dhaqan galayaa marka uu Madaxweynaha JSL uu saxeexo.
Haddii daabcaadda Faafinta Rasmiga ah ee JSL aanay nidaamka iyo waqtiyadda uu sheegay Xeer Nidaamiyahani u suurtoobin ka dib marka Xeerkani dhaqan galo; Garyaqaanka Guud waxa uu amar ahaan, si ku meel gaadh ah, u habaynayaa  in daabacaadda qaybaha koowaad ilaa sadexaad ee Faafinta Rasmiga ah ee JSL loo daabaco loona qaybiyo hannaanka elektrooniga ah.

Allaa Mahad Leh,

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *