BIDCADA MA LA GARTAY? By, Ex-G/le Sare Omer Suleiman Ali

HABAR DHAQAMEED MASE ODAY  By: G/le Sare Omer Suleiman AliWaxaan xalay oo ahayd habeen Axad bisha Dec. ahayd 24 /2011 telefishanka SNTV ka dhegaystay nin shiikh ah oo aanan magaciisa qaban oo ka hadlaya waxa loo yaqaan bidcada. Sida runta ah wuxuu shiikhu siiyey qeexitaan wanaagsan ereyga bidco waxa loola jeedo si fiican oo

 

cilmiyeysan ayuuna u macneeyey. Waxaanse isaga iyo culumo kale oo fara badan oo bixiya muxaadarooyin ama TV-yada ka sii daaya tafsiirka Quraanka aan ku arkay in aanay sheegin dabiqaadda aayadaha Alle ee ay markaas ka hadlayaan.
Dembigiisa Alle ha dhaafee shiikhu isaga oo ka hadlayey TV-ga DKMG ah oo ay muuqato in uu ka mid yahay culumada raacsan dawladda ka jirta Soomaaliya ma aha in uu ka hadlo diin, waayo aayad kasta oo uu soo qaato isaga ayaa ugu horreeya cidda jebinaysa ee ka soo horjeedda aayaddaas ama xadiis haddii uu yahayba. Waxaan sidaas darteed u soo daliishanayaa shiikhaas iyo culumada kale ee la midka ah aayaddan ka midka ah Quraanka kariimka ah.
أَتَأْمُرُونَ النَّاسَ بِالْبِرِّ وَتَنْسَوْنَ أَنْفُسَكُمْ وَأَنْتُمْ تَتْلُونَ الْكِتَابَ أَفَلَا تَعْقِلُونَ(44).
Aayaddan oo in kasta oo ay ku soo degtay arrin gaar ah haddana caam ah wuxuu macnaheedu yahay sidatan:
Ma waxaad dadka faraysaan iimaan buuxa idinka oo idinku is illoobay in aad naftiinna fartiin iimaan buuxa welibana aad haysataan kitaabkii oo baranaysaan ee miyeydaan caqli bartii la idinku ogayn.
Sida ka muuqata aayadda markii uu ruux dad wax ka sheegayo waa in uu isagu isa saxaa ama is xisaabaa inta aan la xisaabin. Waxaan lee yahay shiikhu meesha uu ka hadlayo ma aha meeshiisii ee degdeg ha isu xisaabo, haddii naruuro yar aad ku qabtid u hiilinta dawladdana waxaad ku sugnaan karta xaalad munaafaqnimo ee ka fiirso.
Wuxuu Alle noogu sheegay aayadda 140 An-Nisaa in haddii aad aragtaan ama maqashaan dad aayadaha Alle xistinaya xaqnimadoodana diiddan aydaan sheeko la wadaagin, haddii kale iyaga oo kale ayaad tihiin laba aflayaal, laba aflayaasha iyo gaaladana waxaan isugu geenayaa cadaabta ayuu Alle ku caddaynayaa isla aayadda. Aayaddiina waa tan.
وَقَدْ نَزَّلَ عَلَيْكُمْ فِي الْكِتَابِ أَنْ إِذَا سَمِعْتُمْ ءَايَاتِ اللَّهِ يُكْفَرُ بِهَا وَيُسْتَهْزَأُ بِهَا فَلَا تَقْعُدُوا مَعَهُمْ حَتَّى يَخُوضُوا فِي حَدِيثٍ غَيْرِهِ إِنَّكُمْ إِذًا مِثْلُهُمْ إِنَّ اللَّهَ جَامِعُ الْمُنَافِقِينَ وَالْكَافِرِينَ فِي جَهَنَّمَ جَمِيعًا(140).
Sidaas darteed waxaan u arkaa in shiikhu ku sheeko darsday kuwo aayadaha Quraanka xistinaya xaqnimadoodana shaki gelinaya. Haddii uu shiikhu firkaas wax ka duwan uu qabo waxaan jeclaan lahaa in uu e-mail kayga oo ah sidatan igala soo xiriiro omersul04@gmail.comn, si aannu toos isula xiriirno oo wax u kala faa’iidaysanno.
Sida uu shiikhu sheegay bidco waxaa la dhahaa wax aan sunnada Alle iyo sunnadii rasuulka midna ka mid ahayn ee dadku la yimaaddeen oo ku beddesheen wax sunnada Alle ama rasuulka ka mid ah, la iskumana hayo in ay gaalnimo tahay sida uu shiikhuba sheegay.
Waxaan shiikha iyo culumada kale ee ag fadhiya dawladda Mahiige aan xasuusinayaa in dawlad aan la mid ahayn ee ka duwan middii uu rasuulku scw ka dhisay Mekka ay tahay bidco iyo gaalnimo. In dastuur la sameeyo miyaanay bidco ahayn? In dadka Islaamka ah la kitfo oo lagu magacaabo Federaal miyaanay bidco iyo gaalnimo ahayn? Marka haddii ay dawladdu bidco tahay oo ay gaalawday maxaa adiga iyo kuwa kale idin dhex dhigay? Sida xaqa ahse maxaad ugu sheegi la’dihiiny, haddii aad sheegtteen oo la idin ka diiday maxaa idin ag dhigay?
In gaalka Mahiige iyo gaalada soo adeejisay dawlad noo dhisaan saw bidco iyo gaalnimo cad ma aha? Sideese culumada ag fadhidaa ku taskiyeynayaan dawladnimada bidcada ah? Sida aad sheegtay bidco waxay meesha ka saartaa wax xaq ah kuna beddeshaa wax baadil ah, sidaas darteed dastuurku iyo Federaalnimadu sow ma aha bidco meesha ka saarayaa shareecada Alle iyo midnimada Islaamka ee muqaddaska ahaa.
Haddii ay ummaddu qaadato dastuurka Federaalka bidcada ah ee Garoowe lala tegey waxay gaaladu ku guulaysatay in ay kala qaybiso ummadda Islaamka sidaasn uu xoogeedu ku wiiqmo markaasna ay u suurto geli karto in ay isku diraan si ay uga dhex faa’iidaystaan. Culumada dawladda raacsani ummadda Islaamka ah ma ku qancin karaan in ay dawladdu tahay mid Islaam ah?. Haddii ay ku qancin karaan ha la xiriireen isbahaysiga culumadii Soomaaliyeed ee xaruntoodu tahay Baydhaba ee dhowaan halkaas ku shirtay hana ku qanciyeen haddii kale culumada la jirta dawladda iyo maamul goboleedyada kale oo dhammi ha qirteen in ay munaafaqiin gaalo raac ah yihiin Allena ay xadhigiisii gooyeen. Haddii isabahaysiga iyo kuwa dawladda la jiraa wada hadlaan waxaa suurto gal ay in Alle waafajiyo xaqa iyo talada toosan ayna isku meel ka soo jeestaan.

Ex-G/le Sare Omer Suleiman Ali

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *