https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/1138/2?uidval=1268568853Waxa aad moodaa in siyaasidii iyo xisbiyadii Somaliland ay noqdeen sidii guri uu nin gaari iska leeyahay ciduu doonana uu ka kiireeyo kuu doonana uu u diido,halkii ay ka ahayd in ay noqdaan xisbiyo qaran oo maalinba ninkii dalku u baahanyahay dadkana hanan kara loo dhibo iyada oo aanan

 

wax qabyalada ah iyo nin jeclaysi meesha ku jirin.
Hadii aan gudo galo maqaalkayga waxa baryahan danbe aynu maqlaynay siyasiyiin ku fashilmay in ay hantaan dadka iyo dalka oo aynu sifican u wada baranay aqoona  aanay inoogu laabnayn oo hadana manta  mar kale doonaya in ay cod inaga raadiyaan,waxa ugu horeeya Ali Warancade,ali waxaan leeyahay  aliyoow ninka aad is  haysaan ee Jamaal Ali Hussein  horta waa nin kaa aqoon badan,kaa khibrad badan,kaa karti badan,kaa dhaqaale badan,kaa cod badan,kaa da’yar, wajigiisu uu cusub yahay waxqabadkisana wali aan la tijaabin laakin sida  muuqata ee aynu wada ognahay ah nin hawl kara ah Somaliland haduu madax ka  noqdana  ay Somaliland sumcad ku helayso waayo waa nin dunida laga yaqaano  maaha  Nin NSS ah oo Hargeisa uun ku wareega cidna aanay aqoon.
Cali adiga ku baranay dalku intaa u jirayba xil baad soo haysay waxaad qabatay na waa la  yaqaana wasiirka dulista iyo hawada ayaad ahayd mudo badan wax aad ka qabatayna waa la yaqaan hal kaa sano ee ay dawladani haysay ayaa kaa  wax qabad fican cid kastaana way ogtahay in 60% aad cuni jirtay 40% indhaha maatida aad iskaga jeedin jirtay oo  intaad guri rinjiyayso odhan jirtay waxaasaan qabtay,Somaliland waxay baahntahay nin da’ yar oo aqoon yahan ah sida jamaal oo kale.
Ugu danbayntii Cali maanta waxa ku xidhay waa dhaqaale la’aan, wax kalsooni ahna  maanta shacabku kuuma hayaan,waayo waxaad tahay ninka heeshiskuu saxeexay beeniyay somalidu waxay tidhahdaa RAGGNA QAWLBAA XIDHA DUMARNA MEHER,kalsonina sidaasaad ka tahay,waxqabadna waad ka aradantahay oo waa lagu yaqaanaa Cali warancadow  ku baranaye jamaalna aanu baranee in yar salka dhulka dhig.

Mukhtar Aden Abdi(Koshin)
+254 721 622 438
koshinme@hotmail.com
G/kuxigeenka jaaliyada Somaliland ee dalka Kenya
FG:jaliyadda kuma matalo qoraalka aniga ayuu igu koobanyahay

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *