Nooc ka mid ah Kalluunka lagu  magaciisu yahay Ming ayaa la caddeeyey inuu yahay xayawaanka adduuna ugu da’da weyn, kadib markii la helay in da’diisu jirtay 507 sanno, balse nasiib-darro uu bakhtiyey

 

markii khubaro saynisyahanno ah qalliin ku fuliyey si ay baadhitaan dheeraad ah ugu sameeyaan.

Kalluunkan oo ay sheegeen khubaradu inuu jiray waqtigii boqoradda Elizabeth I ee dalka Ingiriiska ka talinaysay waqtigii dagaalka sokeeye ee Ingiriisku socday, balse waxa la ogaaday aakhirkii in toddoba sanno kahor kalluunkan uu meesha ka baxay, markii khubaro ka socotay jaamacadda Bangor University ay ku qalleen meel u dhaw badda Iceland si ay ugu sameeyaan cilmi-baadhis ay ku hayeen cilmilo-geddiska.

//

Khubaradan intii ay ku guda jireen qalliinkooda kalluunkan Ming wuu dhintay, markii ay tiriyeen tirade mararaaha ah ee ku hoos jirtay qoloftiisa waxay xisaabtoodu u soo saartay in kalluunkan jiray 405 sannadood, balse  waxay khubaradan qireen in 100 sanno ay ka reebeen da’diisa, kadib markii ay ku khaldameen xisaabinta da’diisa

“Markii ugu horraysay waannu khaldanay, waxaanannu rajaynaynaa inaannu cilmi-baadhistayada dib u daabacno, waqtigana waxaannu hayna wax xaqiiq ah, da’da dhabta ahna waannu helnay,” ayuu yidhi Paul butler oo ah khabiir culuumta badweynta ku takhasusay oo ka tirsan Jaamacadda Bongor, kaasoo la hadlaayey jariirada Science Nordic.

Da’dan ay khubaradu sheegeen in cilmi-baadhistooda ay ku ogaadeen waxay macnaheedu tahay in kalluunkan dhashay sannadkii 1499-kii.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *